Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed losing Mogadishu,,,

Recommended Posts

Warbixin Qaas ah oo ku saabsan Dagaalladii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho, Iyo Shabaabka oo Xisbul-Islaam kaashanaya oo la wareegay Magaalada Muqdisho inteeda badan.

 

Muqdisho,10,May,2009 ,Axad,(Hillaac.net) Warbixintii ugu dambeysay ee naga oo gaartay Dagaallada lagu riiqmay ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa Tibaaxeysa in Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab ay u suuragashay Dagaal aad u Ba'an Dabadiis in ay Gacanta ku dhigaan Isbartiibada Istaadiyo Muqdisho iyo Waddada Warshadaha oo Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Dagaallo soo noqnoqday ay ku dhex marayeen MMI Garabka Dowladda Taageersan iyo Alshabaab.

 

Sidoo kale Xoogagga Xisbul-Islaam ayaa isku ballaariyey Dhammaan Degmada Yaaqshiid Juungal, Huriwaa, Illaa Isgoyska fagax, Iyadoo sidoo kalena Dagaalladii ka soconayey Degmada Wadhiigleey ee u dhexeeyay Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Dowladda ay Dhinaca Xisbul-Islaam u Awood sheegteen Dhinacii kale e Xoogagga Dowladda Iyagoo weliba gubay 4 ka mid ah Gaadiidka Tiknikada ah ee ay Ciidamada Dowladdu Dagaalka u isticmaalayeen.

 

Sargaal sare oo Ciidamada Dowladda shalay uga dhaawacmay Dagaalladii Yaaqshiid oo Magaciisa la yiraahdo Nuur Daqle ayaa Xaaladdiisa laga soo deyrinayaa Isagoo uu Dhaawac culus soo gaaray Haatanna lagu Daweynayo Isbitaalka Keeysaneey ee Magaalada Muqdisho.

 

Gaadiid Dagaal oo aad u fara badan oo ay leeyihiin Xoogagga Alshabaab kana kala yimid Dhinaca Beydhabo iyo Marka ayaa weli ku soo Qulqulaya Magaalada Muqdisho, Iyadoo Dhinaca Degmada Balcadna ay ka soo galeen Gurmad kale oo Xoogagga Alshabaab ay leeyihiin, Ururka Xisbul-Islaam ayaa iyaguna Gurmadyo Ciidan oo Baaxad weyn waxay ka soo kala gaareen Degmooyinka Afgooye iyo Qeybo ka mid ah Gobolka Bakool, Waxana Magaalada Muqdisho ay la ciirciireysaa Ciidamo dhinac walba ka soo galaya oo intooda badan Gurmad ahaan u soo gaaraya Xoogagga Xisbul-Islaam iyo Alshabaab.

 

Dhinaca Dowladda ayaa sida la Xaqiijiyey Dagaalka ku wada jira Labadii qeybood ee kala ahaa MMI Garabka Dowladda raacay, Iyo Ciidamadii ka haray Dowladdii C/llaahi Yuusuf, Iyadoo Keydka Ciidan oo qura oo u haray uu yahay Ciidamada AMISOM oo Qiyaastii lagu sheegay 4000 Kun oo Askari oo haatan Xeryahooda aan meelna u dhaafin marka laga reebo Madaafiic ay hadba Xaafad ku ridayaan.

 

Shacabkii ku soo laabtay Magaalada Muqdisho markii ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen ayaa misana dib uga Qaxay oo Dhinac walba Magaalada uga baxay, Iyadoo Dhinaca Dowladda Markii ay Dagaalka Iclaaminayeen ay isku Haleeynayeen in ay Taageero ka heli doonaan Shacabka Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in ay Taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, Balse Shacabka Muqdisho oo ah Shacab ay Ragaadiyeen Dagaallo iyo Macluulo is biirsaday 19kii sano ee ugu dambeeyay ayaa Isku Halleyn iyo Taageero Siyasadeed oo laga sugaa ay noqoneysaa GAARAABIDHAAN.

 

Isku soo wadaduuboo Xaaladda cusub ee ay Magaalada Muqdisho gashay ayaa ah mid ka duwan sidii ay filayeen Kooxihii Dagaalka Iclaamiyey, Waxana Durbaba Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ay Eedeyn Dusha ka saareen Cumar Xaashi iyo Janaqoow oo iyagu sabab u ahaa Daandaansiga iyo Iclaaminta Dagaalka Muqdisho, Iyadoo Cumar Xaashi si gaar ah loogu eedeeyay in uu Madaxda Dowladda Itoobiya Ballan kula soo galay in uu Magaalada Muqdisho Dagaal u dhexeeya Soomaalida dhexdeeda ka Billaabo si Ciidamadii Tigreegu Xasuuqii ay Shacabka Soomaaliyeed badeen loogu dado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Though this is the only site breaking with this news.

