Sign in to follow this  
Gabbal

Al Shabaab puts one of their own under the death penalty

Recommended Posts

Gabbal   

I think this is the first of its kind. Interestingly this group seems to have the power to provide judicial oversight over their own.

 

Maamulka islaamiga ee degmada Baardheere oo maanta xukun qisaas ah ku filiyay Askari ka tirsanaa maamulkaasi oo horay u dilay nin rayid ah.

 

Shabelle: BAARDHEERE

 

Maamulka islaamiga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta xukun qisaas ah ku filiyay Askari ka tirsanaa maamulkaasi oo horay gudaha degmada Baardheere ugu dilay nin rayid ah.

 

 

 

Askari ka tirsan ciidamada Xoogaga islaamiyiinta ee ka howlgala gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa galinkii dambe ee maanta waxaa lagu fuliyay Xukun qisaas ah kadib markii mudo 6- maalin ka hor gudaha degmadaasi uu ku dilay in rayid ah xili ciidamada amniga ee gobolka Gedo ay halkaasi ka wadeen howlgalo ay ku mamnuucayeen cunista iyo ka ganacsiga Qaadka.

 

 

 

Falkaan qisaasta ah ee maanta lagu fuliyay askarikaan lagu magacaabayay Cabdi Shakuur Axmed oo da’diisu ay tahay 28-jir ayaa timid kadib markii maxkamadda Shareecad islaamka ee degmada Baardheere ay labo maalin ka hor ay ku riday xukundil ah kagadaal markii uu si ula kac ah u dilay marxuub lagu magacaabayay Aadan Xage oo da’diisu ay aheeyd ilaa 30-sano jir.

 

 

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere oo ah goobta ay qisaastu ka dhacday galabta ayaa waxaa goob joog ka ahaa ehelada labada dhinac iyo saraakiisha ciidamada maamulka islaamiga ee gobolka Gedo iyadoo goobta amaankeedana ay si weyn u sugayeen ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada degmada Baardheere.

 

 

 

Falkaan dilka ah ee uu geystay askarikaan ka tirsan xoogaga islaamiyiinta ee degmada Baardheere ayaa yimid kadib markii marxuumka horay loo dilay uu ka dhaga adeegay in uu iska mamnuucu Qaad uu xilikaasi watay maadaama gudaha degmadaasi laga mamnuucay cunista iyo ka ganacsiga Qaadka.

 

 

 

Masuuliyiinta maamulka islaamiga ee gobolka Gedo iyo odayaasha dhaqanka ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ay wadeen kulamo ay la kala qaadanayeen ehelada marxuumka geeriyooday si arinka loogu dhameeyo si wada hadal ah,balse waxaa arinkaasi ka biyo diiday aabaha wiilka la dilay dhalay kaasi oo ku adkeystay in qisaas uu ku qancayo taasi oo ugu dambaystii ka dhigtay in galabta askarikii dilka geystay la toogto.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee falkaani ayaa waxaa uu noqonayaa falkii ugu horeeyay ee maamulka islaamiga ee degmada Baardheere uu ku fuliyo askari dil u geystay nin kale oo ka mid ahaa shacbiga reer Baardheere tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Baardheere xoogaga islaamiyiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by xiinfaniin:

Rasmul alcaddaalah.

 

 

It is not really known how this is going to come about Xiin. As you know there is a maamul that already exists and the many members of the muqaawama group interact very bi-partisan manner. For example, the overhead of the whole movement in the region Shiekh Gadaashay is of the Asmara-Hassan Dahir camp whereas Shiekh Jibriil is Al Shabaab and Barre Qooje who responded to last Ethiopian foray in Baardheere is Al Itixaad.

 

However, Shiekh Gadaashay and his men have recently been in Xamar and are now in Afgooye. Perhaps this is something he is well aware of and joined but allahu aclam as of now. However, what is known is that they have all taken the same stance as AL Shabaab and the new "Xisbi" with respect to Shiekh Sharif's infant government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this