Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Breaking news (Maatadii Muqdisho OO Gumaadkii dib loogu Celiyay)

Recommended Posts

War deg deg ah Labadii qole ee isku haayey deegaanka Sii Sii oo hub ka kala helay Eratareya iyo Itoobiya oo bilaabay maata leyskoodii ( dagaal xoogan oo ka qarxay SiiSii)

Muqdisho

 

 

 

 

Dagaal aan loo meel dayeynin ayaa xiligaan ka socda deegaanka Sii Sii kaasoo u dhaxeeyo labada kooxood ee isku haayo gacan ku heenta magaalada Muqdisho kuwaas oo 16sano ka dib shacabka Muqdisho biday in ay qaxaan iyagoon ka nasan kuwii hore.

 

Aqliga Hawiya ayaa moodaa in uu ka duwan yahay Soomaalida inteeda kale maxaa yeelay waa kuwa aan marnaba u fikirin dhican hor marka dalkooda iyo dadkooda taasoo keentay shaqsiga ****** in uusan qof la kaftami karin.

 

Labada kooxood oo maal mahaan ha kiyey dagaalkoodii ayaa sida wararka sheegayo waxey hub ka kala heleen wadamada Itoobiya iyo Eratareeya taasoo keenatay ay bilabaan dagaalkoodii ahaa maata leyska

 

Dagaalka ayaa xoogeystay xiligaan iyadoona rasaasta dhaceyso laga joogi la yahay daafaha magaalada Muqdisho

 

 

Labada kooxood ee ku andacoonaya in ay Bulshada ay badbadinayaan ayaa waxaa loo arkaa kuwa ah maata leys aan u nuxin umadiisa

 

Dagaalka bilaawday 18 Febaraayo 2006 ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 1000 qof iyadoona tiro intaa kabadana ay ku dhawaacmeen . mana jirta cid sheegan karto in ay wax ka faaiday dagaaladaasi

 

Cabdi Xasan Gacal

 

gacal_2006@hotmail.com

 

 

Ku noqo beejka

 

 

 

 

dayniilecom @hotmail.com

 

(Breaking News) Dagaal aad u Kharaar oo la isu Adeegsaday Hubka Noocyaadiisa kala Duwan ayaa Dib uga Biloowday Maanta Duhurkii Degaanka Sii Sii ee Magaalada Muqdisho, Waxaana Gabi ahaanba Bur Burtay Waan Waantii Nabadeed ee ay wadeen Gudiga Nabadaynta Beesha Mudulood

Posted to the Web May 24, 06:18

 

 

Dagaal aad u Kharaar oo la isu Adeegsaday Hubka Noocyaadiisa kala Duwan ayaa Dib uga Biloowday Degaanka Sii Sii ee Magaalada Muqdisho, Waxaana Gabi ahaanba Bur Burtay Waan Waantii Nabadeed ee ay wadeen Gudiga Nabadaynta Beesha Mudulood.

 

 

Dagaalkaan oo ah isagu mid ayaamahaan laga nastay, ayaa la sheegay in ay weerarkiisa lahaayeen Maleeshiyaadka Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo iyagu Hub iyo Saanad Cusubi ay soo Gaartay oo weerar Gaadmo ah ku qaaday Maxkamadaha Islaamiga.

 

 

Waxaana lagu Soo Waramayaa in Xaafadu ay Markale Qiix iyo Sawaxanka Rasaasta Hubka Waawayn ka dhaca ay ku habsatay, iyada oo shacabkii deganaa Xaafadaasi ay markale dib uga qaxeen guryahoodii.

 

 

Bashiir Raage, Maxamed Dheere iyo Muuse Suusi oo isku dhinac ah ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaalkaan wadajir uga wada qayb qaateen, iyaga oo la dagaalamaya Abuukar Cumar Cadaani oo isagu Garab ka helaya Maxkamadaha Islaamiga.

 

 

Dhinaca kale waxaa wali is horfadhiya Ciidamadii Cabdi Qaybdiid iyo kuwii Indhacade oo wali kuwada sugan wadada isku xirta afgooye iyo Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa in dhinacaasna uu dagaalku ka biloowda.

 

 

Idamaale News

 

 

Diryanka Madaafiicda, hoobiyaha iyo lidka diyaaradaha ayaa mar qura is wada qabsaday. Rasaas aan loo aabayeelin oo laga ridayo qoryaha darandooriga u dhaceysana waa lays weydaarsanayaa, agagaarka SiiSii oo ah meeshii uu horey uga dhacay

Dagaal si weyn loogu hoobtay oo ay ku dhinteen in ka badan 200 shacab u badan uu ku dhax maray midowga maxaakiimta Islaamka iyo Isbaheysiga dhawaan la dhisay ee la dagaalanka waxa loogu yeeray argagaxisada iyo soo celinta nabada.

ilaa iyo haatan macadda qasaaraha dagaalkan oo bilaawday abaarihii 9:30pm fiidnimo ee caawa, hase yeeshee waxaa la dareemayaa in madaafiicdaas ay gaareyso xaafado ka fog fog goobaha dagaalka, ayna shacabka naxdin weyn ku abuurantay oo ay u sara joogaan sidii ay uga baxsan lahaayeen kubadaha holcaaya ee ay ku liishaamayaan kooxaha dagaalamaya.

wixii ku soo kordha dagaalkan waxaad kala soconeysaan wararkeena dambe insha Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this