Sign in to follow this  
Kowneyn

Rayaale's administration unhappy with the capture of the Terrorist

Recommended Posts

Kowneyn   

Mid Ka Mid Ah Koox Dad Ah Oo Ay Ku Jireen Odayaasha Reer Dhoqoshey Oo Hargeysa Lagu Xidhay Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Xadhigaa Iyo Ujeedadiisa

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hargeysa – Mid ka mid ah koox odayaal iyo dhallinyaro isugu jirey oo Axadii toddobaadkan goor saqdhexe ah laga qabqabtay hudheel ay degganaayeen oo ku yaalla xaafadda Axmed Gurey, ka soo horjeedka Edna Hospital ee magaalada Hargeysa, kadibna lagu xidhay saldhig Boolis oo xaafaddaa ku yaalla ayaa ku tilmaamay habka qabqabashadaasi u dhacday fal argagixiso oo dib u xasuusiyey habkii uu u dhaqmi jirey Taliskii Siyaad Barre.

 

Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Ming Sing ee magaalada Hargeysa ayaa si kulul ugu cambaareeyey xukuumadda falkaas oo isaga, qaar ka mid ah odayaashii iyo dhallinyaradii reer Dhoqoshey ee ka qaybgalay hawlgalkii lagu soo qabqabtay dableydii geysatey weerarkii argagixiso ee March 19 iyo muwaadiniin kale oo aan waxba galabsan lagagala baxay hudheelka goor saqdhexe ah, waxana uu sheegay in aan loo qaadan karin in boolisku ku soo qaldamay dadkaas iyo in uu ahaa hawlgal ammaanka lagu sugayey oo lagu baadi doonayey dad laga shakiyey, balse waxa uu sheegay inuu u arko tallaabo la soo qorsheeyey oo lagaga aar-goosanayo dadkii soo qabqabtay argagixisada ee reer Dhoqoshey.

 

Cabdikariim, waxa uu sheegay in 11:00 habeennimo boolis yimi hudheelka kadibna dadkii hurdey laga soo xushay isaga iyo dhawr iyo toban qof oo kale, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen raggii Dhoqoshey ku soo qabqabtay gacan-ku-dhiiglayaashii geystey dilkii haweenaydii Kenyaanka ahayd ee u shaqaynaysey hay’adda GTZ, March 19, kuwaas oo sheegay in maamulka Hudheelku uu garanayey, booliska laftiisa iyo dad kale oo hudheelka degganaa oo qaarkood ay dowladda u shaqeeyaan ay garanayeen. Laakiin, boolisku uu iska dhegatiray, taas oo muujinaysa inay haysteen amar ah inay dadkaa soo xidhxidhaan.

 

Waxa kale oo uu sheegay in dadka habeenkaa hudheelka laga qabqabtay ay ahaayeen dhawr iyo toban qof, kuwaas oo marka laga reebo hal nin inta kale ay isku deegaan yihiin oo ay ka soo jeedaan deegaanka Dhoqoshey. Waxa uu sheegay in taas sababteedu aanay ahayn in hudheelka ay iyaga keliya degganaayeen, balse waxa uu sheegay in dad kalena ay degganaayeen, “oo xataa Carab ayaa degganayd,” ayuu yidhi.

 

“Dadkii soo qabqabtay gacankudhiiglayaasha ee reer Dhoqoshey, Madaxweynekuxigeenku xafladda maamuuska leh u qabtay, waxa nasiib darro noqotay in maamuuskii xadhig loogu beddelay markii Madaxweynuhu yimi,” ayuu yidhi Cabdikariim. Waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxay u muuqataa in laga xumaa falkan ay sameeyeen oo ah inay soo qabqabteen dalkii dembiga geystey. Waxay u muuqataa markii Madaxweynekuxigeenku joogey waddo loo waayey xadhigooda in loo helay iminka markii Madaxweynuhu yimi”.

 

“Dhadhanka ay bixinayso iyo urtay leedahay waxa weeye miino la dhigay oo aan loo baahnayn in la furo ayay fureen, waa sida ay u egtahay,” ayuu yidhi.

 

Cabdikariim waxa uu sheegay in raggaa qaarkood la siidaayey 1:00 habeenimo, intii kalena 1:00 duhurnimo ee maalintii Axadda. Waxana uu sheegay in waxa keliya ee la weydiiyey markii saldhigga la geeyey ay ahaayeen magacyadooda, magacyada hooyooyinkii iyo da’dooda, wax kale oo la weydiiyeyna aanay jirin.,

 

“Waa arrin sharci darro ah, waana tallaabo argagixiso nimo ah,” ayuu yidhi.

 

Waxa uu sheegay in odayaasha Reer Dhoqoshey markii la siidaayey waxay u tageen Madaxweynaha oo u sheegeen inay daba joogaan arrintaa. Wuxuuna ugu jawaabey in uu ka xun yahay arrintaa, isla markaana ay ka warsugaan isaga.

