Sign in to follow this  
RedSea

A CALL TO ALL SOMALIS

Recommended Posts

RedSea   

ASSALAMU CALAKUM,

 

This is a call to all Somalis who come under the name of Somali. This is a call to all Somalis who inhabit and call their home in any region where the culture functions and the language is spoken. This is a call to all those who still in midst of 21st century still arrongantly hold pride in their tribe. This is a call to all the nomads in SOL political/general etc. to realize that we are all brothers and sisters to each other and we should give up the deep hatred and the pity that we direct towards one another. Love someone as you would love to be loved.

 

Here is a true example of how one's mind set should be in terms of dealing with other Somalis.

 

This an article from Widhwidhonline.com from Las Anod. The reason I took this article is to make us think again about who we actually are what we mean to each other. I visit all Somali websites and I don't believe what they all say but sometimes I run to an article like this that deserves to be read and read over again by all of us.

 

Yaa D. aheey! Yaa I. aheey! Yaa H. aheey! (Faalo}03.02-06

 

 

Allaw Boqorow Allaw

Badraan iyo jaahil baa

Allaw dunidii ba’shoo

Naflii baday weerar iyo

Baaruudaha qiiqayoo

Buquuq kaga yeedhiyee

 

 

Adaa Boqorow Alle ah

Buruudka adaa iska leh

Aduu kuu baaqi yahay.

 

Waxaan filayaa in qof kasta oo Soomaali ahi ka dheregsan yahay khasaaraha ay leedahay qabyaaladdu. Laakiin haddana inta badani kama waantowdo inay ka leexdaan jidka qabyaaladda. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Cunsur carabka lagama dhawro†markaa anigoo maahmaahdaa duugga ah ka dabqaadanayna waa inaynu si aan gabasho lahayn uga hadalno dhibaatooyinka jira. Waxaynu maqalnaa I. iyo D. waa col, H.iyo D. waa col, reer hebel iyo reer hebel waa col iyo waxyaabo la mid ah. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Milil dushii lama dhayo.†Waayo meesha bugta haddaan mililka laga saarin oo laga maydhin ma bugsato. Waxa kale oo Soomaalidu ku maahmaahdaa “Haddaan hadalka runta laga sheegin wax ka xun baa laga sheegaa.†Haddii aynu isku maaweelinno waxyaabo dhalanteed ah oo aynu xaqiiqda diidno inaynu sideeda uga hadalno markaa waa hubaal inaynaan weligeen gudcur ka baxaynin, qodaxduna ay halkeedii oollayso.

 

H. horaan ula hadlay, I. iyo D. maantaan la hadlayaa, Soomaalida inteeda kalena eed buuran uma hayo. Dad badan oo labada qabiil ee D. iyo I. u dhashay ayaa qaba in labadaas reer col yihiin. Ma run baa mise waa been? Intaanan jawaabta su’aashan hoos ugu degin ii saamaxa inaan marka hore in yar ka idhaahdo waxyaabaha labadan qabiil wadaagaan. D. iyo I.waa laba reer oo degaan wadaag leh oo wada nool. Waxay wada degaan dhul aad u ballaadhan, Jigjiga laga bilaabo ilaa calmadawda Sanaag ayey baadka iyo biyaha ka wada quutaan. Waa dad is dhalay oo is dhaqday oo candho iyo caanaheed ah. Hadday abaari dhacdo wey wada taabataa, hadday barwaaqo timaaddana wey wada saamaysaa. Dhulka ay degaan qayb waxa xukunta Itoobiya, qaybna waxa maamusha Soomaaliland, qaybna waxa ka talisa Puntland. Dadkaasi iyagoo sidaa maamul ahaan u kala qaybsan haddana nolol ahaan ma kala qaybsana, horena looma arag dibna waxaan filayaa inaanay suurtogal ahayn. Dhinacba dhinaca kale waa u dugsi iyo wehel. Waa isku noole maaha kala nool.

 

Haddaan u soo laabto jawaabtii su’aasha kor ku xusan, waxaan odhan karaa D. iyo I. col maaha, balse cidda is necebi waa kooxo damiir-laawayaal ah oo magaca labada reer wata. Dhab ahaan waxay ka dhasheen labada dhinac, laakiin waa kuwo damiirka ka qaawan oo mucsur garashada ka ah. Waxay wiilka D. iyo ka Is. ku barbaariyaan nacayb, waxay uga sheekeeyaan xaaraame-cune iyo quufla wixii dhacay iyo awawgaa baa reer hebel dilay. Xaaraame-cune wixii dhacay in raggii waagaa joogay dhibkaa xalliyey oo bogsiiyey kama sheekeeyaan. Wiilka ay ku leeyihiin awawgaa baa la dilay uma sheegaan inta isaga awawgii dilay. Habeen iyo maalin fidnada dhacaysa kuwaas baa ka masuul ah, dadka labada dhinacna waxay ka iibiyaan dacaayado marin habaabin ah. Waxay hulluuqsiiyaan warar xaqiiqda ka fog iyo cuqdado gadhoodh ah. Maalin kasta waxa afkooda ka soo baxa weedho sun ah oo quluubta dadka madoobaynaya. D. iyo I. colka ahi waa kuwaa.

