Sign in to follow this  
Dantay1

Allah be praised, Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qaybgalay xaflada furitaanka

Recommended Posts

Dantay1   

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qaybgalay xaflada furitaanka Imtaxaanka

- Saturday, June 14, 2003 at 12:31

 

Boosaaso, (Radio Midnimo)- Guud ahaan waxaa manta ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland imtixaankii fasalka ugu danbeeya ee Dugsiga Sare looga gudbi lahaa.

 

 

 

Magaalada Boosaaso ayaa imtixaanka dugsiga sare looga gudbayo waxaa u fariisan doona arday gaareysa 73 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira, waana markii ugu horeyay tan iyo markii la waayey dowladii dhexe ee Soomaaliya imtixaan noocan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Boosaaso iyo guud ahaanba Puntland.

 

 

 

Munaasibad lagu maamuusayey furitaanka imtixaanka oo lagu qabtay dugsiga sare ee Boosaaso ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday Dowlad Goboleedka Puntland oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka DGPL Md. Maxamed Cabdi Xaashi.

 

 

 

Maxamed Cabdi xaashi ayaa halkaas hadal gaaban ka jeediyey wuxuuna sheegay in aduunyadu ay ku tartanto sidii qof walbaa heerka koowaad u noqon lahaa, waxaana uu ugu bogaadiyey aradayda ka qalan jebinaysa dugsiyada Sare ee Puntland in marka la eego heerka ay mareyso Tacliinta Soomaaliyeed in ay heerka Koowaad ay ka joogaan, wuxuu kaloo intaas uu ku daray in cilmiga iyo tiknoolajiyadeeda adduunka oo heer sare mareysa in ay nasiib darro noqotay in aynu noqono kuwii ugu horeeyey ee manta ka baxa dugsiga sare.

 

 

 

Ku xigeenka Madaxweynuhu wuxuu kaloo xusay in aynu laheyn Jaamacado, Iskuulo Sare, machadyo, balse aynu inagu burburinay.

 

 

 

Wasiirka Waxbarashada Xasan Maxamud Dhiilood ayaa isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii xafladan ka soo qayb galay, wuxuuna sheegay in aradaydaani ay yiniin mudadii Dowlad la’aanta kuwii ugu horeeyey ee imtixaan dugsi sare u fariista, wuxuu kaloo intaas ku daray in uu guul u rajeynayo.

 

 

 

Wasiirka oo mustaqbalka ardayda ka hadlay ayaa sheegay in la rajeynayo in dowlad Soomaaliyeed ay dhalan doonto oo ay soo dhowdahay, dowlada dhalan doontana ay baahi weyn u qabto aqoonta iyo waxbarashada ayna Iskoolarship u raadin doonto, Dhinaca Puntland ayuu sheegay in ay jiraan Iskoolarshibyo ay u raadiyeen oo ay heleen, wuxuu kaloo carabka ku dhiftay in qaarkood Booliska loo tababaro oo fursado laga siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this