Sign in to follow this  
Kamalu Diin

beelaha dhulkooda xooga lagu haysto ayaa soo dhaweeyey xayiraada hubka oo la qaaday.

Recommended Posts

Shirweyne ay soo qaban-qaabiyeen waxgarad ka soo jeeda beelo ay ka mid yihiin Begdi, Tni, By-mal & Jido oo soo dhoweeyey qaadista cunaqabateynta hubka

 

Waxaa qoraal soo gaarsiiyey xafiiska boggan ee Muqdisho Shamso Salaad oo ka mid ah gabadhaha aqoonyahanada ah ee ku sugan gobolka California ee dalka Mareykanka, waxeyna qoraaalkaasi ku sheegtay Shamso in waxgarad isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano, haween, dhalinyaro & culumaa'udiin ka soo jeeda beelaha lagu sheego in laga tirada badan yahay in ay soo dhoweeyeen go'aankii golaha ammaanke ee Q/Midoobay ee ku baaqayey qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya & in ciidamo shisheeye la geeyo dalka.

 

Shirweyne ay soo qabanqaabiyeen waxgarad ka soo jeeda beelo ay ka mid yihiin Bgdi, Tnni, By-ml & Jdo, ee ku nool North America waxaa lagu taageray go'aanka ka soo baxay Q/Midoobay, kaasoo Soomaaliya u fasaxaya in ciidamada Afrika ka socda ay tagaan Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in ciidamadaasi ay wax ka qabtaan xaalada ammaanka soona celiyaan nidaamka & kala dambeynta,” ayuu yiri Sheekh Cumar Faarax oo ku saxiixnaa warsaxaafadeedka, wuxuuna xusay in ay lagama maarmaan tahay si loo badbaadiyo ummadda Soomaaliyeed in laga xoroobo kooxaha doonaya in ay xoog ku sii haystaan deegaano aysan u dhalan, lana helo cadaalad & sinaan.

 

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in Soomaaliya laga qaado cunqabateynta hubka oo horay u saarneyd, waxaana maanta nasiib wanaag ah in qolo gaar ah oo an ka tarjumeyn rabitanka inta badan ay ka soo horjeestaan qaadista cunaqabateynta, waxaana cadeyneynaa anigoo ku hadlaya codka beesha Biyomaal in an raali ka nahay oo aan soo dhoweyneyno go'aanka Q/Midoobay ee cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya”

 

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay kulanka ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha laga tirada badan yahay ee ku nool W/Ameerika waxaa xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Farxiya Salaad Sheekh oo ku hadleysay magaca beesha Tnni, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa

 

“Waxaan ku rajo weynahay hadii ay dalka tagaan ciidamo shisheeye in qolo kasta ay xaq u yeelan doonto in lagu wareejiyo wixii ay milkiyada u laheyd haddii ay tahay deegaan & haddii ay tahay hanti kale-ba, golaha maxaakiimtana waxaa ka muuqata in wixii ay dadka u sheegeen markii hore in wax ka duwan ay la yimaadeen, waxaana la isku ogaa in qolo kasta lagu wareejiyo wixii ay xaqa u laheyd, haddii aan nahay beesha Tnni markii aan ka codsanay maxaakiimta in na lagu wareejiyo deegaanadeena waxaa na lagu yiri saacan uma bislidiin in xukun la idinku wareejiyo sababo badan dartood”

 

Mar kale waxey tiri Farxiyo “Jowhar waxaa lagu wareejiyay dadki xaqa u laaha Baladweyne sidoo kale, Kismaayo sidoo kale, maxaa inoo diiday annaga in na lagu wareejiyo, waa ayaan darro in la yiraa qolo wax la siyo qolana loo diido”

 

 

shamsasalad@yahoo.com

 

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

 

 

Web www.dayniileone.com

 

 

Halkaan ka iibso waxii aad u bahan tahay oo raqiis ah

 

 

Ku noqo beejka

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this