Sign in to follow this  
General Duke

14 year old held by kidnapers: Shocking story..

Recommended Posts

14 jir maalintii Sedexaad afduub loogu haysto Muqdisho.

 

C/raxmaan Sheekh Max’uud oo ah arday 14 jir ah oo labo maalmood ka hor kooxo hubeysan ay ka qafaasheen magaaladan Muqdisho ayaa sii deyntiisa lagu xiray lacag gaareysa 12,000 $ (Toban iyo labo kun oo Dolar) sida ay xaqiijiyeen qoyska uu ka dhashay wiilkaasi oo xalay xiriir dhinaca telefoonka ah ay la soo sameeyeen dableyda afduubka u heysata wiilkooda.

 

C/qaadir Xaaji Cali oo ah Wiilkaasi awoowgii ayaa sheegay in sidoo kale dableydu markii ay la soo xiriirayeen ay qadka telefoonka kula hadal siiyeen wiilkaasi oo markii uu maqlay codka awoowgii Af-labadii qeyliyey aadna u ooyey, waxaana C/qaadir oo ah wiilkaasi awoowgii uu ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho inay gacan ka siiyaan sii deynta wiilkooda oo uu sheegay inuu yahay mid ayeeyo koris ah oo hooyadii iyo aabihiiba ay goor hore geeriyoodeen.

 

Waalidiin fara badan oo caruurtoodu ay subax walba u jarmaado qaar ka mid ah dugsiyada magaalada Muqdisho ayaa haatan ka walaacsan xaalada nabadgelyo ee ubadkooda tan iyo intii ay soo shaac baxday arrinta la xiriirta wiilkan ardayga ah ee kooxaha dableyda ahi ay qafaasheen xili uu ku sii jeeday dugsigii uu wax ka baranayey isagoo sita buugaagtiisii iyo qalmaantiisi lebisana dareyskii loogu talo galay ardayda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Waa wax aad iyo aad looga naxo dhibaatooyinkan iyo kuwa lamida oo kadhaca Somalia iyo Dunidaba. 2 maalin kahor Booliska Canada waxeey soo bad baadiyeen wiil yar oo sidaan oo kale lasoo afduubtay lacagna laweeydiistay qooyskiisii and here is the link: http://www.ctv.ca/servlet/ArticleNews/story/CTVNews/20060412/mcmynn_found_060412/20060412?hub=CTVNewsAt11

 

Sxb Duke, where is the source for your post, I'm sure you wouldn't like someone posting your article without mentioning your name..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ You are right, it was a misake on my part... Here is an update on the story..

 

Wiil yar oo 4-maalmood ku afduubnaa Muqdisho oo maxkamadda Islaamiga ee Siinaay ay xoog ku soo furatay

Posted to the Web Apr 16, 09:23

 

 

Muqdisho (PP) – Maxkamadda Islaamiga ah ee Siinaay oo ka mid ah maxkamadaha ka jira Magaalada Muqdisho ayaa xalay xoog ku soo furtay wiil yar oo Muqdisho afduub ahaan loogu haystay.

 

Maxkamadda Siinaay oo weerar ku qaaday halka lagu hayay wiilkaan yar oo lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Maxamuud Sheekh C/baari oo ahaa iskuuley laga afduubtay 12-kii bishaan isagoo ku sii jeeda Iskuulkiisa ayaa waxay ka soo qabteen wiilkaan iyo nin oday ah oo isagana afduub ahaan loogu haystay isla goobtaas.

 

Labada ruux ee wiilka yar iyo odayga kala ahaa ayaa waxaa lagu haystay guri ku yaalla inta u dhexeysa Iskuulkii 15 May iyo Degmada Boondheere, waxaana soo qabashadiisaan gacan ka geystay dadka deegaanka oo soo sheegay in halkaas lagu haysto wiil yar oo 4-habeen joogay.

 

Maxkamadaha ayaa sheegay inay xilligii ay soo furanayeen wiilkaas yar ay goobta ku soo qabteen ninkii iska lahaa guriga lagu hayay wiilkaas yar oo xilligaa ku sugnaa isla guriga, balse aysan goobta ku arkin kooxdii afduub ahaanta u haystay wiilkaas yare e 13-jirka ah.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda Islaamiga ah ee Siinaay oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in soo qabashada wiilkaas yar ay ku guulaysteen balse ay gacan ku siiyeen dadka deegaanka oo ay sheegeen inay soo gaarsiiyeen in halkaas lagu haysto.

 

“Waxaa noo timid haweeney noo xaqiijisay in lagu haysto wiil yar oo aanay garanayn guri agteeda ku yaalla, waxaanan u dirtay ciidammo ka tirsan Maxkamadda kuwaasoo soo xaqiijiyay in wiilkaas yar uu yahay iskuuley lagu haysto halkaas, markaas ayaan weerarnay dabadeedna soo qabannay†ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta Maxkamadda.

 

Mas’uulkaan ayaa sheegay in sidoo kale ay saakay soo qabteen mid ka mid ah afduubayaashii kuwii kalena ay ku raadjoogaan, isla markaana dhammaantood la marin doono sharciga.

 

Wiilkii yaraa ee C/raxmaan ayaa lagu wareejiyay reerkiisii, waxaana kooxaha burcadda ah intii ay haysteen ay sheegeen inay ka doonayaan lacag Madaxfurasho ah oo gaaraysa 12-kun oo Dollar.

 

Abbaha wiilka oo ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in wiilkiisa uusan ku soo furteen lacagta lagu xiray, balse uu u mahadcelinayo maxkamadda iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan.

 

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

Contact E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this