Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Berbera Elects New Mayor

Recommended Posts

Hargeuysa(Qaran)- Md Cabdalle Maxamed Cali [sandheere] ayaa maanta cod aqlabiyad ah loogu doortay Maayarka cusub ee magaalada Bebera, ka dib markii uu ka adkaaday laba xubnood oo kula tartamayay jagadaas.

 

Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha deegaanka ee Berbera, ayaa saaka lagu qabtay xurunta Dawlada Hoose ee magaaladaas, fadhigaasi waxa gudoominayay Maayar ku xigeenka Bebera Cabdi Jaamac Faduul, isla markaana waxa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Saaxil, Maxamed Cabdilaahi Maxamed, iyadoo goobta shirka lagu qabanayayna aad loo adkeeyayamniga oo la soo dhoobay ciidan Boolis ah.

 

Cabdalle Maxamed Cali [sandheere], oo ka tirsan Xisbiga UDUB, ayaa ku guulaystay Duqa cusub ee Berbera, waxa u codeeyay 17 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka oo ka kooban 21 Mudane.

 

Eng maxamed Cumar, ayaa isaguna helay 2 cod , halka Cawil Cali Sugulle uu isna ka helay 1 Cod.

 

“Waxaan u Mahad-naqayaa Xildhibaanadii ii codeeyay ee I doortay iyo kuwii kale ee aan ii codayn, waxana aan rajaynayaa inaan ku shaqeeyo nidaamkii Maayarkii hore ee geeriyooday alle Ha u naxariistee Marxuum- Siciid Daa’uud Cilmi” Sidaas waxa yidhi Maayarka cusub ee Berbera Cabdalle sandheere, oo markii la doortay hadal kooban u jeediyay Golaha deegaanka.

 

Cabdalle Maxamed Cali, isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa aan balan qaadayaa in aan taalo xusuus ah aynu u dhisno Maayarkii hore ee geeriyooday ee magaalada Berbera, oo ahaa nin wax qabad weyn muujiyay”.

 

Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maxamed Cabdilaahi Maxamed, ayaa Golaha deegaanka Berbera ku amaanay sida degan ee ay isku doorteen waxana uu duqa cusub u rajeeyay6 inuu noqdo mid ka soo baxa hawsha culsas ee loo doortay.

 

Maayarka cusub ee Bebera waxa uu ahaa Maayarkii ugu horeeyay ee Bebera, markii Golayaasha deegaanka dalka la doortay, bishii December 2002-dii, hase yeeshee waxa xilkaasi laga qaaday markii uu muddo sanad ah hayay maayarnimada Magaalada Berbera iyo Gudoomiyaha Golaha deegaanka degmadaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

I welcome this new guy,

 

but Berbera needs better managed and increased investment. its development has been adequate to say the least and a city its status is only maintained by the port. i love berbera as i spent some time in my early child hoood there and would love to see it blossom with increased investment and depolyment of resources back into berbera.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think the new Mayor will be good for the city as he was the first mayor years ago unless he learned from the departed one who achieved a lot during his period.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this