Sign in to follow this  
Liqaye

DAWLADDA MARAYKANKA OO DIGNIIN U DIRTAY DADKEEDA KU SUGAN JAMHUURIYADA JIBOUTI

Recommended Posts

Liqaye   

Somaliweyn.(Washington,January 21,2004)Washington: Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka qaybta qaabilsan waaxda socdaalka ayaa waxay soo saartay bishani aynu ku jiro ee January 16-keedii baaq ay u dirayso dhammaan dadka maraykanka ah ee ku sugan waddanka Jibouti inay ka feejignaadan falal argagixiso oo lagula kaco, Warbixintani ay qortay waaxda socdaalka ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee maraykanku waxay tibaaxday in ay heleen warar lagu kalsoonyahay oo sheegaya in Al-qaacida si weyn uga shaqayso Jamhuuriyadda Jibouti ayna qorshaynayso sidii ay weeraro ugu qaadi lahayd dadka maraykanka ah ee ku sugan waddanka Jibouti, xarumaha maraykanku ku leeyahay Jamhuuriyadda Jibouti iyo weliba goobaha kiniisadaha ah ee ay ku cibaadaystaan dadka maraykanka ah ee socdaalka ku yimaadda Jamhuuriyadda Jibouti, warbixintani oo lagu qoray bogga Websiteka ee waaxda arrimaha Dibadda ee dalka maraykanku waxay uga digtay dadka maraykanka ah ee u safraya Jamhuuriyadda Jibouti inay feejignaan dheeraad ah qaatan, lana soo xidhiidhan goobaha ugu dhaw ee safaarad maraykan ah ku taallo, ugu danbaytii waxay waaxda Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanku (State Department) ugu baaqaysa dhamaan shacabka maraykanka ah ee u safraya Jamhuuriyadda Jibouti inay soo wacaan telephone kani:

+253-35-39-95 oo ah Safaaradda maraykanku ku leedahay Jamhuuriyadda Jibouti.

 

Waa markii labaad ee sidani oo kale dawladda maraykanku uga soo saartay warbixin ay u dirayso muwaadiniinta maraykanka ah inay ka foojignaadan safarkooga Jamhuuriyadda Jibouti, lama garan karo waxa wakhtigani kelifay digniintani balse sida laga warqabo waxaa ku sugan Jamhuuriyadda Jibouti tiro kooban oo ah ciidanka bedda ee dalka maraykanka iyo weliba shaqaale kooban oo u shaqeeya keliya Safaaradda maraykanka ee ku taalla Magaalada Jibouti ee xarunta Jamhuuriyadda Jibouti.

 

N.B: Warbixintani oo ku qoran afka Ingiiriska waxaad ka heli karta bogga internetka ee waaxda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ama guji Links kan:

 

http://www.travel.state.gov/djibouti_announce.html

 

Waxaa soo turjumay: MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this