Sign in to follow this  
General Duke

More troops arrive in Jowhar...+ PM Geedi visit

Recommended Posts

Ciidamo gaaraya ilaa 400 oo ka yimid Bakool oo maanta Tababar si rasmi ah ugu Bilowday Xerada Congo ee Magaalada Jowhar

 

Habeenkii Xalay ayaa waxaa magaalada Jowhar soo gaaray Ciidamo ka yimid Gobolka Bakool kuwaas oo gaaraya ilaa 400 oo ciidan.

 

Ciidamadan xalay saqdii dhexe soo gaaray Jowhar ayaa la sheegay in Saakay ay ka mid noqdeen Ciidamadii tababarka mudadan uga socday Xerada Congo ee Duleedka Mgaaalada Jowhar.

 

Ciidamada ku sugan Xerada Congo ayaa lagu qiyaasaya in ay kor u dhaafayaan ilaa 5000 kuwaasoo isugu jira Ciidamadii ka kala yimid Puntland,Hiiraan iyo qaar ka tirsan Gobolada Dhexe iyadoo ay habeenkii xalay ahaana ay soo gaareen Ciidamo hor leh kuwaasoo ka yimi Bakool.

 

Ciidamadan ku sugan Magaalada Jowhar ayaa la sheegaa in ay yihiin Ciidamo qaran,hadana Xubanaha Labada Gole ee ku sugan Muqdishona waxa y yiraahdaan in ay Yihiin Ciidamada Jowhar jooga kuwa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusf uu doonayo inuu ku soo weeraro Magaalada Muqdisho,sida ay hadalka u dhigeen,qaar ka tirsan Wasiirada Hubeysan ee Jooga Muqdisho ayaa iyagu siyaabo badan ku tilmaamay arimaha Ciidamada ee lagu uruurinayo Magaalada Jowhar.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cali oo magacaabay ku xigeennada taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida iyo ciidammo hor leh oo soo gaaray Jowhar

Posted to the Web Sep 23, 10:17

 

 

Jowhar:- (PP) - Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka KMG-ka ah C/raxmaan Maxamed Cali ayaa magacaabay ku xigeennada ciidammada Qalabka sida ee dowladd federaalka KMG-ka ah, waxaana xubinihii uu magacaabay ay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran:

 

G/sare Axmed Cabdulle Xeyf ku xigeenka Abaanduulaha guud ee xoogga dalka ee arrimha howlgalinta.

 

G/sare Cabdi Mahdi Cabdisalaan ku xigeenka Abaanduulaha guud ee xoogga dalka ee arrimha Saadka.

 

G/sare Axmed Cumar Cismaan ku xigeenka Abaanduulaha ee xoogga dalka ee arrimaha tiknikada iyo

 

G/sare Injineer Cabdirisaaq Axmed Cali ku xigeenka Abaanduulaha guud ee xoogga dalka ee arrimaha ciidanka.

 

Dhanka kale ciidammo kale oo ka yimid gobolka Bakool ayaa waxay soo gaareen magaalada Jowhar iyagoo ku biiraya ciidammda kale ee ku xareysan Deegaanka Congo oo uu hadda tababarku uga socdo, ciidammadaan ayaa gaaraya 200-askari watana in ku dhow 12-tikniko ah, waxayna horay tababar ugu soo qaateen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ee Galbeedka Soomaaliya.

 

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaare Cali M. Geeddi oo la filayo

inuu berri Muqdisho u kicitimo

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa la filayaa in maalinta Berri ah u kicitimo Magaalada Muqdisho.

 

Safarka Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa la sheegay inuu la xiriiro arimo badan oo uu doonayo in magaalada Muqdisho uu uga qabsoomo,iyadoo tan ugu weyn ee aaditaankiisa Muqdisho ay tahay sidii Xafiiskiisa Cusub ee Magaalada Muqdisho u fariisan lahaa iyo kulan uu doonayo inuu isugu yeero Golaha Wasiirada.

 

Geeddi ayaa ajantahiisa ugu weyn ay tahay in kulanka Golaha Wasiirada ee uu doonayo inuu Muqdisho isugu yeero uu beesha Caalamka u tuso in wax khilaaf ah ku dhex jirin Xubanha Labada Gole ee iyagu xaga fikirka ah isku maandhaafsan.

