Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: President of Somalia press conference on security plus warns Riyaale secess

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf “Maamulka Rayaale laga aqbali mayo in uu Soomaaliya kala gooyo”.

Madaxweynaha dalka Somaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada uu haatan dalka Soomaaliya marayo.

 

Madaxweynaha dalka Somaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada uu haatan dalka Soomaaliya marayo.

 

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xaaladiisa caafimaad oo uu sheegay in ay aad u wanaagsan tahay oo wax dhibaato ah aanu qabin uuna usoo dhamaaday safar caafimaad oo muddo 3 todobaad ah uu ku maqnaa.

 

“Saxafiyiint ayaa xaaladayda caafimaad aad u buun buuniyay oo ku sheegay mid aan caadi ahayn,waxaadna ogtihiin in aniga oo soconaya howleheyga caadiga ahna wata ay sheegeen in aan Koma galay”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyaddu.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlaha haatan horyaala oo uu u soo dag dagay ay ka mid tahay soo dhisida xukuumada cusub oo uu sheegay in uu rajeynayo wax badan in ay ka badasho xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Mar uu ka hadlayay magaalada Muqisho rabshadaha ka jira waxaa madaxweynuhu uu sheegaym in waxa haatan Muqdisho ka jira aan lagu tilmaami Karin dagaal.

 

“Dowladdu awood kama dambeyn ah way u adeegsan kartaa qolooyinka rabshadaha wadda laakin waxaanu diidanahay in ay dhibaato kasoo gaarto shacabka ay ku dhex dhuumanayaan”ayuu yiri madaxweynaha jamhuuriyada oo ugu baaqay shacabka in ay dowlada ciidmadeeda usoo sheegaan meelaha ay rabshad wadayaashu ku dhuumaaleysanayaan.

 

Mar uu ka hadlayay arrinta la xiriirta dhibaatada colaadeed ee maamulka Soomaali diidku ka wado dalka waxaa uu sheegay in dalku uu dowlad leeyahay Soomaali diidkana aan laga aqbali kareyn dhibaatada ay wadaan.

 

“Maamulka Rayaale laga aqbali mayo in uu Soomaaliya kala gooyo waxaana ugu baaqayaa Rayaale iyo dadka la shaqeeya in ay Soomaali weyn xauustaan oo ay ka haraan dhibaatada ay wadaan”.ayuu mar kale yiri madaxweynaha jamhuuriyadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf: " Riyaale laga aqbali mayo in uu dalka kala gooyo"

1 Jan 1, 2008 - 5:24:40 AM

 

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Madaxtooyada DF ee Baydhabo ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Caafimaadkiisa, Dhismaha xukuumadda cusub, Xaaladda Laascaanood iyo sidoo kale xaaladda Muqdisho.

 

Madaxweyne Yuusuf; ayaa ka sheekeeyay ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad isagoo sheegay inuu aad u caafimaad qabo, wxuuna yiri: "Inkastoo saxaafaddu sheegtay inaan soo laaban doonin, haddana maanta waa i kan oo aan idin kala hadlayo Baydhabo, xaaladdeyda caafimaadka waa mid wanaagsan; waxaana la i daweynayay saddex toddobaad".

 

Yuusuf, wuxuu ku sheegay sababta uu dhaqso ugu soo laabtay dalka inay tahay inuu qayb ka qaato howlaha dhismaha xukuumadda cusub ee tirada yar, taasoo uu sheegay inuu aamisan yahay inay noqon doonto mid howlo badan dalka ka qabata.

 

Xaaladda Laascoonood oo uu ka hadlay Madaxweyne Yuusuf ayuu sheegay inaysan suurogal ahayn in dad deegaannadood lagu duulo oo la qabsado, mana aqbalayso taas Dowladda Federaalka qof muwaadin ahna ma aqbalayn arrintaas foosha xun.

 

"Maamulka Rayaale waxaan u sheegaynaa inaan laga ogolaan doonin inuu kala goo-gooyo Somalia; waxaan ka rajeynaynaa Somaliland inay ciidameeda kala baxaan Laascaanood; mana rajeynayo in dagaal weyn la galo, balse waxaan ku baaqayaa inay wax fahmaan oo ay ciidamadooda la baxaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf Axmed.

 

DF, ayuu sheegay inay dalka oo dhan ka taliso, wuxuna xusey inay rajeynayen in Maamulka Somaliland uu garwaaqsado gefka uu ku jiro, balse haddii ay garanwayaan aan looga harayn arrintaas.

 

Mar uu ka hadlay sababta keentay inaysan u suurogelin muddo sannad ah ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya gacanta ku qabtan amniga guud ee dalka ayuu yiri: "Muqdisho ma ahan meel lagu dagaalami karo waayo waa meel ay daggan yihiin shacab, halka ugu badan ee ay dagaalladu ka dhacaanna waa Muqdisho, marka waxay Dowladdu balanqaadaysaa inay xasiliso sannadkaan caasimadda".

 

Hadalka Madaxweyne Cabdulahi Yusuf ayaa ku soo begmay xilli maamulka Somaliland ka taliyo magaalada Lascaano noqnaya kii ugu horeeyay uu kaga hadlo xiisada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland. Ka dhagayso halkan hadalka Madaxweynaha oo kooban

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Somaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta Magaalada Baydhabo kagana hadlay xaaladda Laascaanood iyo arimo kale.

