Sign in to follow this  
Xudeedi

A Letter from a Makhiri Traditional Chief to the Newly Elected Prime Minister

Recommended Posts

Xudeedi   

Salaadiinta beelaha Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari oo taageerey Raysal Wasaaraha Cusub ee dowlada Federaalka

 

Warqad nooga timid Garaad Cali Aw-Yuusuf oo ah Salaadiinta ugu muga iyo miisaanka culus ee gobolada Woqooyi iyo Bari ayaa warqad soo gaarsiiyey xafiiska shabakada Dhahar.com.

 

 

Garaad Cali Aw-Yuusuf ayaa wuxuu haatan ku suganyahay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Seattle halkaasoo loo keeney xaalad daryeel caafimaad, isagoo kasoo kicitamay magaalada Dhahar.

 

 

Warqadii sidan ayay u qorneyd.

 

 

Ku Socota: Raywal Wasaare Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo”

 

 

Ula-jeedo: Hambalyo iyo taageero

 

 

Marka hore waxaan kugu salaamayaa salaanta Islaamka ah ee Salaamu Caleykum. Marka xigta anigoo ku hadlaaya magaca Salaadiinta beelaha reer Maakhir, hambalyo iyo boogaadin hawada kaaga soo marinayaa xilka cusub oo dhawaan laguu magacaabay.

 

 

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin xil qaadey eed qaad”, Laakiin cidwalba oo aqoon kuu leh, way ogtahay howl karnimadaada iyo xilalkii aad horey usoo qabatey taasoo noo iftiimin karta in aad gudan karto xilka haatan ku saaran.

 

 

Soomaaliya haatan waxay ku jirtaa xili sida aad ogsoontahayba ah waqti dagaalkii sokeeye uu isu badalay wajiyo badan, isla markaana ay adagtahay in mabaadiida faraha badan la mideeyo. Waxaa laga maarmaan ah sida aad sheegteyba in aadan ka daalin miiska waan waanta, xaqana aadan ka gaban, iyo tixgalinta midnimada umada Soomaaliyeed.

 

 

Waxaan Alle kaaga baryeynaa in uu kuu fududeeyo xilka aad dhabarka u ridatey. Shacabka Beelaha Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari iyo Salaadiintaba way ku taageerayaan, waxayna si guud iyo si gaar ahba kuugu soo dirayaan hambalyo iyo boogaadin.

 

 

Garaad Cali Aw-Yuusuf

 

 

garaadcaliyuusuf@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this