 

Many government portals are quite thus far and only reporting death and destruction..

 

Xasan Dahir has also spoken about beaing attacked.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Al-Shabaab & Al-Muhaajiriin Oo Gacanta Ku Dhigay Inta Badan Caasimada Muqdisho.

09 May, 2009 02:08:00 Toronto t.

Font size:

 

Dagaalka Muqdisho ayaa gaaray halkii ugu saraysay, wuxuna u muuqdaa mid looga gacan sareeyo dowladda iyo taageerayaasheeda, kadib markii inta badan ciidamadii maxaakimtu ay ka bexeen dagaalka iyagoo u arkay inuu yahay dagaal fitno oo mujaahidiintii dhexdooda ka bilowday. Magaalada inteeda badan waxay u muuqataa mid gacanta ugu jirta xoogaga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam. Waxay haystaan wadooyinka warshadaha, jidka 30ka, Isteediyo Muqdisho, Saldhigyada Yaaqshiid iyo Wardhiigley, wadada wadnaha hotel Florence iyo hotel Daameey. Difaaca ugu horeeya ee dowladuna wuxu joogaa iskool 15 May oo ah irida Villa Somaliya. Dhanka Waqooyi ciidamadii dowlada waxa laga soo jabshay xaafadaha Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis, difaacooda ugu horeeyana wuxu joogaa Suuq-Bacaad iyo Nasiib Buundo. Sh. Yusuf Indhacade oo beryahan la safnaa dowladda hadana aan la ogayn go'aanka uu qaadan doono ayaa wali gacanta ku haya warshada Baastada oo ah halka kaliya ee Al-Shabaab aysan gacanta ku dhigin wali.

 

Dhanka Koonfurta magaalada ciidamadii Sh. C/qadir Cali Cumar ee ku sugnaa Shiirkole ayaa lasoo sheegaya inay labo u kala jabeen, qayb ka mid ah ay ku biirtay Al-Shabaab, halka qaybta hartay ay wada hadal kula jiraan Shabaabka iyagoo sheegay inay hubka dhigayaan dagaalkana ay ka baxayaan, laakiin aysan ku biiri doonin Al-Shabaab. Haddii laga saaro Shiirkole ciidamadaas, waxay dowladu noqon doontaa mid ku aruurta intii uu joogi jiray Col. C/lahi Yusuf oo ah Villa Somaliya ilaa No 4 iyo inta u dhaxaysa.

 

Waxa markii ugu horaysa dagaalka Muqdisho kusoo biiray saakay maleeshiyaad u dhashay beesha Mudulood tiradoodana lagu qiyaasay 2000, kuwaasoo dagaalka kasoo galay dhanka Boondheere duulaana ku ah Suuq-Bacaad iyo Afarta Jardiino. Maleeshiyaadkan oo qaba laba Kaaki ayaa saakay dagaal xoogan kasoo bilaabay dhankaas, waxana wali la maqlayaa xabado wiifto ah oo ka soo dhacayaa dhinacaas. Weerarka beesha Mudulood ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay xalay soo dageen Afarta Jardiino.

 

Saadaasha ayaa u muuqata qorshe dibindaabyo shisheeye oo la doonayo in mar kale ay Muqdisho qabsadaan Al-Shabaab iyo ajaanibta la socota, kadibna ay duulaan balaaran ku yimaadaan ciidamo shisheeye oo markaan ay horkacayaan NATO iyo Maraykan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Sharif did anyhting to prevent this, as the old man, he is only obeying orders from the people who opionted him and we remember the last day of old man. the arrival of sh.aways complicate things for him and his future is bleak just before given away part of somali sea to Kenya. lot of bad days a head for the sharif, it will be hard to defeat Al shabaab with local connection

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Xasan Dahir oo sheegay in uu dagaalka ku soo biiray

10. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Xasan Dahir Aweys hogaamiyaha mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in uu ku soo biiray dagaalka oo uu la soo saftay xooagaga Al-Shabab.

 

Xasan Dahir ayaa sheegay in dagaalka ay ku qasbeen in uu soo galaa dawlada somalia oo uu sheegay in ay weerareen sida salshigyada wardhigley iyo tawfiiq oo ay daganayeen ciidamadiisa.