 

Warar aanu ka helnay iloo ku dhow dhow Prof. Geeddi ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka Berrii muqdisho ku tagi doono ay ku wehlin doonaan qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada ah.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Prof. Geeddi taasoo ay si wada jir ah ay u wadeen qaban qaabadaas Ra’iisul Wasaare K/xigeenka Ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Ceydiidi, Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Cadde iyo xubno kale,Xuseen Ceydiid ayaa isagu hore u sheegay in Ra’iisul Wasaare Geeddi lasoo dhoweeyo imaatinkiisa Magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaan la ogeyn in safarkiisa Muqdisho ku tagayo ay noqoneyso mid Diyaarada uu ugu kcitimayo iyo in safarka dhulka ay tahayba.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

while going through the many somali sites i came across this creative piece of writing in somali language and felt that it'll be of benefit to many nomads and especially ppl like Gen duke whom many would percieve him to be the nomads informal ambasador for the somali TFG Jowhar function.

 

RIYADU MA RUN BAA?(Sheeko Siyaasadeed Taxane ah)

 

 

Wakhtigu waa habeen gelinkiisa danbe, cirku daruuro ma leh oo waa qaawan yahay, Dayax ma jiro magaalada badankeeduna waa mugdi. Kaaha xiddigaha ayaa waxoogaa nuur ah sameynaya, sanqarna la maqli maayo dad iyo duuyana waa la hurdaaa.

 

Malaha goortaan seexanayey waxaa madaxayga ka sii guuxayey su’aalo ay i weydiinayeen, qaar ka tirsan saaxiibaday, waxaa intaas ii dheeraa naqshadii aan magaalada Muqdisho ku qaban lahaa, waxaan indhaha isa sii geliyey anigoo faraxsan, oo ku guuxaya “Wax walbaa waa isu kaa saaran yihiin, Yemen…., Itoobiya…, Puntland ciidamo daacad xaf dhaaf waa ka soo helay, Gobolka Hiiraan nin raga Guddoomiye gobol waa uga dhigay, Maxamed Dheere waa midigtaada Koowaad, Barre Hiiraale iyo Jubbada Hoose waan isku hubaa, Col. Shaatiguguud gobolada Bay iyo Bakool kuugu filan…â€

 

Farxada aan ku seexday waxaa barbar socotay ciil iyo caro laabteyda buuxisay. Anigoo xaalkaygu sidaas yahay hurdo macaanina ii baxayso, waxaa riyo iigu muuqday ciidamadii Qaranka oo dowladdu xarumo uga sameysay magaalooyinka Beledweyne, Jowhar, Marka iyo meelo kale.

 

“Waa ciidamo tababarkoodii dhameystay, xiran direyskii Milateriga, hubkoodii u dhan yahay, waxaan ku qiyaasay in ay xoreyn karaan ilaa wadanka Ivery Coast oo ah Galbeedka Afrika. Waa ciidan ku dhaarsan in ay wadanka isu keenaan, waa ciidan derbi walba jebinaya, waa ciidan kalsooniyi ka muuqato†sidaas waxaa ii sheegay Taliyaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kooxdii ugu danbeysay ka soo saaray tababarkii ay ku qaadanayeen xeryaha tababarada.

 

“ Ciidamadu waxay hortayda ku bixiyeen salaam, gaardis gaada ka cayaar ahna way sameeyeen, guuxa iyo reenka ka baxayey ciidanka ayaa gilgilay laabteyda, waxaan dareemay qiiro wadaniyadeed. Waxaa la gaaray xiligii Soomaaliya ay qaranimadeeda hanan laheyd, waa wakhtigii la soo qaqaban lahaa kuwa diidan Soomaalinimada iyo xiligii ciidankani gudan lahaa waajibaadka hor yaal†erayadaasi waxay ka mid ahaayeen khudbad dheer oo aan u jeediyey ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

 

Waxay gogoshu ii taal Madaxtooyo ku meel ah oo laga hirgeliyey magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, cabsina kama qabo Qanyare, Muuse Suudi Yalaxow iyo kuwa la mid ah ee ku sugan magaalada Muqdisho oo 90 Km oo keliya ii jirta.

 

Qorshaha iiguma jirto in aan weeraro magaalada Muqdisho iyo kooxaha ku dhuumaaleysanaya sanadka 2005-ta, haseyeeshee, horaanta 2006-da macquul ma aha in Muqdisho noqon weydo caasimada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxtooyadii Villa Soomaaliya iyo Radio Muqdisho waxaa gacanta ku haya Xuseen Caydiid “ Adeer waa kugu wareejinayaa†ayuu igu yiri isagoo weliba faraxsan.

 

Haddii aan dib ugu noqdo xusuustii riyadeyda, markii aan tegay magaalada Jowhar waxaa si weyn ii raali gelisay soo dhoweyntii la ii sameeyey ee ay hormuudka ka ahaayeen Raysal Wasaare Geedi iyo Maxamed Dheere.

