Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Eritrean backed Terrorist capture Puntlands Bargaal Settlement on the Indian Ocean

Recommended Posts

dagaal6.jpg Eritrean backed Terrorist captured Puntland's Indian Ocean settelment of bargaal just south of Cape Guardafui. Lately there have been rumars that remnants of the UIC supported by Eritra, Somaliland and others opposing the government have been using the port cities of Maydh and Laas Qoray but this, if true, has to be their most daring act yet. Supporters on their way to bargaal have been arristed in Bosaso and puntland forces from Bosaso and Qardho are on their way to take back the settlement from these supposedly well armed terrorist.

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 30/05/07

 

Ilo-wareedyo ku sugan Degaanka Baar-gaal oo ka tirsan Gobalka Bari, ayaa waxay ishaarayaan inay Dagaalyahanno aad u hubeysan oo isugu jirta Soomaali iyo Ajnabi la wareegeen gacan-ku-haynta Deefaankaasi oo 100-Km u jirta Magaalladda Bosaaso.

 

Wararku, waxay sheegayaan inay Dagaalyahanadaasi oo aad u hubeysan ay galabnimaddii shalay ka soo degeen Xeebta, iyagoo watay ugu yaraan saddex doonyaha lagu kalluumeysto.

 

Goobjoogayaal iyo Kalluumeysato ka jillaabta Xeebta Baar-gaal oo khadka Isgaarsiinta ugu waramayey Idaacadda Somaliweyn., ayaa sheegay inay Dagaalyahanadaasi aad u hubeysan yihiin, isla markaana ay wataan Hub Casri ah, oo ay ku jiraan Gantaalladda Garbaha laga rido iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

 

Dhinaca kale, Boqolaal ka tirsan Ciiddamadda Maamul-gobaleedka Puntland, oo ku hubeysan Kontameeyo Tekniko ah ayaa lagu soo waramay inay barqanimaddii maanta ka ruqaansadeen Magaallooyinka Bosaaso iyo Qardho, iyagoo ku sii jeeda Deegaanka Baar-gaal ee ay dhiilladda colaadeed ka jirto.

 

Sidoo kale, Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Maamulka Puntland, ayaa kulan degdeg ah ka leh sidii ay uga hortegi lahaayeen Dagaalyahannadda fariisinka ka dhigtay Dhul-xeebeedka buuraha leh ee Baar-gaal.

 

Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan inay Dagaalyahannadda la wareegay Deegaanka Baar-gaal yihiin kuwo taabacsan Golahii Maxkamadaha Islaamka Somalia ee bilowgii sannadkan loogu itaal-sheegtay Magaalladda Muqdishu iyo Goballadda kale ee Koonfurta Somalia.

 

Ma jiraan warar faahfaahsan oo muujinaya halka ay Dagaalyahanadaasi asal ahaan ka soo galeen Xeebaha Degaanka Baar-gaal, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Dagaalyahanadaasi ka soo shiraacdeen Xeebta Magaalladda Asmara ee dalka Eriteria.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu, Somalia

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this