Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Pro-USC/ICU were told to move where they come from

Recommended Posts

Ciidamada Tikreega ee kusugan Dhulka Soomaaliya oo Dadweynaha kudhaqan Feer feer ku amray in ay halkaasi isaga baxaan.

 

 

Baladweyne, 10-December-06 ( Qaadisiya.com) Qoysas fara badan oo deganaa Deegaanka Feerfeer ayaa lagu amray in ay isaga qaxaan halkaasi kadib markii Ciidamo fara badan oo tiree ahi ay halkaasi soo buux dhaafiyeen.

 

Qoysaskani ayaa waxaa ku amaray in ay halkaasi isaga cararaan Ciidamada Tikreega oo iyagu halkaasi ka dhigtay Fariisin Cusub isla markaana soo dhoobay Ciidamo Tikree oo fara badan kuwaasi oo doonaya in ay weerar kusoo qaadaan Ciidamada Mujaahidiinta ee kusugan Gobolka Hiiraan.

 

Qoysaskani ayaa lagu soo waramayaa in ay Maanta soo gaareen Magaalada Baladweyne waxaana lagu qiyaasay illaa 200qoys kuwaasi oo dadweynaha kudhaqan Magaalada Baladweyne kacodsaday in ay meeleeyaan.

 

Dadweynaha kudhaqan Magaalada Baladweyne ayaa durba bilaabay in ay gacan qabtaan walaalahooda isla markaana dejiyaan goobo ay kusoo moodaan inta xaaladda halkii laga soo qaxiyay ay ka dageyso.

 

Dhinaca kale Ciidamo Katirsan Golaha Maxaakimta ayaa Maalintii shalay ka sameeyay Magaalada Baladweyne Dhowlotus ay kumuujinayaan Awoodda ay u leeyihiin in ay iska dhiciyaan Ciidamada Tikreega ee wadanka kusoo duulay.

 

Ciidamada Golaha Maxaakimta ee kusugan Gobolka Hiiraan ayaa si aad ah iskugu diyariyay iska dhicinta Cadowga Islaamka ee Duullaanka kusoo ah Dalka iyo Diinta iyadoo arrintaasina Maxaakimtu ay taageero ballaaran kaga heystaan Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo adduunka ay kaga dhaqan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masaakiintaan Ethipia dhexdeeda ayey la wadaan USC/ICU wax sidaas Dowlada Ethipia dhibsaday... anigu hadaad iyaga ahay maba isku mashquuliyeen wax aan sidaas u sii jireen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this