Sign in to follow this  
BN

Secret Agreement Between A. Yusuf and AbdiQasim?

Recommended Posts

BN   

Dukumiinti Qarsoodi ah oo ay kala saxiixdeen Cabdulahi Yusuf iyo Cabdi Qasim Salad oo la helay Markii ugu Horeeysay kaas ay ku wadda gaareen qodob muhiim oo dhegta la isugu sheegay

 

cabdiqasimiyocabdulahi.jpg

 

Waagacusub Online 27-10-04 Nairobi

 

Qaar ka tirsan weriyaasha Bogaan ayaa markii ugu horeeysay waxaa ay arkeen dukumiinti sira oo ay kala saxiixdeen Madaxweynahii hore ee Somaliya Cabdi Qasim Salaad iyo kan Iminka Taladda haya Cabdulahi Yusuf Axmed

 

Heshiiskaas waxay ku kala saxiixdeen haddii Cabdulahi Yusuf uu ku guuleeysto kursigga Madaxweynaha inuu Ra’isulwasaarahiisa u magaacabo Max’ud Maxamed Culusow oo Cabdi qasim ay isku heeyb yihiin kadibna Wasiirka beeshiisa uu siiyo Xildhibaan Xasan Dhimbil .

 

Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa isagana Cabdi qasim kula heshiiyay inuusan dowladdiisa hagar daameeyn haddii uu ku soo baxo Doorashadda oo uu si dimoqoraadi ah ugu hambalyeeyo xilkana ugu wareejiyo,waxaa kale oo Cabdi qasim sharuud ahaan loo hordhigay inuu Xisbi xoogan oo taageersan dowladda Cusub uu ka diyaariyo Muqdisho isagoo qaban qaabinayo banaanbax weyn oo lagu taageerayo.

 

Hadaba dukumiintigaan ay labadda Mas’uul kala saxiixdeen waxaa dhinacyaal ,heshiisyo badan oo uu Cabdulahi Yusuf la galay Hogaamiyaal kale oo ay ka mid yihiin Maxamed Dheere iyo Xuseen Ceydiid oo uu kula heshiiyay in uu mid weliba siin doono jagadda Ra’isulwasaaraha marka uu guuleeysto taas oo mid waliba iminka uu ku dhegan yahay ,waxaa kale oo heshiis kaas la mid ah uu la galay Madaxweyne Cabdulahi yusuf Mudane Cusmaan Xasan Cali Caato oo ay kala saxiixdeen heshiis dhigayo in Cabdulahi Yusuf Ra’isulwasaare siiyo Mudane Cabdulahi Axmed Cadow .

 

Si kastaba ha ahaatee iminka oo waqtiggii magacaabista ay ka dhiman tahay maalmo qura waxaa muuqato in Cabdi qasim dhamaan heshiisyaddii u la galay Cabdulahi Yusuf uu fuliyay marka la eego inuu u hambalyeey,dadka reer xamar u sheegay inay soo dhaweeyaan dowladda iyo banaanbaxii uu Ibrahim Shaaweey iyo Cabdulahi Firimbi Amarka ku siiyay inay ku qabtaan gobolka banaadir,waxaase laga warsugayaa Cabdulahi waxa uu ka qabto balantaas uu la galay Cabdi qasim

 

Axmed Maxamed Xiifoow’Nairobi Kenya

 

somali_journalists@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this