Sign in to follow this  
General Duke

defeated in Mogadishu terror groups seek hideout in KISMAYU

Recommended Posts

Hoggaamiye yaal argagixiso oo ay ku jiraan: Jaale Indha-cade, Fu'aad Shangole, Cabdi Godane iyo Mukhtaar oo u baxsaday Kismaayo “Carmooyin exclusive”

 

Warar Xog ogaal ah oo daqiiqado ka hor naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenimadii xalay ay gaareen magaalada kismaayo Saraakiisha hoggaanka argagixisada Soomaaliya gaar ahaana kuwo dhawaanahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho

 

oo ay ka mid yihiin Jaale Yusuf Siyaad "Indha-cade" oo ahaa ninkii gobal dhan iyo dadkiisii bililiqada ku heystay kuna caan baxay iibinta biyaha wabiga Fu'aad Cusmaan "Shangole" oo laakin baxsaday Fu’aad maxamed Qalaf,Cabdi Godane iyo Muqtaar Roobow.

 

wararka kismaayo nagasoo gaaraya ayaa sheegaya in baabuur Tikniko ah oo farabadani ay mar qura soo buux dhaafiyeen magaalada kismaayo, gaar ahaan jidka aargada ee ku yaal xaafada Faanoole,taas oo sababtay argagax ku dhacay shacbi weynaha Kismaayo,iyadoo maanta oo dhana ay maliishiyooyinka argagixisada ee hoggaamiye yaashan la socdaahi rasaas ganayeen.

 

Goob joogayaal Kismayo ku sugan ayaa carmooyin u sheegay in ay indhaha saareen gaadiidka gaar ahaana kuwii ay hoggaamiye yaasha argagixisadu saarnaayen oo kusii jeeda hotelka Cas-caseey.

Wararku waxeey kaloo sheegayaan Maleeshiyaadka Beesha ********* ee heysta magaalada Kismaayo in ay si cad u taageereen imaashaha Jaale Yusuf Indha cade iyo xulufadiisa ee magaalada kismaayo.

 

Tagitaanka hoggaamiye yaasha argagixisadu ay tageen Kismaayo ayaa ku soo beegmaya,iyadoo maalmihii lasoo dhaafay la sla dhex marayay magaalada Kismaayo warar sheegaya in Imaashaha jaale Indhacadde ay wax weyn ka badali doonto xaaladaha kismaayo maadaama uu yahay abaanduulaha maleeshiyada kooxda argagixisada ee tuulada Asmara.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka camrooyin.com ee Muqdisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Kismaayo oo ay soo wajahday cabsi dagaal oo xoogan kadib ciidamo ka amar qaata Xassan Turki oo kaabiga u soo fariistay.

 

Magaalada Kismaayo ayaa 24 saac ee la soo dhaafay ahayd goob uu ka muuqanayo diyaar garow dagaal oo xoogan kaasoo ay wadaan maleeshiyo beeleedii horay gacanta ugu haysay magaalada kismaayo ayna ku doonayaan inay ku xagsadaan gacan ku haynta Magaalada kadib markii ay soo gaareen gudaha magaalada kismaayo xubno hogaaminaya ciidamo ka amar qaata isbahaysiga asmara.

 

 

Magaalada Kismaayo ayaa naloo xaqiijiyay in xaafado ka mida ay hadaba goosteen ciidamo ka amar qaata Kooxaha nabad diidka ah ee ka soo horjeeda Dawlada Somaliya iyadoo aysan xiligan gali karin xaafadahaasi maleeshiyo beeleedkii horay magaalada uga saaray ciidamadii Dawlada oo uu hogaaminayay Col Abdirasaaq Afgaduud.

 

Dhanka kale dhulka hawdkaa ee ku xeeran magaalada kismaayo oo fariisimo xoogan ay ku leeyihiin kooxaha dagaalada kula jira ciidamada Dawlada iyo Kuwa Ethiopianka ayaa la xaqiijiyay inay soo buux dhaafiyeen maleeshiyooyin si aad ah u hubaysan oo uu hogaaminayo Sheekh Xassan Turki ninka lagu magacaabo oo mawqifkiisu fogaaday.

 

 

Maleeshiyooyinkaan ayaa la sheegayaa inay doonayaan inay gacan siiyaan maleeshiyooyin ay isku mabda yihiin oo soo galay gudaha magaalada kuwaasoo hor joogayaashooda ay hanjabaado xoogan is dhaafsadeen maleeshiyada gacanta ku haysa Magaalada Kismaayo iyadoo laga cabsi qabo inay dagaal fooda isku daraan labada dhinac maalmaha soo socda.

 

AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Xiisado dagaal oo laga dareemayo Magaalada Kismaayo.

 

14. december 2007

Kismaayo (AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socdaan xiisado dagaal oo udhaxeeya ciidamada ku sugan Magaaladaasi iyo Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Maleeshiyooyin beeleedka Magaalada gacanta kuhaya ayaa cabsi xoog leh ka muujiyay Maleeshiyooyin fara badan oo ay leeyihiin Kooxaha ku dhuumaaleysanaya deegaanada hawdka ee gobalkaasi Jubada Hoose ee kasoo haray Maxkamadihii looga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen ciidamada Dawlada Federaalka oo kaashanayay kuwa Itoobiya.

 

Goobo aad ugu dhow magaalada Kismaayo ayaa waxaa lugu waramayaa in ay soo dageen Maleeshiyooyin ka amar qaadanaya hogaankii Maxkamada oo ka tirsan Kooxaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ka soo horjeeda.