 

Erayo Shirib ah oo ay ku luuqeynayeen Kooxda Barbaarta Gaashaaman ayaa niyadeyda si weyn u soo jiitay, ilaalada Qaranka oo feejignaani ka muuqatana hareerahayga ayay marayeen, dadka intii aan salaan la gaaray waa gacan geliyey, baaqigiina labada gacmood ayaan u taagay, waxay ii aheyd maalin farxadeed, farxada caynka oo kale ah xataa ma farxin wakhtigii aan Madaxweynaha Puntland ka ahaa.

 

Mudadii aan dhex maquuranayey riyada Dowladnimo waxaa iigu yaab badnaa anigoo fadhiya xafiiska Madaxweynaha loogu tala galay oo aan ku qaabilay ergayga QM ka socday ayaa la igu yiri, “Md. Madaxweyne waxaa ku sugaya nin waayeel ah oo aad ugu ooman in uu kula kulmo, wuxuuna magaciisa ku sheegay Maxamed†waxaan ugu jawaabay “Soo daaya malaha talo ayuu inoo wadaayeâ€

 

Albaabka ayuu ka soo galay wuxuu xiran yahay Laba Go’ oo cad cad, ulna wuu ku tukubayaa, waxaan u qaatay dadka deegaanka, hase yeeshee wuxuu ku fariistay kursigii loogu tala galay dadka qaabilaada, maradii madaxa ugu duubneyd ayuu iska qaaday, wejigiisuna iguma cusba, laakiin nin daal badan soo maray ayuu u ekaa.

 

“Adeer ma I garaneysaa†ayuu igu yiri, goortuu hadlay ayaan gartay in uu yahay Madaxweynihii Kacaanka Soomaaliyeed Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waa naxay, qalin aan gacanta ku haystanna waa iga dhacay, haseyeeshee, waan is adkeeyey, ma aan aqoon sida dadka reer aakhiraadka ah loola hadlo, anigoo argagaxsan ayaan iri “Jeneraale, Madaxweyne goorma ayaad noo timid†hadaladaas ayaan is daba dhigay.

 

“ Waryaa C/laahi, sow ma tihid ninkii Kulmis abuuray†ayuu igu yiri isagoo indhaha galka ka soo bixinaya.

 

“45 sano ayey kugu qaadatay in aad Madaxweyne Soomaaliyeed noqoto, maanta oo ay ka danbeysay 15 sano markaan kursigaan ka tegay weli Jawhar iyo Sh/Dhexe ayaad joogtaa oo Muqdisho iyo halkaan wax ka xukumi jiray weli ma gaarin, sow sidaas ma aha†ayuu si carol eh iigu yiri, kolkaasaan ugu jawaabay:“ Jaalle Siyaad waa caynkaasâ€

 

“C/laahi I dhegeyso, si fiican dhegaha iigu fur†ayuu yiri intuu Labada gacmood si fiican kursigii uu ku fadhiyey ugu xejiyey. “Macalinkii Kacaankow waan ku maqlayaa†ayaan ugu jawaabay.

 

“ Ogow Soomaalidu ma jecla Xabashida, way adag tahay kuwaan lafahayga kala cararay in aad xukunto, waxaadse xukumeysaa marka aad Villa Soomaaliya gaarto, talada dadka wax uga ogolow, maxaa wacay iminka Laba kooxood ayaad tihiin, xoog waxba ma keeno, xeel adeegso, shisheeyaha iyo gaaladu wanaaga Soomaalida ma jecla, Rabbi ayaa garanaya tan guuleysaneysa kooxdaada iyo kuwa kaa soo horjeedaâ€

 

 

Qeybtii 2-aad

 

 

“Milateri lagama maarmo, mana haboona in dadka loo adeegsado, maxaa wacay Gen. Caydiid wuxuu raacay wadadii aan mari jiray, adigana waa iiga kaa muuqataa, aashaa, dowladnimada waxaa cudur u ah cadaalad darro iyo soo dhoweysi qaraabo oo lagu xukumo.â€

 

Kadinka ayuu Jaalle Siyaad ka baxay isagoo aan jawaab iga sugin, labada gacmood ayaan Labada dhaban saaray, “Yaab, waa yaab, waa yaab………â€

 

Anigoo weli yaaban ayaa waxaa ishaydu qabatay Kaneeco weyn oo gacanteyda midig saaran, weli micida iguma mudin, wayse diyaargaroobeysay “Ileyn meeshu waa Jawhar waa goob kaneeco looga waashay†waxaan soo xasuustay tix gabay ah oo uu Sayid Maxamed ka tiriyey dhulka dhoobeyda oo uu ku yiri:

 

“Nin dhintiyo nin dhoobey jiraa wax isma dhaamaane

Nin dhilmaayo uurka u gashay yaan dhimana nooleyne’

 

