Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Hobyo, 25 people died Clan Based Reason!

Recommended Posts

Galkacyo: Dagaal Beeleedyo ka Qarxay deegaanada Hobyo

- Sunday, March 06, 2005 at 15:12

 

Galkacyo (AllPuntland) - Ugu yaraan 25 qof ayaa geeriyootay, tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo mar kale ka soo dhex cusboonaaday shalay galab illaa xalay beelo wada daga gobolka Galguduu iyo meelo kamid ah gobolka Mudug iyadoo halka dagaalku ka dhacayna tahay tuulooyin hoostaga degmada Hobyo.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee aannu kahelayno degmada Hobyo ayaa sheegaya in mid kamid ah beelaha dagaalamay ay weerar kusoo qaatay fariisin ay lahaayeen ciidamo kusugnaa degmada Hobyo.

 

Qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmay dagaalka ka dhacay Hobyo oo isugu jira dhaawac fudud iyo mid culus tiradooduna gaarayso 25 qof ayaa haatan lagu daawaynayaa Cusbitaal ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

 

Xiisad colaadeed ayaa laga soo sheegayaa deegaanada ay dagaalladu ka dheceen ayadoo wararku ay sheegayaan in shacabkii deggena degmada Hobyo iyo tuulooyinka ka ag dhow ay goor hore isaga qexeen oo haatan deegaanada dagaalladu ka dhacayaan ay yihiin deegaammo ay kali ku yihiin maleeshiyaadka dagaalamaya.

 

Mid kamid ah abbaanduulayaasha labada garab ee dagaalamaya oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi ayaa saxaafadda usheegay in ciidankiisu ay gacanta ku dhigeen degmada Hobyo isla markaana kuwii kasoo horjeeday ay ka dileen dad gaaraya 13 :confused: qof hase ahaatee waxaa noo suurto gali waayay inaannu dhinicii kale ka helno warar arintaasi la xiriirta.

 

Dagaaladan ka soo cusboonaaday deegaanka Hobyo ayaa waxay dhabar jab ku noqonayaan heshiis dhawaan la dhex dhigay beelaha dagaalamaya ee SACAD iyo SALEEBAAN, heshiiskaasi oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxwaynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi.

 

Inkastoo haatan dawladda FKGS aysan lahayn awood ay ku dhex gasho beelaha dagaalamaya hadan madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu ballan ku qaaday beeshii xabad joojintan jabisa in tallaabo laga qaadi doono.

 

Tiro 100 qof kor u dhaafaysa ayay labadaan beelood iska dileen tan iyo markii dagaalkoodu uu bilowday , waxaan illaa iyo hadda muuqan fursad ka wayn tii ay isku dayeen madaxda Soomaaliyeed ee ay ku dhex galayeen beelaha dagaalamay.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

 

 

Ilaahow unaxariiso intii dhimatay oo rayid ah oo aan wax shaqo aan ku laheen dagaalkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this