 

Maxamed Salaad Cabdille oo ah Wariyaha Radio Gaalkacyo ee Magaaladaasi Kismaayo ayaa sheegay in ay kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda ku sugan yihiin deegaano badan oo gobolkaasi Jubadda Hoose.

 

Warar marar hore soo baxay ayaa xaqiijinayay in maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo iyagu kasoo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ay isku urursadeen oo ku dhuumaaleysanayaan deegaano badan oo ka mid ah hawdka gobalka Jubada Hoose.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xassan Turki & ciidamo uu wato oo ku sugan duleedka Kismayo

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 14-Desember-2007

 

Ilo wareedyo laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxaha ka soo horjeeda dowlada oo ay hor kacayaan xubno maxaakmtii ka tirsan ay soo gaareen deegaano u dhaw magaalada Kismaayo .

 

Ilo wareedyadu wax ay leeyihiin maleeshiyaadkasi waxa ay yihiin kuwii ku dhuumaaleysanayay howdka gobolada Jubooyinka ayna wadaan qorshe dagaal oo ka dhan ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose .

 

Xarair dhanka Teleefonka ah oo xafiiska Calanka ee Muqdisho la sameyay magaalada Kismaayo ayaa lagu xaqiijiyay in arintaasi ay jirto.

 

Goob jooge ayaa sheegaya in magaalada xiisadi laga dareemayo iyadoo kooxihii ku sugnaa ay wadaan abaabul ay kaga hor tagayaan weerar la filan karo oo Kismaayo ku wajahan .

 

Madaxweynaha dowlada KMG C/laahi Yuusuf ayaa dhawaan sheegay in magaalada Kismaayo ay u nugushahay in ay ku dhuumaaleystaan kooxaha uu ku tilmaamay nabad diidka maadaama gacanta dowlada ay ka maqan tahay .

 

Illaa iyo haatan ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Kismaayo marka laga reebo wararka hoose ee soo baxaya .

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Xafiiska Calanka Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ma Maxamed Weligi daraad meesha booqasha ku tagay lagana masaafuriyey baa idaacadaha reer Puntland buunbuunista ka keenay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

General Duke, this is not at the height of that group when they had all the weaponry of the former warlords and sympathetic groups at their disposal including established mercenaries.

 

In their prime, they had no qualms oppressing people who were suspicious of their intentions. The group in Kismaayo is opposed to what is going on in Mogadishu but will not have any second thoughts resisting any attempts to ship Mogadishu's case to Kismaayo.

 

All those who come because of need and humanitarian assistance will be welcomed with open arms, but groups with sinister intentions will be defeated immediately and sent packing as Maxamed Weli was sent packing recently.

 

The policy of the Kismaayo group in action:

 

Wafuud Ka Kale Socda Hayaddaha Gargaraaka Oo Maanta Kismaayo Ka Soo Degay

Dec 14,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose soo gaaray wafdiyo kale duwan oo ka socda hayadaha gargaarka fidiya ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

 

Wafdiyadan kale duwan oo ka soo degay garoonka diyaaradda ee magaaladda Kismaayo ayaa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka gacanta ku haysa iyo waxgard kale oo kale duwan. Wafdigaan ayaa ujeedadiisu aheyd sidii ay wax uga ogaalan lahaayeen xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacayay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho oo intoodii badnaa ay ku daadsan yihiin goobo ku yaalo koofurta dalka Soomaliya, gaar ahaanna magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda iyo degaanada kale oo ka tirsan gobalka jubbada hoose.

 

Wafdigaan ayaa waxaa qado sharaf ugu sameeyey hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo gudoomiyaha guddiga siyaasadda ee gobollada jubbooyinka Dr.Cabdirizaq Faarax Cali (Taano) oo uga warbixiyay wafdigaan xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacayay magaalada oo uu sheegay intii ay u qaban kareen inay qabtaan dadkaasi soo barakacayay inay u qabteen, haatanna hayadaha gargaarka bixiya looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii loo badbadaadin lahaa dadkaasi shacabka ah ee ku dhibaataysan magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda.

 

Dr.Taano ayaa sidoo kale sheegay inay wax weyn ka qabteen ammaanka magaalada iyo degaanada hoosyimaada, iyada oo si weyn wax looga qabtay kooxo burcad ah oo dhibaatooyinka ku hayay gaadiidka iyo shacabka magaalada iyo degaanada hoosyimaada. Waxuuna uu gudoomiyahu uu balan qaaday inay sugi doonaan amniga howlaha gargaraaka ay hayadahani ka fulin doonaan magaalada Kismaayo.

 

Wafdigaan ayaa sioo kale kormeer ku soo maray degaano ay ku sugan yihiin dadkii soo barakacay, iyaga oo sheegay inay dhowaan soo gaari doonaan magaalada diyaarado iyo mucaawinooyin dadkaasi soo barakacay wax loogu qaban doono.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^^^Jaalayaalo soo dhawaada, sii dhawaada. Haday yimaadeen wadankoodi meel kamid ah ayay joogaan waana la soo dhawaynayaa Inshallah.

 

 

Now lets talk about the Ethiopians, when are they leaving horta?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn, I like how you are honest about their weakness when it comes to your clans defence, yet you over play then when facing the fire power in Mogadishu.. Funny stuff but thats why I like you old boy

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this