Kaneecadii kacantayda saarneyd ayaan dharbaaxo ku dhiftay, malaha waxay aheyd mid dad badan dhiig ka soo jaqday, way dillaacday oo dhiig ka soo fatahay, anigoo weli eegaya dhiigii Kaneecada ayaa Raysal Wasaare Geedi albaabka iiga soo galay oo igu yiri:

 

“Madaxweyne, qoladii Somaliland waxay ku soo durkeen magaalada Laascaanood, taarkan ayaa ka yimid ee akhri†waxaan milicsaday taarkii waxa ku qornaa, uma arag wax micno weyn ah, telefoon meel ii dhow yaalay ayaan gacanta ku haabtay, waxaan garaacay dhowr Lambar, dhegta ayaan saaray, wax yar ka dib waxaa ila hadlay Cismaan Xasan Cali (Caato}

 

- Hallow, Cismaan waa C/laahi

- Haye, Madaxweyne

- Waxaan doonayaa in aynu wada hadalno

- Waxba kama qabo Shariif Xasana waa ila joogaa

- Ok, bal marka hore Shariif-ka ii dhiib

- Madaxweyne, waa Shariifkii, Guddoomiyihii Baarlamaanka

- Guddoomiye, aniga iyo adiga waa la ina doortay, balse heshiis iyo wanaag adigaa diiday, bal tali maxaad dooneysaa?

- Madaxweyne, been ma aha in la ina doortay, dadkii aad dowladda u xulatay ayaa qaarkood kaa soo horjeedaan, oo waad ogtahay, khaladku dhinacaaguu ka yimid ee adigu tali

- Way fududahay xilka aanu u magacownay kuwa aad sheegayso in aanu ka qaadno oo kuwo kale oo wadaniyiin ah ku bedelno, laakiin ….

- Taasi micno sameyn mayso, waxa muranku ka taagan yahay horta ma garatay?

- Ii sheeg maxay rabaan?

- Waxay rabaan haddii aad u ogolaato mushkiladu way baxaysaa

- Shariifow maxay yihiin waxa ay rabaan?

- Ogolow in dadku wax kula maamulaan, ogolow in talada lagula wadaago, ogolow in dowladnimadu aysan hal dhinac oo isku xulufo ah aysan gacanta u gelin

- Waa gartay, nabadey.

 

Talefoonkii ayaan damiyey, waxaan soo xasuustay hadaladii Macalinka Kacaanka Soomaaliyeed ee ahaa “ war talada ha lagula wadaago, haddii kale………â€

 

Iyadoo riyadii halkaas ii mareyso ayaan dhinaca kale isu rogay, waxaa dhegahayga ku soo dhacay Adankii Salaada Subaxnimo, waan fariistay, waxaan dareemay haraad iyo daal oogadayda saameeyey, biyo ii dhowaa ayaan tiigsaday oo cabay, intaas ka dib daaqada ayaan marada ka qaaday si aan u hubiyo in waagii soo dhow yahay, mise meesha aan weli joogaa waa magaaladii Gaalkacyo.

 

Markuu waagu beryey, qoraxduna aysan soo bixin ayaa la ii keenay telefoon Mobil ah oo la igu yiri la hadal Maxamed Dheere, wuxuu ii sheegay in wax walba lagu diyaariyey magaalada Jawhar lana sugaayo imaashihiisa oo keliya, markuu telefoonkii ka baxay ayaan is weydiiyey sababta ay iila soo hadli waayeen Muuse Suudi, Cismaan Caato, Qanyare, Xaabsade, Xaaraan ku naax………..

 

Waxaan hoos isugula faqay maxaa had iyo goor Jini Boqor iyo Caasho Axmed C/lle kugu saliday, maxay doonayaan ayaan is weydiiyey.?

 

 

Qeybta 3-aad

 

 

Mowjaduha siyaasada marba dhan ayay u dilaamayeen, nin maanta kula jira ayaa beri kaa soo horjeeda, cadowgaaga ayaa saaxiibkaa noqonaya, nid kuu soo waramayey ayaa beri adiga ku jaajuusaya, nin aad xoolo siisay ayaa dabin kuu qoolaya.

 

Tani waa ka sii liidtaa siyaasad, ma jiro ruux ka fekeraya mustaqbalka dalka iyo dadka, qof walbaa wuxuu doonayaa lacag, Wasiir, Safiir, xaalufinta baddaha, mashaariic,……. Yaa Soomaali wax u qaybin kara.

 

Intaas markii ay maskaxdayda ka guuxday ayaan indhaha isku qabtay, oo nin daalan baa ahaaye dhinac u dhacay, habeenkaas waxaan riyo ku arkay arrin mucjiso ahe aan idiin bilaabee, dhigaha si fiican iigu fura.

