Sign in to follow this  
ANWAR

Maxkamad ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka oo kala ceyrisay Dad Muqdisho uga qeyb

Recommended Posts

ANWAR   

Sabti, July 08, 2006 (HOL): Maleeshiyooyin ka amar qaata Maxkamadda Islaamiga Ridwaan oo ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa joojisay Xaflad Aroos oo ka dhaceysay Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Cali Salaad oo Maxkamadda Ridwaan Guddoomiye ka ah ayaa sheegay in goobta uu Arooskaas ka dhacayay lagu hayay waxyaabo fisqi ah oo aan ku banaaneyn Shareecada Islaamka, “Markii horey wey noo yimaadeen waxayna naga qaateen warqad aan ugu ogolaaneyno in ay dhigtaan Aroos aaney ku jirin waxyaabo lid ku ah diinta Islaamka, kadibna waxay bilaabeen in ay la yimaadaan Koox Music tuntaâ€ayuu yiri Cali Salaad oo intaas ku daray in ay xitaa jireen Rag iyo Haween kala ajnabi ah oo isku dhex jiray.

 

Khadiijo Wehliye oo dhashay mid ka mid ah labadii ruux ee la isu guurinayay (Wiilka) ayaa sheegtay in ay Maxkamaduhu geysteen xadgudub bacdamaa sida ay tiri aaney xafladba socon marka ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha soo weerarayeen, waxayna carrabka ku adkeysay in ay jiraan dad is-buurtay oo lugaha iyo gacmaha wax ka gaareen iyo kuwo kale oo ka argagaxay rasaastii ay maleeshiyooyinka ridayeen.

 

Caasho Kiin Cilmi Xaashi oo ka mid ah Fanaaniintii loo wacay in ay xafladdaas ka heesaan, isla markaana ka tirsan kooxda Mogadishu Star ayaa sheegtay in Maxkamaduhu ay ka qaateen qaar ka mid ah qalabkii ay ku shaqeynayeen, halka qaar kalena ay dhulka la dhaceen, isla markaana ay bur buriyeen.

...............................................

THEY ARE terrorists

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this