Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Fighting rages

Recommended Posts

Muqdisho oo ay dagaaladii kasii socdaan

Tuesday, December 30th, 2008 at 12:41 pm

Horseed Media

Muqdisho, Somalia

 

Waxaa maanta oo Talaada ah ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalo horleh oo ay dad badan ku dhinteen ayadoo ay weeraro iyo duqeynmo ay qaadeen kooxaha ka dagaalamada Muqdisho ay bartilmaameed uga dhigteen xarumaha Ciidamada DFKMG iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Weerarada xoogooda ayaa ka dhacay Isgosyka KM4 goobtaasi oo ah meel isku xirta wadooyinka ugu muhiimsan ee aada xarumaha Dowlada iyo Airporka Muqdisho.

 

Sida laga soo xiganayo goobaha caafimaadka waxaa ku dhintay dagaaladii ugu danbeeyey ee saaka Muqdisho ka dhacay dad gaaraya 15 ruux ayadoo ay jireen dad badan oo rayid ah oo ku dhintay goob meherad ah oo uu ku dhacay Madfac.

 

Kooxda Al Shabaab oo sheegatay weeraradii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxay sidan oo kale maalinimadii shalay weeraro uga geysteen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

Shir jaraa’iid oo uu maanta Qabtay Afhayeenka Al shabaab Abu Mansuur ayaa sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan, asagoo ku hanjabay inay tilaabooyin ka qaadi doonaan kooxaha kasoo horjeeda.

 

Afhayeenka ayaa sidoo kale digniin u diray Culumaa’ udiin ku sugan magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay wadaa Wacdi iyo maxaadarooyin ka dhan ah Jihaadka ay kooxda Al Shabaab ku jirto waa sida uu hadalka u dhigayee.

 

Kooxda Al Shabaab ayaa u muuqata mid sii wada dagaaladeeda xili uu khilaaf xoogleh soo kala dhexgalay Dowlada Soomaaliya, isla markaana uu maalinimadii shalay xilka iska casilay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Ahmed.

 

Waxay kooxdan sheegtay in ay sidoo kale weeraradooda sii wadi doonaan xataa hadii ay baxaan Ciidamada Itoobiya, Abu Mansuur ayaa sheegay in magaalada Guriceel oo dhawaan laga qabsaday kooxdaasi ay dib u soo ceshan doonaan.

 

Al Shabaab ayaa horey u qaadacday heshiiskii Jabuuti ee khilaafka weyn ka dhex dhaliyey Dowlada Federaalka, ayadoo sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin waan waan iyo wadahadal siyaasadeed oo ay la galaan dhinacyada ay iska soo horjeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I know you u will claim u are just reporting news but come since yesterday the the content of what you report has shifted dramaticly, from 'Mogadhishu safe and secure' to to 'Mogadishu is burning'

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Since yesterday the only hope for security has gone. We are back to clan militias and Ahlu Clan Vs Al Shabaab. Adeer you are right this is news reporting dont get angry and keep the resistance going.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo iyo duqeymo gaystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Muqdisho.

 

Muqdisho,(WNT):-Dagaalo iyo duqeymo xoogan ayaa Maanta ka dhacay degmada hodon ee Magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

 

 

Tiro madaafiic ah oo ay is dhaafsanayeen dhinacyada dagaalada ayaa ku soo dhacayay intii uu dagaalku socday meelo ka baxsan halka dagaalku ka dhacayay.

 

 

 

Waxaa la sheegay in madfac ku dhacay degmada Howlwadaag ay ku geeriyoodeen in ka badan 5-ruux kadib markii uu ku dhacay goob maqaayad ah oo dad badan ka cunteynayeen.

 

 

 

 

Sidoo kalena waxaa jiray dhaawacyo soo gaaray tiro intaasi ka badan inkasta oo aan cadad rasmi ah la helin.

 

 

 

Xaalada ayaa haatan ah mid dagan inkasta oo xiliyada qaar goobihii dagaaladu ka dhaceen laga maqlayo rasaas teel teel ah.

 

 

 

Si kastaba dagaalka Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa qeyb ka ah dagaalada mudada laba sano ah ka dhacaya muqdisho kaasi oo ay qaadayaan kooxaha ka soo horjeeda ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

It's not "really" resistance(jihad) when Bililiqo&Co are duking it out. It's simply "enhanced" mo'oryaanimo.

 

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Don't side track the question sxb. i ask again how come the content of what the 'news' u rely onto has changed dramaticly cause as far as i am aware the situation on the ground remains the same as it was a week ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nothing has changed adeer and you got a clear answer. The hope for Somalia was a multi clan government, that has gone. This Ahlu Clan nonsnece and the fake resistance will only hurt those who never wanted a multi clan governemnt.

 

So keep up the resistance or change your name to Ahlu Clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo saakay ka dhacay Muqdisho

30. December 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa saakay lala beegsaday qarax nooca meelaha fog laga hago, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii goobta ku sugnaa iyo ciidamadii lala bartilmaameedsaday.

 

Qaraxan oo ka dhacay Agagaarka Isoyska Ceel Gaabta ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu ahaa mid lala doonayey in lagu qarxiyo ciidamo Booliska Dowladda KMG ka tirsan oo halkaasi marayey, balse xiligaasi uu ka ag dhawaa gaari Bas ah oo waday dad rakaab ah, iyadoo wararka laga helayo halkaasina ay sheegayaan in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dadkii halkaasi joogay iyo Askartii.

 

Hal qof oo rayid ah ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaasi, qofkaasi oo saarnaa gaariga baska ee meesha marayey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Labo ka tirsan Askarta, inkastoo laga yaabo in khasaaraha uu intaasi ka sii badan karo.

 

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ay noqotay meel buuq badan, waxaana daqiiqado kadib yimid ciidamo Boolis kale ah halkaasi oo mudo ku dhow saacad ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana jirta in markii uu qaraxa dhacay kadib ay ciidamadu rasaas ay fureen sidoo kale laga yaabo iney geysatay khasaare.

 

Dhanka kale waxaa saakay degan goobihii shalay ay dagaalada ka dhaceen ee madaafiicda la isku adeegsaday, waxaana jawiga guud ee Muqdisho uu saakay yahay mid deganaan laga dareemayo.

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

17 people killed in Somalia attacks

30 Dec 30, 2008 - 8:11:22 AM

 

MOGADISHU, Somalia Dec 30 (Garowe Online) - At least 17 people were killed Tuesday in Somalia in guerrilla attacks attributed to the country's Islamist rebels, Radio Garowe reports.

 

Most of the people died in Mogadishu' s Bakara Market, where seven civilians were killed when a shell slammed into a crowded restaurant, witnesses said.

 

Three civilians died at a house hit by a mortar in Waberi district, including a young girl.

 

 

The battles started after the Islamist rebel group, Al Shabaab, initiated an organized attack on Somali policemen on patrol, who were quickly aided by Ethiopian troops.

 

The fighting and subsequent bombardment lasted for one hour.

 

Separately, a bomb explosion in Hamarweyne district killed at least three people including two Somali police officers.

 

Witnesses said a roadside bomb targeted the police vehicle as it drove, with emerging reports telling Radio Garowe that four other people were wounded in that explosion.

 

More than 35 wounded people have been admitted into Medina and Daynile hospitals, medical sources said.

 

Somalia has been wracked by civil war and foreign occupation since 1991, when the country's last effective national government was overthrown and the Horn of Africa country plunged into chaos.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this