 

Xasan Dahir ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagu soo qaaday uu ahaa mid la soo qorsheyey maadama lagu soo beegay xili ay nabadeyn ku jireen.

 

Xasan Dahir ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhankooda is difaaceen isla markaana iyaga weerar lagu soo qaadayy, waxaana uu sheegay in dagaalka markiisa hore lagu qaaday Xoogaga Alshabaab oo fikir ahaan aan is raacsanahay.

 

Hadalka Xasan Dahir ee ah in uu dagaalka ku soo biray ayaa noqoneysa mid sii cusleysa awooda xooagaga mucaradka.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duufaan what you talking about? Was Sharif not the man who was the most popular man in the universe the saint who had all the Islamists under his wing?

 

He is losing his own clan regional stronghold, his base to bunch of little militias.

 

Or was it all hype ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Dukey,

 

Mogadishu can not fall to the extremists Alshabab as hard you may wish.

 

The people of Mogadishu withstood the brutal Ethiopian occupation and even when 850.000 people were displaced from the city the will of Mogadishu was not broken.

 

We all know how you day and night posted topics of ''Mogadishu tamed'' ''Mogadishu has fallen'' etc but at the end of the day the Ethiopians were sent packing.

 

The same will happen to the extremists religious warlords, even if it means the whole population of Mogadishu arms itself.

 

Sharif is irrelevant, like the fake tfg was irrelevant. Mogadishu is what is relevant and that city will never fall.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Meiji: adeer Mogadishu has fallen many times over. To the USC, to the warlords, to the clan courts, to TFG/allies. Now its being fought over.

 

Thus its a fluid situation and these same fighters fought Ethiopia so who are they to be afraid of your imaginary Mogadishu fighters?

 

Also who are these "Mogadishu: people you are talking about.

 

The only group saving Sharif Ahmed right now are A/Qaybdeed and Sacid Dheere's troops, your clan courts have been routed last night.

 

Thus keep up lad.

 

PS: these news portals are from your clan and not anything Duke did.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwii lagu soo tababaray Ethiopia oo dagaalka si rasmi ah ugu biiray.

 

Ciidamadii Dowladda ee kol hore lagu soo tababaray Dalka Ethiopia ayaa dagaalka si rasmi ah ugu biiray, iyagoona ka garab dagaalamaya Xoogaga Maxkamadaha Islaamka ee Dowladda raacsan.

 

Ciidamadan oo tan iyo markii Maxkamadaha Islaamka ku soo biireen Dowladda ay ahaayeen kuwo howl gab ah, isla markaana goobo cayiman kaga sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa dagaalka ku biiray waabarigii saaka, iyadoona dagaalka uu sii kululaaday.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay galeen meelo xalay laga soo saaray Ciidamadii Maxkamadaha, iyagoona dagaal faraha looga gubtay kula jira Xoogaga Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo isku dhinac ah.

 

Dadka reer Muqdisho oo ay Ciidamadan u yaqaanaan COPY oo la micno ah inay ahaayeen kuwo u muuqaal ekaa Ciidamadii Ethiopianka, ayaa galay meelo hor leh, iyadoona dagaalka uu ka fogaaday meelihii uu saaka ilaa xalay ka socday. :confused:

 

Deegaanka Suuq Bacaad, Isgoyska Afarta Jardiino, Siinaay, ilaa Towfiiq ayaa saaka la sheegay in laga saaray Xoogagii kale ee Dowladda ka horjeeday, waxaana dagaalka uu yahay mid hada bilow ah.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdsiho:Ciidamada dawlada oo ku faafay goobo cusub oo ay mucaaradka heysteen kadib dagaal kulul

10. maj 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-waxaa goor dhaw faafay ciidamadii is garabsanayey ee maxaakimta dawlada ku biiray iyo kuwii dawlada , waxaana ay dagaal culus ku tageen meel ay ka mid yihiin saldhiga Yaaqshid ilaa wadada 30-ka.

 

Faafitaanka ciidamadaan ayaa yimid markii ay dagaal xoogan oo laga soo shaqeeyey ay saaka la galeen xoogaga mucaaradka ee iyana isbahasiga sameystay Al-Shabab iyo Xisbul islaam.

 

Waxaa la arkayey ciidamo xiran Unufom gaar ah iyo kuwii maxaakimta oo si siman ugu socda wadooyinka Muqdisho iyagoo u socda teel teel.

 

Ciidamadaan is biirsaday ee dawlada ayaa saaka madaafiic xoogan kaga nixiyey shacabka degmooyinka Yaaqshid iyo Wardhigley , waxaana kadib ay ku yaaceen meelihi ay ka baxeen xoogaga ka soo horjeeda.

