Sign in to follow this  
Xidigo

Ku socoto: Dadka reer Awdal , Ka socoto: Dadka reer Sool

Recommended Posts

Xidigo   

Ku socoto: Dadka reer Awdal , Ka socoto: Dadka reer Sool

by M. Ali

(Updated:Sat.17.December.2009

 

 

-------------------------------------------------- ----By. M. Ali

Jan.16,2009

 

Waxaa jirta odhaah tidhaahda " Dadka Reer Afrika in la dulminayo iyo in ay wax dulminayaan waxba ugama dhexeeyaan"

 

Hadaba hadda waxay noqotay "Dadka reer Hargeysa iyo Burco in la dulminayo iyo in ay wax dulminayaan waxba ugama dhexeeyaan".

 

Waxay mar walba ka cawdaan in la dulmin jirey,haddana waxay u heellan yihiin in ay wax dulmiyaan.Markaa mar mar waxaad is odhanaysaa 'Malaa waxayba ku fiican yihiin in laga ilaaliyo awood ay wax ku dulmiyaan,oo mar walba ay noqdaan iyagu kuwa dulman oo loo taliyo'.

 

 

Xaqiiqda marka laga hadlo waa markii ugu horreysey taariikhda ee awood madaxbannaan ay gacanta la helaan dadka reer Hargaysa iyo Burco.

Markiina waxay u isticmaaleen si khaldan taas oo keentay in lagu dulmiyo dadyowga kala duwan ee ay walaalaha yihiin ayna deris iyo dan wadaagtaba yihiin iyagoo doonaya in ay arrimaha u muujiyaan sidii wax la wadaago oo la wada leeyahay,haddana doonaya sad bursiinyo ku salaysan qabyaalad.

 

Waxaa wax lala yaabo ah in ubadka yar-yar ee soo koraya iskuulada lagu baro nacayb iyo qabyaalad,lagu beerayo in dadka dega W/galbeed iyo Burco ay yihiin Mujaahidiin keligood usoo halgamay xornimada dhulka,halka qabiilada kale laga dhigo kuwii laga xoreynayey dhulka.

 

Runtuse waxay tahay in waxa loo soo dagaalamayey ay ahayd in wax la dulmiyo.

 

Dadka ku dhaqan Gobolada W/galbeed iyo Togdheer waxay dhaxleen wax allaale wixii hub iyo awood ciidan ay lahaayeen ciidmmadii qaranka Soomaaliya,waxayna u isticmaaleen aarsi qabiil iyo cabbudhin toosan oo aan la qarin.

 

Ma aha dadka la dulmiyo reer Awdal iyo reer Sool oo keliya ee waxa dulmigan iyaguna qaba kuwii soo dagaalamayey sida beelaha dega galbeedka Sanaag iyo Ceel-afweyn(Habar Yoonis) oo laga ilaaliyey in ay jago muhiim ah ka qabtaan dalka.

 

Waxaynu wada ognahay dhibaatada ay qabaan dadyowga laga tirada badan yahay ee deggan Hargeysa,sida;Midgaha iyo Tumaalada kuwaas oo aan wax horumarin ah laga fulin goobaha ay degan yihiin,lagana qayb gelin mashaariicda horumarinta.

 

Waxaynu wada ognahay sidii loo weeraray gobollada Sool iyo Cayn oo aan dadkoodu marna raalli ka ahayn in la kala gooyo dalka Soomaaliya.Arrintaasi waxay dhalisay barakac dad rayid ah iyo dhibaatooyin badan,taas oo mustaqbalka horseedi doonta colaad qabiil oo aan damin.

 

Waxaynu wada ognahay sida loo maamulay diiwaangelintii doorashada ee gobolada,taas oo ujeedada ka dambaysa ay tahay in loo muujiyo in dadka dega gobolada qaar ay iyagu yihiin 80% dadka degan Somaliland,qabiilada kalena ay yihiin dad yar oo aan cod weyn ku lahayn jaangoynta siyaasada iyo mustaqbalka dalka. Iyadoo isla markaa la doonayo in lagu yaboohsado magaca gobolada waxna loogu qaybiyo nidaamkan.

 

Waxaa dhiirrigelin leh sida ay dadka reer Awdal uga dhiidhiyeen dulmigan una qaadan waayeen ,iyadoo taariikh ahaan la ogyahay in dadka reer Awdal ay yihiin dadka ugu horreeya xaga waxbarashada iyo aqoonta gebi ahaan ummada Soomaaliyeed ayna leeyihiin taariikh aad u fog,isla markaana ka soo qayb qaatay halgamadii xornima doonka.

 

Haddaba;

 

Waa in meel looga soo wada jeesto ka dhiidhiga dulmiga xag siyaasadeed iyo xag sharciba.

In dib loo eego nidaamkii lagu dhisay maamulkan ,kaas oo ahaa mid xaqdarro kudhisan isla markaana leh ujeedooyin gurracan oo fog. Waa in la tuuro gebi ahaan dastuurka iyo hab dhismeedkan(Revoke and Nullify since it is illegal).

Waa in la eego aayaha shacabka gobollada Waqooyi dega oo dhan,lana tix geliyo rabitaanka mustaqbalkooda,oo aan lagu khasbin rabitaanka cid kale.

 

Ujeeddada fog ee ka dambaysa maamulkan doonaya in uu ka go'o Soomaaliya waa mid ku dhisan qabiil doonaya in uu marka hore helo aqoonsi caalami ah, dabadeedna helo awood dhaqaale iyo mid milateri oo uu ku cabudhiyo qabaailada kale ee dega dhulka.

 

Dadka reer Awdal waxay haystaan maanta fursad ay ku horjoogsan karaan taa iyada ah,marka loo eego xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya reer Awdal iyo Madaxweynaha Jabuuti,iyo iyadoo aan weli la aqoonsan maamulkan.

 

Midhaha aynu maanta u tacabno ayay goosan doonaan ubadkeennu.Waxa aynu maanta wax ka qaban karno waxaa jiri doonta maalin aynaan wax ka qaban karin.Taariikhda ayayna gelaysaa wixii wanaagsan ee loo qabto mustaqbalka ubadka soo koraya iyo dhulka ay dhaxlayaan.

 

 

Qore: M.Ali

modaher291@gma

Web Boramanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this