 

Markaan degmo qaboojaa mid kale

 

Dogob ka qiiqaaye

 

Dab markaan baqtiiyaa mid kale

 

Duur ka ololaaye

 

Ayax markaan didshaabaa mid kale Ugax dillaacaaye

 

Hadba wiil darmaanaa wadhida Loo deldelayaaye

 

Waa run in dhulka qabaa’ilkani wada degaan ay ka jiraan shaqaaqooyin badan oo dad iyo maalba lagu waayo. Waxa la yidhi “meyd maxaa ugu danbeeyey iyo kaa la siisido†qayladii ugu danbeysay waata Yoocaale inaga soo gaadhay. Waana aragnaayo dadka maanta jira badan koodu labada dhinacba waxaad mooddaa inay caadifaddu ku badan tahay oo is eeddayn iyo faro-fiiq-fiiq baa arrinkoodu u badan yahay. Waxaana u sabab ah kuwa aynu hore uga soo hadalnay(bukaan-socodka D.iyo I.).

 

Hadba danab la looganayo baan U digleeyahaye

 

Dubashada barbaartaa jidh kani Ila dubaaxshaaye

 

Qalbigaygu wuu diiddan yahay Dirirta ceebeede

 

Damiirkaygu kuma hiili karo Dalabka haybeede.

 

Xaalku maaha mid sidaa lagu eegan karo oo lagu dhegaysan karo oo lagu dhex joogi karo. Ma waxaynu weligeen dhegaysannaa beenta munaafiqiinta ee ah “reer hebel waa inaynu ka biyeynaa oo cag hoosteeda gelinaa.†Weli miyaa aragteen reer Soomali ah oo cagta hoosteeda inta la geliyey ku jira? Waa maya, weligeedna ma dhacayso. Waa huf iyo hadur waxay dadka u sheegayaan. Waa dulmi iyo daaquudnimo waxay macaashka ka dayayaan.

 

Dadweynaha shil baa lagu horiyo Dawgii waalida'e

 

Hadba dhiillo dihin baa mid kale Loogu dedayaaye

 

Hadba nabar daloolaa Cabdow Looga darayaaye

 

Hadba doogo yara raystay baa Laga damqaa hooye

 

Hadba dawan qabiil baa ruxruxa Lagu danseejaaye

 

Hadba kooxo diihaal qabaa Diif ku sii rida'e

 

Hadal nin badiyey ma wada odhan nin yareeyeyna wax kama tegine aan hoos ugu soo dego dulucda qoraalkan. Waa waajib waana igu gar talo iyo tusaale wixii aan hidiyo inaanan ku masuugin. Raqba waa ku raggeede waxa iga talo ah:

 

Waxaynu joognaa waqti ninka sharka wada aan waa hebel la odhan karin, haddii la yidhaahdana belo tii laga hadlayey ka weyni dhacayso, mana jirto cid yeelaysa inay eedda qaybta ay leedahay qaadato. Sidaa darteed ninkii uurka dabba Alle waa arkaa, ninkii isha dabana dadku waa arkaaye in wadajir loo awaadho cidda xumaanta shidaysa ee fidno abuurka ah waa lagama maarmaan. In hoos iyo korba loola hadlaa waa waajib.

 

Nin qabyaalad door moodayaan 'Daa' ku leeyahaye

 

Danaystiyo qof iimaan la' baan Doobir leeyahaye

 

Damacooda xiimaaya baan 'Hooy' ku deyayaaye

 

Didibsiga bar baan leeyihiyo Dabar ceshiimeede

 

Quluub uu xumuhu daashadaan Daawo u rabaaye

 

Siyaasi waan ka quustay rajana kama qabo, waayo talo-hayeenka maanta lagama filo inuu bugto uu geystay bogsiiyo, dadkii hore se nabarka uu geysto waa daawen jiray waana baanan jiray, sidaa darteed waxaan la hadlayaa inta og inay geeriyi jirto. Inta og inaan qabyaaladi wax taraynin. Inta og inaanay jirin D., I. iyo H. col ahi bal se ay jiraan daaquudyo magacyadooda xanbaarsan oo col ahi. Inta cuqdadda, xasadka iyo iimaan la’aanta ka xorowday waxaan leeyahay waa toosan tihiin, cid idinka sadroonina ma jirto’e ku faro adayga wanaagga aad ku sifowdeen, dadkiinana dilka iyo gumaadka loo hor kacayo ka hor joogsada.

