Sign in to follow this  
BN

Xaflad Qalin jabin ah oo lagu qabtay Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso(EAU)

Recommended Posts

BN   

Boosaaso, (AllPuntland)-

 

Waxaa 1-dii bishaan lagu qabtay xaflad balaaran xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso, halkaasi oo shahadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalin jabisay waxbarasho u socotay labo sanno.

 

Ardayda ayaa waxbarashadooda ka qaadanaysay jaamacad lagu magacaabo Fort Hare University, iyagoo duruusta ku qaadanayay Jaamacada Boosaaso loona soo marsiinayay ayna socodsiinaysay hay'ada Africa Educational Trust xafiiskeeda Boosaaso.

 

Ardaydaan oo ah kuwii ugu horeeyey ee qalin jabisey waxay tiradoodu dhan tahay 7 arday, iyadoo tiro 22 arday ah oo kale ay hadda dhexda kaga jiraan waxbarsho tani la mid ah.

 

Xaflada qalinjabinta oo lagu furay aayado qur'aan ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Prof. Cabduweli Geyre oo ku hadlaayey magaca jaamacdda Bariga Afrika, wuxuu u mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha xaflada, wuxuuna ka waramay heerarkii ay soo martay waxbarashada ardayda qalin jibasay, isagoo ku dheeraday qiimaha waxbarashada iyo sida ardayda tani ay uga faa'iidaysteen fursada ay heleen, Prof. Gayre wuxuu kula dardaarmay ardayda waxbarashada dhamaysatay inay aqoontooda gaarsiiyaan bulshada.

 

Dr. Micheal Brophy oo ah wakiilka Afrika ee Hay'ada Africa Educational Trust ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabtay wax barashadda noocaan ah oo uu tilmaamay in ayan ahayn markii ugu horaysay ee ay hay'adiisu fuliso, balse dalal kaloo Afrika ah ay ka fuliyaan, wuxuuna ku amaanay ardayda reer Puntland oo uu ku tilmaayay kuwo dadaal badan la yimid sidii ay fursadaan uga faa'iidaysan lahaayeen, tani oo uu sheegay inay dhiiri galinayso in hay'adu sii wado mashruuca waxbarasho ee noocaan ah.

 

Dr. Micheal mar uu ka hadlayay Jaamacada Koonfur Afrika ee ardaydu duruusteeda qadanayeen, wuxuu sheegay inay tahay Jamacad caan ah oo ay wax ku barteen madax badan oo qarada Afrika laga yaqaan sida Madaxweynihii hore ee K/Afrika iyo Boqorka Iswasiland iyo madax badan oo afrika ah.

 

Dr. Axmed Cabdiraxmaan oo ah Gudoomiye xigaha Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaso ayaa u mahadceliyay hay'ada Africa Educational Trust ee hirgalisay in ardayda joogta Jaamacada Boosaso ay duruus maalmeedkooda iyagoo Boosaaso jooga ay la qaybsadaan ardayda Jaamacada Koonfur Afrika joogta.

 

Wsiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna xilhayaha dawlada Puntland ee gobolka Bari Eng. Faarax Maxamuud (Dooxa-joog) ayaa ka hadlay doorka horumarinta waxbarashada iyo sida loogu baahan yahay in la isu kaashado, wuxuu u mahadceliyay Africa Educational Trust iyo Labada Jaamacadood ee hirgaliyay waxbarashadan, wuxuuna gudoonsiiyey ardaydii waxbarashada dhamaysatay shahaadooyinkii iyo abaal marin kale.

 

Sawirqaade Cabdifataax Jaamac Mire

 

AllPuntland, Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

ardayda_qalinjabisay.jpg

Ardayda waxbarashadu u dhamaatay

 

Prof_CAbdiwali_CAbdiraxman_Geyre.jpg

Prof. Cabduweli Geyre, Hormuud kuliyada Jamacada Bariga Afrika

 

Dr_Macheal_Brophy.JPG

Dr. Micheal Brophy Wakiilka Afrika ee Hay'ada Africa Educational Trust

 

Dr_Axmed_Cabdiraxman.jpg

Dr. Ahmed Abdirahman, Gudoomiye xigaha jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso

 

Wasiirka_oo_gudoonsiinaya_Shahaadada_Ard

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadahe ee DGPL Eng. Faarax Maxamud Dooxajoog oo ardaydii waxbarashada dhamaysatay gudoonsiinaya shahaadooyinkoodii

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdgirl   

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO

CONGRATS TO THE SISTAS AND BROTHERS WHO FINISHED THEIR STUDIES IN A SUCH RAVAGED WAR COUNTRY....

WE SHOULD BE PROUD OF THEM

AND THEY SHOULD BE OUR ROLE MODELS

MAASHA'ALLAH

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this