Sign in to follow this  
Hunguri

Ciidamada Dawlada TFG oo Ammaankii sugaya

Recommended Posts

Hunguri   

Soomaaliyeey Toosoo

Toosoo isku Tiirsada

Hadba Kiina Taag Daran

Taageera Waligiin!

 

Allaw Dadka wixii wax kasoo gaadheen dhamaan u wada naxariiso. The first time, Im seeing a Traffic police man executing his police traffic duty freely. Dawlad la'aan ayaa wax walba ka xun. This is the time, we should stop beign pessimistic and be more optimistic for the future of our mother land. Somaliya ha noolaato!

 

 

Mogadishu 28, April.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ay taageerayaan gawaarida dagaalka ayaa maanta ka bilaabay howl-gallo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada ah qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale ciidamada dowladda howlgallo baariaano ah ay sameeyeen ay ku soo qabteen rasaasta Hoobiyaha

 

Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo ayaa sidoo kale howl-galkooda ay ku jirtey kala hagidda gaadiidka sida qaldan u socda wadooyinka qaar sida Isgoysyada Aadan Cadde iyo H/wadaag, iyagoo sidoo kale burburinayay goobaha sida sharci darada ah uga dhisan wadooyinka.

 

Ciidamada dowladda oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa si koox koox ah u marayay wadooyinka, waxaana ay dadka ku war galinayeen in gacmahooda ay ku burburiyaan dhismayaasha sharci darada ah.

 

Axmed Xasan Dheere oo Sandaqad lagu iibiyo Cabitaan ku leh isgoyska Aadan Cadde ayaa shabelle u sheegay in loo keenay wareegto ka soo baxday xafiiska amniga gobolka Banadir in lagu amray in ay baneeyaan hareeraha wadooyinka.

 

Waa markii labaad oo ciidamada dowladda KMG ah ay burburiyaan goobo si sharci darro ah looga dhistay hareeraha wadooyinka, iyadoo isgoyska KM4 sidaasi oo kale looga burburiyay goobo si sharci darro ah halkaasi uga dhisnaa.

 

Dhinaca kale ciidamada dowladda waxa ay fuliyeen howl-gallo ay ku baarayen gaadiidka yaryar, iyadoo howl-galadaasi ay ku soo qabteen hub yiilay guryo ku yaala agagaarka Isgoyska Bakaaraha sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidamada howl-galka fulinayay oo la yiraahdo C/salaan Max'ed Rooble.

 

Click below for the pictures and more details

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this