 

Waxaan hadalkooda maqlayey oo meel ii dhow ku shirayey C/qaasim, Muuse Suudi, Cismaan Caato, Xaaraan ku naax, Gen. Galaal, Shariif Xasan, Xaabsade, Jini Boqor iyo dad kale oo badan.

 

Waxay iska waraysanayeen dhaqdhaqaaqa ay dowladdu ka wado magaalada Jawhar oo caasimad KMG ah, waxaa ugu horeeyey C/qaasim oo yiri “ C/laahi Yuusuf wuxuu doonayaa in Balcad iyo Afgooye magaalada Muqdisho ka fariisto, oo idinka dhigo sidii jiir god ku jira oo albaabka mukulaali ka fadhido, ma ogtihiin sidaas?, waa idinkii aniga ila dagaalamayey oo dowladaydii boqno gooyee maxaa idiin talo ah?â€

 

Muuse Suudi ayaa isaguna hadalka ku xigay oo wuxuu yiri “ Aryaara, waxa C/laahi wado Show waaye, ma ciidamo maha Puntland la yiraahdo uu ka soo ururshay aa xabsi na gelin kara, yaa yah, taasi caqli gal ma aha C/qaasimowâ€

 

Waxaa isaguna hadlay Cismaan Caato oo wuxuu yiri “Muusow, C/laahi waxaa la socda rag ay ka mid yihiin Maxamed Dheere, Geedi, Xuseen Caydiid iyo rag kale, sida ay inaga inoola socdaan Gen. Moorgan, Jaamac Cali Jaamac, Jini Boqor, Caasho Axmed Cabdalle iyo qaar kaloo badan, marka ogow oo siyaasadu waa is kooxeysi, talana waa loo baahan yahayâ€

 

 

Qanyare oo hadalka sugi la ayaa isagoo qiireysan wuxuu yiri “Minay doonayaan in ay qabsadaan Baydhabo, Bakool, Hiiraan, Jubbadda Dhexe, Jubbada Hoose, iyo Shabeelada Hoose, yaa inoo diiday in aynu kaga hor marno oo inagu qabsano?â€

 

 

Sheekh Yuusuf Indhacadde, oo kulanka ku soo gaaray hadalkii Cismaan Caato, ayaa soo jeediyey fikrad ka duwan kuwii horay looga hadlay, wuxuuna yiri: “haddii aynu ka cabsaneyno C/laahi Yuusuf in uu noogu yimaado, iminkaba aynu is dhiibno, haddii kale dagaal ha looga hortago, wax kale meesha ma yaaliine.â€

 

Waa la qoslay dhamaan raggii meesha fadhiyey, xoogaa daqiiqado ah waxaa ka dhex bilowday buuq iyo muran aan fahmi waayey waxa uu ku saleysan yahay, maadaama ay mar wada hadlayeen iyagoo kor u qaylinaya, haseyeeshee Shariif Xasan ayaa codsaday in buuqa la joojiyo, wuxuuna hadalkii siiyey Gen. Galaal oo ugu qaylo dheeraa wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay:

 

“Dagaal waynu naqaanaa 15 sano ayeynu ku soo jirnay, inagu bilaabi mayno, laakiin haddii ay soo hunguriyeeyaan magaalo ama gobol aynu haysano, waa la dagaalameynaa, ciidan inagu filan waynu haysanaa, hub iyo saanadina waa inoo buuxaan, waxa keliya oo ay inagaga adkaan karaan waa haddii ay helaan, Taangiyo, diyaarado iyo maraakiib dagaal, laakiin maleeshiyo mid kale laga hor geeyey waxaa adkaanaya mida xaqa ku socota, waana inagee horta taa ogaada.â€

 

Gen. Galaal markuu intaas sheegay ayuu kabaday koob shaah ah oo hortiisa yaalay, hadalkiisii ayuu sii watay “Xaabsade magaalada Baydhabo ayaynu ku ilaalineynaa, Sheekh Yuusuf Indhacadde Shabeelada Hoose, Sheekh Xasan Daahir Aweys gobolada Dhexe, Gen. Mooran iyo Goobaale Jubbada Hoose ku filan….., waryaaraheen C/laahi haddii uu Jawhar yimaado yaan cudur loo arkin, waayo waxaa jooga kooxihii isaga taagersanaa, naguma soo duuli karo, sababtoo ah haddii dagaal dhaco dowladda uu madaxweynaha ka yahay waa ay burburaysaa, horaa loo yiri nin guri muraayad ah degani dhagax ma tuuroâ€

 

 

Qeybta 4-aad

 

 

