Sign in to follow this  
General Duke

Shiikh Shariifna ma la Kacday? Hmmh! Ma Durba?[on Aways takeover]]

Recommended Posts

source

 

Shiikh Shariifna ma la Kacday? Hmmh! Ma Durba?

Posted to the MOL June 25, 2006, 9:46 am

 

 

Googaalaysiga ciyaalka ayaa waxa ka mid ahayd:

Lay boodbooti, Lay baalbaali

Markii layga bogto, Bowd laygu tuur!

 

Aad baan uga xumahay, dibirta ku dhacday Shiikh Shariif, iyo in uu caawa la meeqaan yahay “kasha†ku xusan googaalaha. Ha yeeshee, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa ‘Nabar la filayay, naaqus mooyee, naxdin malaha!’ Shiikhu, haddii uusan is candadawlayn, waa uu garan karay in lagu soo maqan yahay. Haah oo, Soomaalida inteeda badan, ee aan caadifadda qabiilka ku shaqaynayn, waa ay garanayeen in Shiikha la adeegsanayay. Shakina kuma jirin, in ulajeeddada keliya ee jagada loogu magacaabay ay ahayd in lagu jabiyo cududda ciidan ee beeshiisa. Shiikhu, isaga ayaa iska dhegatirayaye, lahaayaa in uu wax ku qaato naynaastii beeshiisu u bixisay ee ahayd: Shariif-la-soo-Gamay. Miskiin, miro qare, madaxnimo maqaarsaar ah ayuu maamuus mooday.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaan Shariifka kula talin lahaa, in uu iska calafsado cadka hadda loo ciideeyay, oo uusan dagaal dambe gelin. Mar dambena, magiciisa aan lagu layn ilaa 1000 qofood oo ehelkiisa ah. Intaasi foolxumo adduun iyo tu aakhiraba ugu filan. Waxa kale oo aan Shiikha ku sabursiin lahaa, in nimanka siriqda u dhigay waxa ay ka dambeeyaanba ay tahay maalmo yar. Waayo, waxa ay ku jiraan durduradii la yiri geelaa ku jaba.

 

Bal, si kooban, iila eega sooyaalka Guddomiyaha cusub, Shiikh Xasan Daahir Aweys. Shiikhu waa caan, oo dagaallo badan, oo uu kuligood jihaad ahaan u jideeyay, buu soo galay. Puntland waa laga yaqaan, oo khalkhal iyo kharribaad badan buu ka geeystay. Jubbada hoosena waa laga yaqaan, oo waa halkii dhalinyarada Al-Itaaxaad ay ku barteen, ee uu u hoday Genraal Caydiid; kamana seexan ilaa uu Seeraar, oo ina adeerkiis ah, ku hubsaday. ............ waa yaqaan, oo waa ninkii maalin cad ka meersaday Muqdisho oo ay magac iyo muunad ku lahaayeen; ........., Shiikhu, isaga ayaa Kuwayd ka dhigay, hadde waa laba jeer.

 

Shiikhu, qabqablayaasha uu dhowaan cayrsaday, intii aysan ku soo jeesan, aad buu ugu shaqaysan jiray, oo muddadii ay dawladnimada Xamar ka hor taagnaayeen, mujaahidiin buu u yiqiin. Dhowr jeer buu idaacadaha ka sheegay in ay soo halgameen.

 

Shiikha caqabadda ugu weyn ee haysata ayaa waxa ay ahayd in uusan caddaysan karin in uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee Maxkamadaha, labo sababood awgood: Waa marka hore’e, shiikhu damiin ma aha, oo waxa uu aad ula socdaa sumcad xumida uu ku dhex leeyahay Soomaalida; iyo in baalka uu ku lee yahay soojiraha ay qabyaaladdu aad u qurmisay; waana og yahay, haddii uu bannaanka isa soo dhigo, in maalmo yar gudahood ay ku shiiqayso karaamada yar ee ay Maxkamaduhu ku heleen cayrintii qabqablayaasha. Waa marka labaade, waxa uu Shiikhu ku jiraa liiska argagixsada caalamiga ah, oo waa uu og yahay in haddii uu sheegto hoggaanka Maxkamadaha laga ugaarsanayo meel walba, rag badanna uu galaafanayo.

 

Haddaba, su’aalsha meesha ku jirta ayaa waxa ay tahay, isaga oo Shiikhu intaas og, sababta uu isku sii qarin waayay, ee uu isku soo miidaamiyay?

 

Jawaabtu waa fududahay, oo waa labo sababood:

 

 

1. Kow, waxa Shiikhu ka baqay, haddii uu muddo dheer isa sii qariyo, in Shiikh Shariif, oo maqaarsaar u ahaa, uu ku biyokeeno, oo ku xididaysto, hadhowna talo farihiisa ka baxdo.

 

 

2. Labo, waxa Shiikhu ka baqay in heshiiska la sheegayo, ee dhexmaray Maxkamadaha iyo DFS, uu si sibiq ah ku hirgalo. Waxa uuna aad uga baqay in waddanku uu sidaas ku yeesho dawlad awood leh oo soo celisa haybaddii iyo haykalkii dalku lahaa. Dabadeedna uu shiikhu halkaas ku waayo meel uu ku dhuunto iyo weliba isbaarooyinka faraha badan, ee uu huwiyay shaarka Maxkamadaha, oo uga dhisan badiba koonfurta dalka. Kuwaas, oo Shiikhu kharash badan ku bixiyay, xaalad uu macaash badan ka filayo.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa hubanti ah in aan Shiikhu marna raalli ka ahayn in gobollada uu gacanta ku hayo ay yeeshaan maamul iyo kala dambayn. Hana la yaabin, oo Shiikha sidaas masiirkiisa ayaa ku xiran.

 

Isku soo duuduub, iyada oo la wada ogsoon yahay, in Shiikh Xasan Daahir Aweys uu yahay Guddoonshaha, hanuunshaha iyo hoggaamiyaha Maxkamadaha Islaamiga ah, in uu is qarin waayo, oo maanta sheegto Guddoomiyanimo, waxaan u malaynayaa waa halkii Soomaalidu ka dhihi jirtay, “Dheglaa Salag leh!†Waxayna u badan tahay, in Shiikhu uu ka fursan waayay in uu gacantiisa ku burburiyo Maxkamadaha oo, sida ay isaga la noqotay, guuxooda ka dheereeyay. Waxaana hubaal ah in loo baran doono Geddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

 

 

 

 

Wa billaahi tofiiq,

 

 

Maxamed Deeq

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this