Sign in to follow this  
Maaddeey

What was the Friday Khutbah about?

Recommended Posts

Maaddeey   

Asalaamu Calaykum Nomads,

 

Halkan waxaan ugu tala galay Maadaama Soomaali badan Adduunka daafahiisa kala joogto, Muslimiinna aan nahay inaan Maalinta Jimcaha ee Usbuucii mar la isku baraarujiyo, qof walba halkan ku soo gudbiyo Khudbadii uu dhegeystay, si looga wada faa'iideysto.

 

Aan billaabee:

 

Maanta 05 Maarso 2010 Khudbada waxay ku saabsanayd in Rizqiga la wanaajiyo oo si xalaal ah lagu raadsado, Allena uu qoray qofka arzaaqdiisa maalinta la abuuray.

 

Sidoo kale Khadiibku wuxuu sheegay in Rizqiga & Taqwadu isku xiranyihiin, wuxuu akhriyey: 'waman yataqqillaaha yajcal lahu makhrajan wa yarzuqhu min xaythu laa yaxtasib..'

 

Wuxuu soo qaatay Xadiis in nin Saxaabi ah uga dacwooday Rasuulka (CS) Nin walaalkii ah oo aan shaqaysan isaguna uu kafaalo qaado una shaqeeyo isaguna uu adiga iska kaa agfadhiyo, Rasuulku wuxuu ugu jawaabay ninkii: 'Isaga dartii in lagugu Irzaaqo ayaa dhacda', wuxuusan ka tegin Xadiiskii Jibriil uu nabiga ugu waxyooday: 'in nafi dhimaneyn ilaa ay ka dhamaysato wixii alle u qoray ee dadoow wanaajiya raadsiga arzaaqda'

 

(Haddii aadan wax uusana Alle kugu tala gelin marna cuneynin, maxaad hab xaaraan ah ugu raadsanee?)

 

Ilaahoow nagu anfac.

 

Fadlan, Khudbadaada soo gudbi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this