Sign in to follow this  
Nur

Xasuusta Allah ( Dhikriga Allah)

Recommended Posts

Nur   

i-Nuri Somali Language Publications

 

 

Presents:

 

Xasuusta Allah SWT ( Remembrance of Allah )

 

 

Walaalayaal;

 

 

Waxaan shaki laheyn in wax walba loo uumay sabab, haddii waxaas sababtii loo uumay uu ku sugan yahay, waa sidii la rabay, haddii kale se oo wixii loo uumay uusan ku sugneyn, ama uu la yimaaddo hwol cusub, dhibaato ayaa laga fishaa ama cudur meeshii laga filan lahaa waxtar.

 

Qalbiga banii aadanka, waxaa loo uumay jeceylka iyo xasuusta kii abuuray, inta uu qalbigaasugan yahay xasuusta kii uumay, qalbigaas lagama yaabo inuu ka baxo jeceylka Allah iyo daacadiisa.

 

Qalbigu waa xubinta ay u hoggaansan yihiin xubnaha kale ee korka, haddii markaas qalbiga laga waayo xasuusta Allah iyo jeceylkiisa, korka intiisa kale lagama yaabo in ay Allah u hoggansamaan sidii ku habbooneyd Allah SWT.

 

Xasuusta Allah wexey dhalisaa jeceylka Allah, sidaasoo kalena jeceylka Allahna wuxuu dhaliyaa, xasuustiisa.

 

Xasuusta Allah ama Dhikrigiisa waxaa noo faray Allah markuu yidhi ( i xasuusta, waan idin xasuusane, iina mahad celiya, hana ismoogeysiinina nicmadddeyda ( Takfuruun) )

 

Xasuusta Allah SWT waxaa ku jirta waxtar badan, oo aan ka soo qaadaneyno intii noo suuro gasha wexey culimadu sheegeen.

Dhikriga Allah SWT:

 

1. Wuxuu eryaa sheydaanka. Qofka intuu carrabikiisa ku hayo xasuusta Allah sheydaan uma soo dhawaado.

 

2. Allah ayuu raalli geliyaa

 

3. Walwalka iyo murugta ayuu ka qaadaa qalbiga

 

4. Wuxuu keenaa farxadda

 

5. Wuxuu xoojiyaa qalbiga

 

6. Wajjiga ayuu nuuriyaa

 

7. Arzaaqda ayuu furaa

 

8. Wuxuu dhaxalsiiya qofka Allah xasusta

haybad, iyo karaamad

 

9. Wuxuu dhaxalsiiya qofka xasuusta Allah inuu Allah iska jiro.

 

10. Allah ayuu ku dhoweeyaa

 

11. Wuxuu dhaxalsiiyaa jeceylka Allah oo ah ruuxa Islaamka

 

12. Wuxuu furaa fahamka diinta iyo culuumteeda

 

13. Wuxuu ku dhaxalsiiyaa in Allah uu ku xasuusto.

 

14. Dhikrigu waa nolosha Qalbga, qalbi aan Allah xasuusneyn, waa kalluun biyaha laga saarey.

 

15. Dhikrigu waa quutka, ama cunnada qalbiga.

 

16. Qalbiga ayuu ka nadiifiyaa midhidhka iyo dunuubta

 

17. Wuxuu kaa shuqliyaa xanta iyi danbiga

 

18. Meeshha Allah lagu xusu waxaa imaata malaaigta

 

19. Wuxuu kaa nabad gelyaa walwalka maalinka qiyaamaha, maxaa yeelay ma jirto saacad ku soo martay oodan Allah ku xasuusan oo aan aakhiro ka shallaynin inaad Allah illowday.

 

20. Qofka ku mashquula xuska Allah waxaa la siiyaa waxaan la siinnin kuwa Allah barya.

 

21. Waa cibaadad ugu sahlan, uguna fadli badan qofkii ka faaideysta

 

22. Xasuusta Allah waa abuurka jannada.

Maanta intaas ayaan ku joojineynaa, si tafaq tiranna hadduu Allah yidhaado ayaan uga hadli doonnaa faaidooyinkaas iyo kuwa kale.

 

 

Nur

 

2003 i-Nuri Softwano Series

Share this post


Link to post
Share on other sites
MD   

Salam Aleykum

 

Nur,

 

No one has read it yet. It's probably the somali that's scaring the people away. InshaAllah I will read it whenever I have time. Your english articles are very good mashaAllah, makes you want to read more and more of your writings. May Allah reward you ameen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Maha sis ( if ur still around after a year)

 

This Somali language piece is intended for Nomads who can read Somali well. Once I set in mind the language, it is difficlut to rephrase it in other, so this artucle goes down as a Somali forever. You can print it and share with your folks who can tackle the somali language, to justify all those hours you spend on the net.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Dunida waxaa Jooga Laba Dad: Qof Nool Iyo Qof Meeyd ah.

 

Qofka nooli waa Ruxii Allah Xasuussan, qofka Meeydka ahna Waa qofka Allah ilowsan!

 

Illaahow Kuwa Nool naga Dhig! amiin!

 

Jazaakallah Khair ya akhi Nur!

 

Allah ha Nuuriyo Qalbigaaga, Wajigaaga, Maskaxdaada, Jidhkaaga, Gurigaaga(aduun iyo aakhiro), iyo agtaada oo dhan! Aamiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Muhammadl

 

Allaha kaa aqbalo ducadaa wanaagsan eed ii duceysay, wallahi, ma jiro farxad ka weyn walaal iisoo duceeyay, waa bishaaro, waana hanti weyn, ducada walaalha waa la aqbalaa, Allah waxaan kaaga baryey, inuu nagu wada kulmiyo jannooyinkiisa, kana yeelo nolosheenna mid Allah uu raalli ka yahay.

 

 

Geeljireyaasha

 

Waa bartilmaameed kale, bisha Ramadaan, annagoo ku taagan dariiqa Allah, waxaan is xasuusineynaa in Allah la xasuusto oo dunida hammigeeda inusan na shuqlinin.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xusuusta Allah waa nolosha qalbigga sidaad ushseegteyba Nurow waxayna sababtaa inuu aadamuhu feejignaado qofka Allah xusa iyo kaan xusinna waxay isu yihiin noole iyo moodaneh qofkastana wuxuu ku dhinto ayaa laggu soo saari. Allahayow zdikrigga Alle nuggu dil. Gurigga Ilaah lagu xusaa iyo kaan luggu xusinna waa sida guri luggu noolyahay iyo mid kharaab ah oo baarid.

 

Nur, horta noolaha kale ee aan ahayn bilo aadmigga way xusaan rabbigood oo way utasbiixsadaan soo maaha?

 

Subxaana Allahi wa bi-xamdihi Subxaana Allahi Al-Cathiim

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this