 

3. Inta weli dhegaysata ama rumaysata kuwa uurka timaha ku leh ee D. iyo I. diinta u tahay waxaan ku waaninayaa inay maankooda iyo maskaxdooda ka xoreeyaan xinka iyo xumaanta.

 

Waxaan kula talin lahaa Suldaamada iyo cuqaasha ka madaxa bannaan siyaasadda dhagareysan inay u guntadaan walaalaynta dadkooda la rabo inay is cunaan.

 

Birta la iska aslaayo Boqnaha la iska jaraayo Inta biixi jabaysa

 

Inta maal burburaysa Beled taagan dumaaya

 

Naf Illaahay baxaysa Rabbigeen ma banayne

 

Waa beer-gooyiyo ciile Hadhaageenna badbaadshoo Halla baajiyo dhiigga.

 

Waxaan aqoonyahanka, culimada, dhallinyarada u soo jeedin lahaa inay iska illaawaan wax kasta oo dhaawac u keeni kara wada dhaqankooda iyo nolol wadaagooda dhab ah, isla markaana ay kobciyaan korna u qaadaan walaaltinimada soojireenka ah ee dadkoodu wadaago.

 

Inakoo isku beer ah Boggeenii isku yaallo

 

Boqorkii wada raacnay Haddii aan is birayno

 

Baguugaa iska yeelno Berritaan cadawgeenna

 

La iska baacin karayne Waa beer-gooyiyo ciile

 

Hadhaageenna badbaadsho Halla baajiyo dhiigga

 

Maqaleey warlaay….Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajiya kee daran?†Waxa jirta warbaahin gaas-dhegoole ah oo aad mooddo markay wax dhacaan inay kubad xayeysiinayaan. Waa warbaahin indhaha iyo dhegaha ka xidhan, malaha cid hagta, malaha cid la xisaabtamaysa, malaha dabar iyo xad waabiya. Adduun iyo aakhiraba waxay ka ogyihiin inta bukaan-socodku uga sheego. Waxaan raggaa dhallinyarada ah kula talin lahaa inay ka waantoobaan buunbuuninta mashaakilka iyo af-xumada. Waxaan odhan lahaa madaxa kor u qaada, Maqaleey warlaay.

 

Walafkii qalbiga Qabiil weeradkii In lagu wajaqay

 

Maqaleey warlaay Ma laguu warramay?

 

In waraarigii Waabay suniyo Wiyeer laga kabbaday

 

Maqaleey warlaay Ma laguu warramay?

 

Guud ahaan Soomaalida, gaar ahaanna kuwa colaadda Yoocaale laga dhex shiday waxaan leeyahay:

 

Imisaan isu baannay Isu reero bu’aynay

 

Baaba’eenniyo hoogga Imisaynu bileynay Imisaan is bireynay

 

Imisaan is bog dooxnay Beelo la isugu duulay Bahbah la isu wareemay

 

Imisaynu billaawe Iyo baallacad qaawan Ku baalbaallay jidhkeenna

 

Imisaynu birteenna Boqneheenna ku goynay Bunduqeenna afkiisa

 

Intee Baashe ku hoyday Intee baarcadde mootan

 

Intee baarri wanaagsan Bidhaantiisa la waayey

 

Intee baa bilcan door ah Boqorkeedii la toogtay Bilayaal asay qaadday

 

Intee baa ubad booyey Intee baa la baroortay Intee baa belo qiiqday

 

Intee baynu ku baaqnay Baa’bi’ii nolosheenna

 

Intee baa birmadkeennu Burburkeenna horseeday Waar maxaa ina baabay?

 

Annakaa bokhrantii iyo Annakaa ba’antii iyo Annakaa bilantii iyo

 

Annakaa burji weyniyo Baanisiiba la eedye Bugtadaa kugu taalliyo Cuqdaddaa kugu baahday Ma bogsooto miyaa?

 

Kuwa uurka timaha ku leh ee isku dirka dadka ka shaqeeya waxaan leeyahay filimada la yidhaahdo “yaa reer hebel aheey! Yaa D. aheey! Yaa I.aheey!†daawashadooda qarniyaa noogu dhammaaday, aniga iyo inta ila figradda ahi toona idinka maqlimayso’e shuushka iyo sharka aad la meeraysaan dadka kala fadhiista uurku-booglayaalyahaw.

 

Maxamed Yusuf Cabdi (Kayse)

Source: www.widhwidh.com

Maale22000@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a call to all the nomads in SOL political/general etc. to realize that we are all brothers and sisters to each other and we should give up the deep hatred and the pity that we direct towards one another. Love someone as you would love to loved.

 

I agree with you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this