Muuse Suudi oo aad caro uga muuqato ayaa hadalkii ku soo laabtay, waxaana afkiisa ka soo baxayey erayo kul kulul oo ay ka mid ahaayeen “Minow C/laahi Balcad soo weeraro, Jawhar aan ku weerareynaa, minow madfac soo gamana madfac aan ku gameynaa, minnow Zuu iyo 37 soo ridana, Zuu iyo 37 aan ku rideynaa, minow Baasuuke iyo Dabamiishaar adeegsadana waa u adeegsaneynaa wax la mid ah, minnow Faal soo qaatana Faal aan u qaadaneynaa, minnow Itoobiya soo kaxaystana Erateriyaan soo kaxaysanaynaa, minuu taageerayaasheena laayana kuwiisaan laynaynaa, minnow wanaag la yimaadana wanaag aan ku qaabileynaa, hadal badan xow taraa.â€

 

Qosol ayay weecda noqdeen raggii oo dhami markii Muuse Suudi hadaladaas ay ka soo yeereen, xataa anigu waxaan afka saaray labada sacab si aysan u maqlin qosolkayga.

Iyadu kulanku halkaas marayo ayaa waxaa ii yimid Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Federaalka ah wuxuuna ii sheegay in Qaramada Midoobay (QM) ay dib u dhigtay codsigii dowladda ee ahaa in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado, khabarkaase kuma farxin, waayo qorshihii iyo sidii aan wax isu saaray dhaawac weyn ayaa soo gaaray, wuxuu kaloo intaas Wasiirku iigu laray in magaalada Muqdisho lagu diyaarinayo xooggag la dagaalama kuwa dowladda, loona kala jiheeyey gobolada Bay, Jubbadda Hoose iyo meelo kale.

 

Wasiirku wuxuu iga codsaday in xiligan aysan habooneyn in loo guuro magaalada Jawhar maadaama aysan dalka imaaneyn, wuxuuna talo ku bixiyey in dowladdu xoogga saarto magaalada Baydhabo sidii xukuumada loo geyn lahaa, walow ay aheyd talo wanaagsan misana waxaa ii muuqday Maxamed Dheere oo carooday mar haddii laga weeciyo magaalada Jawhar caasimada KMG ah oo ay horay isu siisay. “Bal waynu ka fekernaa arrintaas ayaan ugu jawaabayâ€

 

Markii aan ka soo kacay halkii aan fadhiyey, waxaan albaabka kula kulmay weriye rikooro ku gadaaman oo doonaya in uu war urursado, dhowr su’aalood ayuu deg deg ii weydiiyey anigoo socodkaygii sii wata, wuxuuna ugu horeyntii I su’aalay

 

 

Weriye: Madaxweyne maxaad magaalada Gaalkacyo iyo Puntland u joogtaa oo u tegi weyday magaalada Jawhar oo maamulkaagu caasimad KMG u doortay ?

Madaxweyne: Adeer wadanka Soomaaliya waa isku mid, meeshaan doono ayaan tegi karaa oo ku shaqeyn karaa, dhowaan Jowhar iyo magaalooyin kale oo badan waan tegayaa

Weriye: Madaxweyne waxaa la sheegayaa in aad halkan u joogto abaabul ciidamo iyo urursi hub, si aad u qabsatid magaalada Baydhabo iyo meelo kale, taas maxaad ka oraneysaa?

Madaxweyne: Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo dhan ayaa laga qorayaa, Puntlandna Soomaaliya ayay ka mid tahay, laakiin dowladdu ciddna weerari mayso.

Weriye: Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno kale oo Lada Gole ka tirsan waxay doonayaan in caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho ay dowladdu ku shaqeyso, maxaad ku diideen idinku?

Madaxweyne: Adeer Muqdisho lama diidana in ay tahay caasimadii Soomaaliya, laakiin adiga ayaan ku weydiinayaaye xiligan haddii Muqdisho lagu yiraahdo tag ma ku nabad heleysaa? Sow lagu dili mayo, lagu dhici mayo laguna afduubi mayo, oo lacag madax furasho ah lagaa qaadi mayo? Adeer meel sidaas ah dowlad ma lagu maamuli karaa ilaa wax laga qabto.

Weriye: Madaxweyne, adiga iyo Raysalwasaarahaaga waxaa la idinku xantaa in aad dowladda Itoobiya xiriir dhow la leedihiin, maxaa ka jira arrintaas?

Madaxweyne: Ah, Ah, Ah, dowladda Itoobiya waa wadan deris inala ah, nimanka iminka ka taliyana wax colaad ahi nama dhex taal.

Weriye: Haddii aad iminka Laba garab tihiin, maxay tahay rajada aad ka qabto in dowladdu ay dalka sii maamusho amaba ka sii jirto?

Madaxweyne: Dowladda iyo shacabka badidood waxay raali ka yihiin in qaranimadii la soo celiyo, dhowr nin oo danno gaar ah leh oo la yaqaan, waxaa ka badan inta samaha dooneysa, waana guuleysaneynaa dowladduna waa hirgeleysaa.