 

Madaxwaynaha Somaliya oo shir jaraa'd ku qabtay Magaalada Baydhabo kadib safar uu inmudaa kaga maqnaa ayaa kaga hadlay Arimo ay ka mid yihiin xaaladiisa caafimaad, Xaaladda Gobolka Sool, Arimaha nabad ku soo dabaalida Muqdisho iyo sidoo kale golaha cusub ee wasiirada oo lagu wado in lagu dhawaaqo maalinta barito ah.

 

 

Madaxwaynaha oo ugu horayn ka hadlay xaaladiisa caafimaad ayaa ku soo koobay warka inuu aad wacan yahay baaritaan caafimaad oo uu London u aadayna uu ku soo guulaystay hadana uu caadi uwadanayo howlihiisa shaqo isagoo dhanka kalana ku tilmaamay warar xaqiiqda ka fog kuwa sheegay inuu liito caafimaad ahaan.

 

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda Gobolka Sool isagoo mar uu arintaasi ka hadlayay yiri" Waa wax aad looga xumaado kala goynta Somaliya iyo in duulaan qaawan laysku soo qaado waxaana ugu baaqayaa Maamulkaasi inuu ciidamadiisa ka daad guraysto laascaanood oo uusan dagaal faraha noo galin hadii kale sii joogi mayaan Laascaanood ee awood ayay kaga baxayaan"

 

Waxaa sidoo kale uu madaxwaynuhu ka hadlay xukuumada cusub ee dhawaan lagu wado in lagu dhawaaqo isagoo sheegay inay soo dhawaynayaan dhismaha xukuumadaasi oo uu ku sheegay mid tayo leh kana koobnaan doonta 18 wasiir oo qura isagoo sheegay in siwayn loogu hanwayn yahay dhismaha xukuumadaasi iyo wax qabadkeedaba.

 

Ugu dambayntii wuxuu sheegay madaxwaynuhu in xukuumadiisu ay guulo la taaban karo gaartay sanadkii tagay ayna sanadkan is raacinayso inta ka harsan guulaha oo ay ugu horayso in tirada yar ee qasaysa Muqdisho gacan bir ah lagu qabto lagana sifeeyo wadanka kooxaha qarandiidka uu ku tilmaamay isagoo madaxwaynuhu ku faanay in dawladiisu aysan awood u waayin ee ay shacabka dhawrayso inaan dhibaato gaarin.

 

Madaxwaynaha ayay labadiisa garab fadhiyeen markii uu khudbadan jeedinayay Raisal barlamanka somaliya iyo Raisal wasaaraha Somaliya iyadoo shirkaasi jaraa'id ay goob joog ahaayeen xubno badan oo ka tirsan barlamanka somaliya iyo golaha wasiirada intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

This fool A.Yusuf needs to stop worrying about Somaliland and needs to concentrate on more important to him i.e. his failing kidneys as well as his failing administration.

 

Sort your own house out first A. Yusuf, you incompentent moron

Share this post


Link to post
Share on other sites

The provinces like Hargaysa will get more of the President attention.

 

Yusuf was the man with a small army that chased the secessionists out of SOOL five years back.

 

Dont tempt the President. Use common sense lads.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan oo Dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga ay xoog ku qabsadaan”

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

Talaado, January 01, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu magaalada Baydhabo ku qabay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaaladdiisa Caafimaad, Tayada Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Madaxweyne Yuusuf oo markii uu shirka jaraa’id qabanayay ay dhinacyadiisa fadhiyeen Guddoomiyaha Baalamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu sheegay in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, isla markaana muddo todobaadyo ah lagu soo daweeyay Isbitaal ku yaala Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, “Saxaafadaha Caalamka ayaa waxay qorayeen in uu caafimaadkeyga aad u liito, qaar waxay sheegayeen in aanan soo noqoneyn, kuwana waxayba sheegeen in aan socday (dhintay), balse hadda waxaad u jeedaan in aan wanaagsan yahay oo aan soo laabtay”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in uu haatan dib u sii amba qaadayo howshii qabyada ka ahayd dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wuxuu ka hadlay Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ah Xukuumad aad uga tiro-yar Xukuumadihii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Xukuumaddaas oo ka kooban 18 wasiir iyo 5 wasiir ku xigeen ay noqon doonto mid xul ah oo dhibaatada ka saarta Dadka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu soo hadal qaaday xaaladda magaalada Muqdisho iyo dagaallada ka dhacaya, wuxuuna sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii ay u xasilin lahayd caasimadda Muqdisho, isla markaana ay dadkii ka barakacay dib ugu soo noqon lahaayeen.

 

“Sanad buuxa ayaa laga joogaa markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya tagtay Magaalada Muqdisho, intaas waxaa dhacayay dagaallo, iyadoo halka lagu dagaalamayayna ay tahay meel ay dad ku nool yihiin oo aan ahayn meel bannaan ah, hadda wixii ka dambeeya laga yeeli maayo in ay macno darro dadka ku dhameeyaan kooxaha dagaallada ka wada Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Sidoo kalena Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, wuxuuna sheegay in aan maamulka Somaliland laga yeeli doonin in ay xoog ku qabsadaan dad gobolladooda jooga, “Dowlada Federaalka iyo qof kasta oo muwaadin ah midna yeeli-mayo in Soomaaliya la kala gooyo, Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali-mayo dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga in ay xoog ku qabsadaan, dabadeedna iyagoo raba in ay xoog ku go’aan in ay la go’aan laga yeeli-mayo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu rajeynayo in uu maamulka Somaliland Ciidamadiisa la baxo oo uu wax fahmo.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu si kulul uga hadlo xiisadda ka taagan Gobolka Sool tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo ciidamo u daacad ah maamulka Somaliland uu dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this