Maaddeey Posted March 5, 2010 Asalaamu Calaykum Nomads, Halkan waxaan ugu tala galay Maadaama Soomaali badan Adduunka daafahiisa kala joogto, Muslimiinna aan nahay inaan Maalinta Jimcaha ee Usbuucii mar la isku baraarujiyo, qof walba halkan ku soo gudbiyo Khudbadii uu dhegeystay, si looga wada faa'iideysto. Aan billaabee: Maanta 05 Maarso 2010 Khudbada waxay ku saabsanayd in Rizqiga la wanaajiyo oo si xalaal ah lagu raadsado, Allena uu qoray qofka arzaaqdiisa maalinta la abuuray. Sidoo kale Khadiibku wuxuu sheegay in Rizqiga & Taqwadu isku xiranyihiin, wuxuu akhriyey: 'waman yataqqillaaha yajcal lahu makhrajan wa yarzuqhu min xaythu laa yaxtasib..' Wuxuu soo qaatay Xadiis in nin Saxaabi ah uga dacwooday Rasuulka (CS) Nin walaalkii ah oo aan shaqaysan isaguna uu kafaalo qaado una shaqeeyo isaguna uu adiga iska kaa agfadhiyo, Rasuulku wuxuu ugu jawaabay ninkii: 'Isaga dartii in lagugu Irzaaqo ayaa dhacda', wuxuusan ka tegin Xadiiskii Jibriil uu nabiga ugu waxyooday: 'in nafi dhimaneyn ilaa ay ka dhamaysato wixii alle u qoray ee dadoow wanaajiya raadsiga arzaaqda' (Haddii aadan wax uusana Alle kugu tala gelin marna cuneynin, maxaad hab xaaraan ah ugu raadsanee?) Ilaahoow nagu anfac. Fadlan, Khudbadaada soo gudbi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted March 5, 2010 Maxaad Politics section kala soo doontay khudbo jimcahana? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 5, 2010 ^Waa ku qaldamay Quote Share this post Link to post Share on other sites