Sign in to follow this  
wind.talker

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo Muqdisho lagu weeraray

Recommended Posts

Tiro Baabuurta Tiknikada oo uu la socday Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo Caawa Fiidkii Lagu Weeraray Jidka Warshadaha

 

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Magaalada Muqdisho iyo Dhwar Baabuurta dagaalka oo uu la socday Guddoomiyaha ayaa caawa fiidkii lagu weeraray Wadada Warshadaha goob Isbaaro u tiilay koox maleeshiyo beeleed ah,iyadoo iska horimaadkan ay ku dhinteen sida ay sheegayan wararka laga helayo Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ilaa iyo 4 Qofood iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Ilaa iyo hadda lama hubo cida weerarka bilawday,laakiin Saraakiisha Maxkamadaha waxay sheegeen in rasaas kaga soo dhacaday goobta Isbaarada u tiilay kadibna Ilaalada Sheekh Shariif Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga ay ka bixiyeen jawaab deg deg ah.

 

Sida la og yahay ilaa iyo kolonyo Baabuur ah oo dhan 7 oo kale ayaa waxay inta badan daba socdaan Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo ilaalo gaar ah u ah Sheekh Shariif.

 

Iska hor imaadkan ayaa waxaa uu socday ilaa iyo 40-daqiiqo, ilaa iyo hadda lama soo sheegin qasaaha kala ee uu geystay,sidoo kale goobaha Caafimaadka lagama helin warar ku saabsan tirada dhaawac soo gaartay.

 

Goobta dagaalka ka dhacay ayaa waxay u dhawdahay raadeerka ee wadada warshadaha ee degaanka Dayniile, waxaana halkaasi Xarun Isbaaro u ah Maleeshiyo beeleed oo ka tirsan Beelaha Muqdisho.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this