Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu largest again comes out in support of their government..

Recommended Posts

Golaha dib u heshiisiinta iyo danaha beelaha ****** oo Qoraal ka soo saaray dagaalada Muqdisho

Last Updated::2007-03-30 18:10:36

 

Muqdisho:- Sida la ogsoon yahay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxay burburtay 16-sano kadib,

laga soo bilaabo xilligaasna Soomaaliya waxaa soo food saaray dhibaatooyin ba'an oo isugu jira kuwa dabiici ah iyo kuwo bani'aadamku ku lug leeyahay, dad badan ayaa ku naf waayay, kuwa kalena way ku naafoobeen.

 

Dadaalo badan oo ay ka qeyb qaateen ururo goboleedyo iyo kuwa caalami ah ayaa la sameeyay si xal loogu helo arrimaha Soomaaliya. inkastoo dhammaan dadaaladaasi ay ku dhammaadeen guul darri hadana mar walba waxaa laga qaadanayay waayo aragnimo iyo khibrado.

 

Taa ayaa suurtagelisay in dabayaaqadii sanadkii 2004-kii ay Soomaalidu dhisato Dowlad Federaal ah, iyadoo lagu saleeyay qaab beeleed ku dhisan xeerka loo bixiyay 4.5, waxaana xusid mudan dowrka weyn oo ay ka ciyaartay IGAD hergelinta dadaalka loogu jiray in Soomaaliya dowlad loo dhiso.

 

Hase ahaatee waxaa dowladdii soo foodsaaray culeys weyn, taa oo in muddo ahba u suurtagelin weysay inay xasilooni iyo kala dambeyn dalka ku soo dabaasho. Arrintani way sii cakirantay tan iyo markii uu soo ifbaxay ururkii Golaha Maxaakiimta, oo iyagu gacanta ku dhigay gobolada Koonfureed intooda badan, waana lagu guul darreystay in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay iyaga iyo DFKMG ah, markii dambena Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowladda Itoobiya waxay arrintaan ku soo afjartay awood, taa oo u suurta gelisay inay dowladdu gaarto caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Dowladda iyo caalamka gaar ahaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya intuba waxay xoogga saareen in marxaladaan loo baahan yahay dib u heshiisiin dhex marta Soomaalida, sidaa darteed dowladdu waxay ku baaqday shir dib u heshiisiin, waxaase arrintaan iyo gebi ahaanba ajandaha nabadeynta caasimada ka hor yimid dad iyagu isku magacaabay beesha ******.

 

Khilaafkaan iyo maandhaafkaan wuxuu sababay dagaalo ba'an oo ka dhacay caasimada geystayna khasaaro naf iyo noolba leh iyo walibabarakac weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha ******, kadib markii ay u kuur gashay arrimahaan oo dhan, waxaa lama huraan noqotay inay muujiso mowqifkeeda ku beegan arrintan soona saarto war-murtiyeedkaan:-

 

1- Beesha ******, oo ka mida beel weynta ******, ahna mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn qeybaha beesha ******, waxay caddeyneysaa inaysan ku lug lahayn shirarka ay qabanayaan dad iyagu isku magacaabay inay ku hadlayaan magaca beesha ******, iyo dagaalada ka socda magaalada toona.

 

2- Beeshu hadda wixii ka horeeyay waxay u kuur galeysay xaaladda, waxayna baadigoob ugu jirtay qaabkii si nabad ah xal loogu heli lahaa arrimaha Soomaaliya, waxayna beeshu si weyn uga qeyb qaadaneysaa sidii loo soo celin lahaa Qaranimadii Soomaaliya.

 

3- Beeshu waxay si buuxda u taageersan tahay Dowladda Federaalka, iyadoo aaminsan in Dowladnimadu tahay wadada kaliya ee looga bixi karo dhibka ay ummadda Soomaaliyeed ku jirto.

 

4- Beeshu waxay sidoo kale ugu yeereysaa qeybaha kale inay ku soo biiraan geedi socodka nabadeed, kana fogaadaan wax walba oo abuuri kara khalalaaso cusub.

 

5- Ugu dambeyn waxaan codsaneynaa bulsha weynta caalamka iyo tan gobolkaba inay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed sidii loogu dabaali lahaa nabad iyo kala dambeyn dalkooda.

 

Waxaan xusuusineynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida:-

 

1- In Dowladdani tahay Dowlad Federaal ah, kuna saleysan 4.5.

 

2- In loo baahan yahay qabashada shirka dib u heshiisiineed si loogu soo celiyo umadda dhexdeeda kalsooni.

 

3- In la ilaaliyo dastuurka Federaalka iyo dhammaan heshiisyada xiriirineed ee u dhaxeeya umadaha caalamka.

 

Wabillaahi Towfiiq

 

Qoraalka ka soo baxay Golaha dib u heshiisiinta iyo danaha ****** waxaa ku saxiixnaa Afhayeenka Golahaasi Md. Muxyaddiin Xasan Afrax.

 

Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Somaliweyn | HRNet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this