Sign in to follow this  
Umal-Zamzam

QARAXYO WAXYEELLO AY KA SOO GAARTAY CIIDAMADA AMISOM OO MAGAALADA MUQDISHO MAANTA KA

Recommended Posts

QARAXYO WAXYEELLO AY KA SOO GAARTAY CIIDAMADA AMISOM OO MAGAALADA MUQDISHO MAANTA KA DHACAY, IYO AMISOM OO SHACAB AAD U FARA BADAN MAANTA SUUQA BAKAARAHA KU XASUUQAY.

 

Muqdisho, Talaado 16 Nov 2010, (Hillaac.Net)

 

Qaraxyo loo Adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso lagana hago Rumuudka Control-ka ayaa maanta waxaa Irridka hore ee Kulyaddii Jaalle-Siyaad iyo Waddada isku xirta Ex-Control iyo deegaanka Xoosh ee degmada Dharkenleey lagula eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM, Iyadoo Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Xarakada Alshabaab Qaraxyadaas lagu laayey Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamada Shisheeye ee Afrikaanka ah, Gaadiid Dagaalna lagu burburiyey.

 

Qaraxa hore ayaa irridka hore ee Kulyadda Jaalle-siyaad waxaa lagula beegsaday Kolonyo gadiid ah oo ay lahaayeen Ciidamada AMISOM kuwaasi oo ka soo baxay Kulyadda oo ay fariisimaha ku leeyihiin ciidamada AMISOM, Waxaana la sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyay mid ka mid ah gaadiidka AMISOM Askartii ku jirtayna ay ku baaba'een.

 

Sidookale qarax kale ayaa maanta barqadii waxaa lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay lahaayeen AMISOM islamarkaana marayay waddada isku xirta Ex- Control- Afgooye iyo deegaanka Xoosh ee degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir, Iyadoo Qaraxaasina lagu laayey Askar ka tirsan AMISOM.

 

Dhanka kale Ciidamada AMISOM ayaa Maanta sidii Caadada u ahayd waxay Madaafiic ku garaaceen Suuqa Bakaaraha Iyagoo halkaa ku xasuuqay In kabadn 15-qof ku dhawaad 40-kalana halkaa ku dhaawacay, Iyagoo sidoo kalena Xaafadaha Magaalada Muqdisho Madaafiic u qeybiyey kuna Gumaaday Shacab kale oo Rayid ah oo Tiradoodu ay aad u badan tahay, Xillii Maalintii Labaad ee Ciidda ay u Dabaaldagayeen Shacabka Muqdisho.

 

Ciidamada Calooshood-Ushaqeystayaasha AMISOM ayaa Had iyo Goor waxay Madaafiic ku garaacaan Suuqayada iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho, Iyagoo ku Gumaada Shacab aad u fara badan oo aan waxba galabsan, Iyadoo aaney jirin Cid ka hadasha oo ka tirsan kuwa sheeganaya in ay Dowlad u yihiin Shacabkaas la xasuuqayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this