Sign in to follow this  
Sophist

A beacon of Hope in the midst of darkness.

Recommended Posts

Sophist   

Jaamacadda Nugaal oo Saaka Ardaydii u Dareertay

 

Laascaanood(Radiolascaanod.com) Thu 24/11/2004 Waxaa saaka si rasmi ah u bilaabantay Jaamacadda Nugaal (Nugaal University) oo duruustii ugu horeysay ay ardaydii u xaadireen.

 

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal mudane C/kariim Ali Jamac ayaa waxa uu soo gaadhsiiyey warbaahinta in Jaamacaddu si rasmi ah ay saaka u furantay, laguna bilaabay arday gaadhaysa 60 arday.

 

C/karim waxa kale oo uu warbaahinta u sheegay in Jaamacaddu ay wax ka dhigi doonaan macalimiin gaadhaysa todoba macalin oo lagu bilaabayo jaamacadda muddada ardayda loogu diyaarinayo heer ay qaadan karaan duruusta takhasuusaadkooda ama kuliyadahooda.

 

Shacabka SSC ee gudo iyo dibadba ayaa aad iyo aad u soo dhaweeyey dadaalkaas muddada soo socday ee lagu guulaystay.

 

Radiolascaanod.com oo la xidhiidhay aqoonyahan farabadan oo isugu jira dhammaan laamaha kala duwan ee cilmiga ayaa waxa ay ballan qaadeen inay si buuxda u taageeri doonaan Jaamacadda Nugaal, taageeradaas oo isugu jiri doonta dhinacyada dhaqaalaha, cilmiga, xidhiidhka, iyo maamulkaba.

 

Ahmed M Hassan

 

Radiolascaanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this