Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ra'iisul wasaare Farmaajo oo Doonayo wada hadal uu la galo Mucaaradka

Recommended Posts

Mogadishu Monday 08 November 2010 SMC

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia Maxmaed C/llaahi Maxamed (Famaajo) ayaa ogolaaday in albaabbad hadalka loo furo kooxaha DFKMG ah kasoo horjeeda, kaddib kulan uu xafiiskiisa kula qaatay guddiga dib u heshiisiinta Qaran ee Somalia.

 

Guddoomiyaha guddigan Ismaaciil Macallin Muuse oo saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Ra'iisul waasaruhu uu aqbalay in dib u heshiisiinta lasii wado lagana dhigo mid gaarta meelo badan oo aanay horayu gaarin.

 

"Waxaan ka codsannay ra'iisul wasaaraha, inuu ogolaado in dib u heshiisiinta loo bandhigo dhammaan dhinacyada kasoo horjeeda dowladda iyo kuwa aan kasoo horjeedin, wuuna naga ogolaaday" ayuu yiri Ismaaciil oo intaas ku daray inay sii wadi doonaan howlahan.

 

Mr. Ismaaciil, wuxuu sheegay in Ra'iisul wasaaruhu uu ballanqaaday inuu xoogga saari doono howlaha dib u heshiisiinta ee dalka, uuna la hadli doono kooxaha uu dagaalka kala dhexeeyo iyo aanu dagaalku kala dhexeyn.

 

"Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay xoogga saari doontaa, howlaha dib u heshiisiinta iyo ammaanka, waana iga go'an tahay inaan qayb ka qaato nabadeynta dalkeyga" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Somalia oo saxaafadda la hadlay markii la dhaariyay.

 

Xoogagga hubeysan, ayaa horay u sheegay inaysan wax wadahadal ah la furayn DFKMG ah, inta ay dalka ku sugan yihiin ciidammada AMISOM oo difaaca dowladda Somalia, oo ay horay u sheegeen inay xukunka ka tuurayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mucaraadku wa alshabaab alshabaab na way sheegeen wada hadal weynu galayna marka la saaro gaaladan mad madow.

abow waxaad ku qaldeysa xisbul islaam, al shabaab niman fikrad fog haysta waaye sxb qofkii iyaga ka tirsanayan waa ''murtaddiin''

Share this post


Link to post
Share on other sites

sxb walahi ineysan yeeleynin wadahadal sxb niman somalinimo aaminsan maba aha sxb, aniga sxb 1.5 yrs ago ayaan kaso tagay walahi waxey ii dhahen 10 maalmahod gudahiis ku biir mujaahidinta ama adaa lagugu jihaada..

 

Dowladda amrkasta ay leedahay wadahadal aan la galeyna shabaab iyaga diiday, xisbiga mowqif dhow kuwaas kursi bes ay uu dagaalamayan kuwan laakin caqiido ay uu dagaalamahoyan

Share this post


Link to post
Share on other sites

haday gaaladan afrikaanku ay ka baxaan somaliya walahi waxyaalo badan ba hagaagaya sidan qabo , fidmadan waxa wadda amisom halaga takhaluso

 

waan ogahay qolada shabaab wa xagjir oo siyasad somali kuma shaqeyaan oo wa international. sheekadoodu laakin hada alshabaab la inqlaabo oo la somaliyeyo ba fiicnaan lahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

haday gaaladan afrikaanku ay ka baxaan somaliya walahi waxyaalo badan ba hagaagaya sidan qabo , fidmadan waxa wadda amisom halaga takhaluso

 

waan ogahay qolada shabaab wa xagjir oo siyasad somali kuma shaqeyaan oo wa international. sheekadoodu laakin hada alshabaab la inqlaabo oo la somaliyeyo ba fiicnaan lahayd.

sxb Amisom la'aanteeda socon meyso qorsho ayaa lo baahan yahay ciidan qaran xoog leh mrkii la so dhiso ayeey baxaayan, fitnada ay wadaan waa maxay.

 

 

shabaab wad aragtay wadaadii ahlú sunnah wal jameecah oo diinta soo gaarsiiyeen wadankeena oo qarniyaal kahor dhintay ayeey meydadkooda so faageen ay hadana gaaleeysiiyeen.. Mowliid,xus iyo salaatul leyla iyo waxyalo badan ay mamnuucen kulaha bidco inkaar idinku dhacday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

What he wants and what is possible under the circumstance are two different things. Shabaab are beyond the pale of negotiations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this