 

guusha ay gaareen ayaan la ogeyn in ay ahaan karto mid waarta , waxaana mar walbaa la filan karaa weerar rogaal celis ah oo ay soo qaadaan xooagagi la saaray.

 

dagaalka Muqdisho oo galay maalintisi afarad ayaa u muuqda ama shabaha dagaaladii sokeeye ee lagu kala adkaan waayey Muqdisho

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by General Duke:

^^^Meiji: adeer Mogadishu has fallen many times over. To the USC, to the warlords, to the clan courts, to TFG/allies. Now its being fought over.

 

Thus its a fluid situation and these same fighters fought Ethiopia so who are they to be afraid of your imaginary Mogadishu fighters?

 

Also who are these "Mogadishu: people you are talking about.

 

The only group saving Sharif Ahmed right now are A/Qaybdeed and Sacid Dheere's troops, your clan courts have been routed last night.

 

Thus keep up lad.

 

PS: these news portals are from your clan and not anything Duke did.

Dukey,

 

You are wrong old man, you should always wait to the last round and not celebrate in the 1st round while the whole conflict is not over.

 

Mogadishu was invaded but it never fell. Learn the difference.

 

Ethiopian forces and their Somali dogs of TFG invaded Mogadishu but they never subjugated the city.

 

The Islamic Courts succeeded to dislogde the warlords but they never subjugated Mogadishu city as they were incompetent to lead.

 

Mogadishu people are the inhabitants of the city who have endured every hardship thrown at them but never broke and went on their knees.

 

From 1991 to 2009, they have seen factions come and leave since they could not place their will upon Mogadishu people. The religious warlords will fail, just watch till the last round.

 

The current conflict will stimulate and accelerate the adoptation of: Mogadishu Security Plan: Civil Security Force

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogagga Alshabab oo la wareegey gacan ku heynta Stadio Muqdisho, kadib dagaal culus oo Xalay oo dhan halkaasi ka socdey.

 

(10-05-2009)Barqanim adii Saakay ayaa Xoogagga Alshabab waxay la wareegeen gacan ku heynta garoonka Stadio Muqdisho, kadib dagaallo lagu hoobtay oo xalay ilaa Saakay ku dhexmaray Ashabab iyo Xisbul Islam oo dhinac ah iyo Xoogagga Maxkamadaha ee hoos taga dowladda Soomaaliya.

 

Ciidamada Dowladda ayaa looga xoog roonaaday dagaalkaasi lagu riiqmay ee ka dhacay garoonka Stadio Muqdisho, waxaana ciidamadii dowladda ee halkaasi ku sugnaa u soo gurteen dhinaca Xararyaale.

 

Dagaallada Muqdisho ka socda ayaa ah mid guur guura oo leys daba-marayo, iyadoo qoladii meel awoodda soo saarta ay qolada kale u dib-dhaafayaan goobihii ay ka soo fududaadeen.

 

Dagaallada u dhexeeya kooxaha is-diiddan ayaa waxay u muuqdaan kuwo lagu micneyn karo oraahdii ahayd "ii soo buur aan kuu soo buure", oo dhamaadkeedu yahay i dil ana aan ku dilo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meiji: I dont care much for Sharif Ahmed as one has got to know him.

 

However I detest Xasan Dahir who is a clan criminal and a man who loves fighting Somali's.

 

Yusuf IndaCade is worse, thus I am not with any side, just reporting the news as it unfolds.

 

Its just the people of Mogdishu are being killed and fleeing their homes, they are not fighting and have no power.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Sharif is a good speaker and was very popular for six months, when things got worst he ended up U.S embassy in KENYA. The west and Neighboring countries decided to replace the old man and he was their first choice. Again the Sharif was welcomed by most of somali poeple and we hoped so much for him just dissapointed again.

For more than 100 days he did anything to reach the somali people whether his supporters or his enemy. he did not visit any other city accept moqdisho. He put his effort to restore peace in moqdisho but failed because many factors including the luck of national strategy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Duufaan: Sharif is a good speaker but with no substance, he is all hype. Six month you speak about he was led by Xasan Dahir & Abukar Cadaan.

 

The man has no plan, and has only visited Mogadishu because thats the only place he could and even then he was welcomed with mortars and battles that killed nearly 100 civilians.

 

His major act so far was to give parts of the sea to Kenya.

 

What else has he done, he made a deal with IndacADE and the rest refused him.

 

He has failed to even keep most of the city where his own clan dominate, Karaan is not even under his control?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this