Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Heavy Clan clashes erupt near Galkacyo+casualties

Recommended Posts

Dagaal Beeleed Ka Dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo

November 29, 20100 comments| leave your own! Share

 

Dagaal beeleed sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Wararka ayaa sheegaaya in dagaalka uu u dhaxeeyey kooxo xoolo dhaqato ah oo ka kala soo jeeda Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo,waxaana ku dhintey dhinacyadii dagaalamayay.

 

Ugu yaraan 8-qof ayaa lasoo sheegaaya in ay ku dhinteen dagaalkaas iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.’

 

Xaaladda maanta ay dagaaladu ka dhaceen ayaa lasoo sheegaaya in ay degan tahay,waxaana aan la ogeyn dagaalkaan wuxuu salka ku hayo.

 

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan maamulada Puntland ee gobolka Mudug iyo Galmudug oo ka hadlay dagaalkaan soo cusboonaaday xilli ay socdeen dadaalo lagu heshisinaayo labada dhinac oo dhowaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:Dagaalo Khasaaro geystay oo ka dhacay Caduunka Mudug…(Warbixin).

29. november 2010

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Maanta Aroornimadii ilaa Duhurnimadii maanta ay Dagaalo Culus oo saacado badan socday dhexmareen Malayshiyo Beeleedyo kasoo kalajeeda Dhinacyada Waqooyiga & Koonfurta Magaalada gaalkacyo,Waxaana ay Dagaaladan saaka Waaberigii ka qarxeen Miyiga Gaalkacyo gaar ahaan Deegaanada Caduunka ah.

 

Dagaaladan ayaa saaka ka bilowday meel aanan waxbadan ujirin Deegaanka Xarodhaban oo ku dhawaad 70-Km u jirta Beesha Bali Busle oo katirsan Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug,waxaana uu Dagaalkani yimid kadib markii Malayshiyo hubaysani ay weerareen Dad shacab ah oo Aagagaas degen.

 

Wararka laga helayo Deegaanada lagu dagaalamay ayaa kusoo waramaya in Ciidamo uu si gaar ah u tababarto Nin Asal ahaan Yuhuudi ahi oo ku xaraysan Deegaanka Afbarwaaqo ee Koonfurta Mudug ay Dagaalkan ka qeybqaataan islamarkaasna Hub & Saad Ciidan oo uu leeyahay ninkani ay maanta kamid ahaayeen Kooxdii Weerarkan qaaday.

 

Waxaa jira Dhaawacyada ugu yaraan 8Ruux & Dhimasho ku dhawaad 5-Ruuux Ayaa la geeyey Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo,Sidoo kalena waxaa Beesha Bali-Busle la geeyey Dhaawaca 6-Ruux & Dhimashada 3-Ruux oo kale oo kamid ahaa Dadkii Weerarkii saaka lagu soo qaaday oo Isdifaacid balaaran sameeyey,Waxaana jira Gurmadyo kaladuwan oo ka yimid dhinacyada kaladuwan oo si xawli ah halkaas u gaarayey saacadihii lasoo dhaafay kuwaas oo Dagaalada uga sii daray islamarkaasna waxaa jirta Khasaaro intaas kabadan oo Weli aanan Tirokoob Rasmi ah lagu samaynin.

 

Maamulada Puntland & Galmudug ayaanan wax war ah kasoo saarin Dagaaladan oo yimid xili Todobaadkii u danbeeyey gobolka xaaladiisu ay u ekeyd mid caadi kusoo laabanaysa kadib markii ay horey Dhiilo Colaadeedi uga jirta Dhinacyada Gaalkacyo,Waxaana Labadii cisho ee lasoo dhaafay lagu kala dareeray Kulamo ay Odayaasha labada dhinac uga arin san lahaayeen Xaalada gobolka oo kasii daraysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this