 

Markuu weriyihii intaas I weydiiyey ayuu iga tegay, socodkii aan ku jiray ayaan joojiyey oo istaagay, waxaan is weydiiyey waxa dadka ka dhaadhiciyey in aan Itoobiya xiriir dhow la leeyahay, waxay igu noqotay arrin aanan jawaab u haynin.

 

Anigoo weli taagan meeshii aan istaagay ayaa waxaa ii yimid nin sarkaal sare ah oo ka tirsan ciidamada Qaranka una qaabilsanaa hawgelinta dagaalka, wuxuu ii sheegay in xerada Abqaale oo ku taal meel u dhow magaalada Gaalkacyo ay diyaar ku yihiin ciidamadii Qaranka loo tababaray, ayna diyaar u yihiin in la geeyo meel walba oo dowladdu u dirto.

 

Aniga qudheyda igama maqneyn in ciidankaas la hawl geliyo, waxaa xusuustayda ku soo dhacday in aan horay ugu guuleystay ciidamo aan halkaas ku diyaariyey in ay qabtaan magaalada Boosaaso ee Badda Cas ku taal, waan xusuustaa duulaankii habeysnaa ee aan Garoowe iyo Boosaaso kaga saaray Col. Jaamac Cali Jaamac oo isagu is tusay in uu faro maroorsado maamulka Puntland, anigana meel cidlo ah I dhigo.

 

Waxaan ahaa nin iska eegayey C/qaasim Salaad Xasan iyo kooxdii Carta iyo weliba dad shisheeye ah, haseyeeshee, marna ma aan fileyn goboladii aad amaamudatay ee Puntland ayaa ruux sokeeye ahi kugu soo damaacinayaa, wayse dhacday, waxaase niyadayda soo celiey ciidamadii Abqaale oo mahadi ha ka gaartee ku guuleystay dib isu soo celintii Puntland oo sanad ku dhowaad baylah aheyd.

 

Masaafada ay ciidamadaasi gaareen waxay aheyd 750 Km oo magaalada Boosaaso ah, Muqdishana waxay u jirtaa 750 KM, waa isku mid, khasaaruhu waagaas wuu yaraa, waxaana qabaa in ciidanka Abqaale dareen Soomaalinimo ay huwan yihiin, waxaan kaloo rumeysnahay in ciidankaasi jid dheer sugayo, in dagaal badan lagu qaadi doono, in khasaare badani soo gaari doono, waxaanse niyada ku hayaa in ciidanka Qaranku guuleysan doono.

 

Hamigaas dheer ka dib, ayaan Sarkaalkii u soo jeensaday oo ku iri “ogow ciidanka caawa saqde dhexe ayaa la rarayaa, iyagoo kolonyo ah ayay sii mari doonaan wadada feer feer ee Itoobiya dhex marta, halkaas waxaa ka raaci doona Hal Guuto ciidan ah oo gobolka Hiiraan laga diyaariyey.

Laba maalmood ayay magaalada Feer Feer joogi doonaan waxay u sii gudbi doonaan

 

 

Qeybta 5-aad

 

 

waxaa halkaas kaga biiri doona Laba Guuto oo ciidamadii RRA-da ah iyo Hal Guuto oo ciidamo gobolka Gedo laga keenaya. “

 

Intaas markii aan iri ayaan cabaar aamusay oo usha dhulka ku garaacay, waxaan garowsaday in dhamaan ciidamadaasi diyaar u yihiin waajibka horyaal in ay gutaan, meesha ugu horeysa ee ay beegsanayaan waa magaalada Baydhabo, waxay ku amran yihiin in ay nolol ama geeri ku keenaan Xaabsade iyo ciddii soo raacda Sarkaalkii oo si fiican hadaladeyda u dhegeysanaya ayaan ku iri “Intaas ma garatay†wuxuuna iigu jawaabay “Madaxweyne si fiican ayaan u gartay ee arrintaas ma kula ogyihiin Wasiirka Gaashaan Dhiga iyo Abaaduulaha ciidanka Qaranku

 

Wejigiisa ayaan si fiican u fiiriyey oo indhah ku gubay si caro ka muuqato “ Doqon ayaad tahay su’aal badani ma fiicna ee amarka aan ku siiyey raac†anigoo carysan ayaan sidaas ugu jawaabay, waxaan gacanta ka saaray telefoonka nooca Satalaydhka ah (Turaya) waxaan ku amray in uu xili walba u furaado, waxaan kaloo siiyey telefoonkii uu igala soo xiriiri lahaa, wuxuuna iga hor dhaqaaqay isagoo ilko caddeynaya.

 

Cabaar ka dib waxaan u tegay xafiis ay fadhiyeen tiro ka tirsan Xubnaha dowladda, waxaana telefoon ii dhiibay Wasiirka Gaashaandhiga wuxuuna igu yiri la hadal ninkan.

 

Telefoonkii ayaan ka qaaday waxaana saaray dhegta, waxa aan weydiiyey ruuxa hadlaya ninka uu yahay, wuxuu igu yiri

- waa Cismaan Caato

- haye Cismaan

- Madaxweyne dhibaato ma jirto, magaalada Muqdisho waa caadi, xubnihii dowladda ee nala joogay way shaqeynayaan

- Intaas waan ogahay, sow weli xumaantii kama shaqeyneysid, wax miyaa iska kaa bedelay?

- Anigu fikradaas Madaxweyne ma qabo

- Haye, bal sheeg waxa aad rumeysan tahay?

- Madaxweyne, aynu si fiican u wada hadalno

 

Cabaar ayaan aamusay, waxaan u sheegay haddii uu wax ka bedelayo sidii aan ku ogaa in uu la xiriiro Raysal Wasaare Geedi.

 

Markaas ka dib waxaan fariistay kursigii la ii diyaariyey waxaana la hadlay xubnihii dowladda ee aan horay ugu imid, waxaan u sheegay in dowladdu ka kooban tahay Sagaashan Wasiir, taasi in ay tahay tiro aad u badan marka la eego dowladdaha adduunka.

 

“Ujeedadda sidaas loo yeelay waad garaneysaan, waa in la soo celiyo Qaranimadii Soomaaliya, haseyeeshee, qaar idinka idinka mid ah ayaa taas garan la’ waadna ogtihiin xumaanta ay ka shaqeynayaan, hawl adag ayaa nah or taal, waxaa loo baahan yahay in wadanka iyo Qaranimada Soomaaliya aad u aragtaan waajib ina saaranâ€

 

Iintaas goortaan iri madaxa ayay wada ruxeen, waxayna ii muujiyeen in ay raali ka yihiin hadalada aan u jeedinayo, anigana way I farxad gelisay adeecida Wasiiradda Dowladeyda.

 

 

Habeen ka mid Riyadayda iyo Tirada Hubka Muqdisho Yaal

 

Xoghayaha gaarka ii ah ayaa isagoo ilka caddeynaya, gacantana ku sita Joornaal wuxuu iigu soo galay xafiiskii aan fadhiyey, “Madaxweyne waa wargeyskii Shacab, ee magaalada Garoowe ka soo bixi jiray, wuxuu wax ka qoray hubka yaal magaalada Muqdisho iyo sida loo kala haysto..â€

 

Markuu intaas yiri ayaan si halhaleel ah Wargeyskii oo miiska ii saaran uga dul qaaday oo baalashiisa kala bixiyey, waxaa ku qornaa dhowr qormo oo xiiso badan, haseyeeshee waxaan danaynayey qodobka la ii tilmaamay, waxaana cinwaankiisu ahaa “Tirada iyo noocyada hubka Muqdishoâ€, wuxuuna wargeysku qoraalkiisa ku bilaabay sidan:

 

Sidaa awgeed, waxaa la rumeysan yahay Col. Guray in uu dhiibay tirade hubka iyo nooca ay kala yihiin ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda, balse kuma jiraan hubka Sh/hoose, Kismaayo iyo Gaalkacyo ee ku xusan liiskan.

 

Taas ayaa waxaa loo aaneynayaa in sababta dilkiisii Col. Gurey ahayd mid la xiriirta warbixintan oo qeexaysa sida look ala haysto hubka Beel Beel, Jifi, Jifi iyo weliba shakhsiyaad, waxayna guud ahaan u qoran yihiin sidan:-

 

 

La soco qeybaha dambe

 

 

Waxaa qoray W.Q. Maxamed Saciid Cumar “Kashawiitoâ€

 

 

dayniilecom @hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

especially ppl like Gen duke whom many would percieve him to be the nomads informal ambasador for the somali TFG Jowhar function.

I like the honour that you so kindly have bestowed upon my humble self. However why waste the whole page with nonsence individual opinion, speciallyone from dayniile.com??

 

The joke of the day is all the so called warlords who are full of anger yet have been impotent to do anything. They rant and rave, they talk of splits, of factions and not functions. They talk of "Amxaro" while avoiding at all cost their own evil. Like I have always said and backed up with proof, the government is working, it is in Jowhar, it has the support of majority of the people.

 

Who is daydreaming, the men of raodblcoks, the ones who pay their millitias in Qad. The ones who have made the beautiful capital into a third rate slum? Or the government elected and supported by the world??????????????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this