 

“Mana filayo in wax naloogu maqan yahay ay jirto,” ayuu yidhi, Cabdikariim. Waxana uu sheegay in ilaa iyo hadda xukuumaddu aanay ka jawaabin sida falkaasi u dhacay oo ay dadweynuhu is-weydiinayaan, inuu yahay mid kama ah iyo mid badheedh ah. Iyadoo aan u arko ayuu yidhi in loo badheedhay.

 

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland iyo xukuumaddoodu aad mooddo inay hayaan waddadii Taliskii Siyaad Barre oo cadaadis gaar ah saaray qaar ka mid ah goboladii la odhan jirey Waqooyiga (Somaliland) taasina ay keentay inay u midoobaan sidii ay Taliskaa ula dagaalami lahaayeen, sidaana u taageereen ururkii SNM.

 

“Dulmigii ayaad mooddaa inay iyagii isu geysantaan oo ay isku xadgudbaan oo deegaamo gaar ah la cadaadiyo, deegaamadaas oo ah deegaamada Gobolka Togdheer, Gobolka Sool iyo Sanaag,” ayuu yidhi Cabdulkariim, isaga oo sheegay in deegaamadaa qaar ka mid ah ay iminkaba raacdadoodii fogaatey. Waxana uu tilmaamay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xadhigii Boqor Cismaan Aw Maxamuud.

 

Waxa uu ugu baaqay xukuumadda inay jawaab degdeg ah ka bixiso falkaa iyo ciddii ka dambeysey.

 

Cabdikariim oo waxa uu xaqiijiyey jiritaanka tuhun sheegaya in Reer Dhoqoshey laga daba jooga iyaga oo markii ay gacan-ku-dhiiglayaasha qabteen helay sir la xidhiidha raad-raaca nimankaas iyo meesha ay ka yimaaddeen, kuwaas oo iftiiminaya in raggaa qaarkood ay ka yimaaddeen Jabuuti, telefoonadoodana laga ogaadey inay xidhiidh la sameeyeen, isla markaana madaxda sare ee xukuumadda qaarkood ay xasaasiyad weyn ka qabtaan in raadku uu galo Jabuuti. Waxana uu sheegay in tuhun weyn oo arrintaa laga qabaa uu jiro, sidoo kalena, sababta ugu weyn ee baadhista iyo aqoonsiga raggaas loo diidayaana ay taas ka xidhiidho.

 

Waxa uu xusay Cabdikariim laftiisu in uu yaqaano ninka hoggaaminayey ragga falka geystey oo Jaamac Kuutiye la yidhaahdo, dhawr maalmood ka hor hawlgalkana uu ku arkay isagoo ka qadeynaya hudheel magaalada Hargeysa ah. Waxana uu yidhi Cabdirkariim, “Waxaan weydiiyey xaggaad ka timi muddo dheer kuma arage, wuxuuna igu yidhi waxaan ka yimi Jabuuti”.

 

Kowneyn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

It thought the "terrorist" were alleged to be from Puntland and were supported by Abdiqasim according to Somaliland media na'mean. lol Isn't that what Riyaale's regime was telling its followers? :D

 

The enemy of Somaliland is from within na'mean. :mad: :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Another Buurmadow Article

 

Saalax Badbaado “Waqooyi calan dulmi ah baa ka taagan, kursi dulmi ah na waa uu ka jiraa”

(Dayniile.com) April 14 2004

 

Mugadisho: Waxaa inoo suurtagashay in aanu wareysi dhinacyo badan leh la yeelanno xidhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka TNG-da, wuxuuna wareysigaasi u dhacay sidatan:-

 

 

SU. Waxaad ka mid tahay xildhibaanadii laga soo doortay gobolada Waqooyi, laguna soo doortay shirkii Carta ee Jabuuti lagu qabtay 2000, mudadii TNG-du shaqeyneysay weli ma tagteen gobolada aad meteleshaan.?

 

 

JA. In aan deegaanada tagnaba waxaa ka adag, halkan (Xamar) ma ku meteshaan in aad ina weydiiso, halkan ayeynaanba ku metelin, waxaa jira isbaheysiyo gaar ah oo isku xiran oo ilaa 1991-dii la waday, kuna shaqeynaya siyaasad qabaa’il Waqooyiga daga & qabaa’il Koofur dega ay isku baheysanayaan, marka anaga hadaan nahay reer Waqooyi shicibka Waqooyi ugama duwanin dad ku nool Bakaaraha & Nambar 4, laakiin dadka reer Waooyiga ah ee ku xiran madaxtooyada oo ay isku shubshubtaan ayaa jira, arrimahaasna ma doonayo in aan diirka ka qaado, horaaba dambi igaga yimi oo hadaaba dacwad ka timid dhinaca madaxtooyada la doonayaa in la igu qaado oo shaqsiyaad reer Waqooyi & Koofur ah ay dhibsadeen arrimo aan dhowaan ka shanqariyay.

 

 

SU. Waa maxay dacwada kaaga timid dhinaca madaxtooyada.?

 

 

JA. Berri dhoweyto baan taabtay arrimo go’ lala hulaabnaa ilaa sanadii 2000 oo ay wadeen rag TNG-da ah oo jilibo gaar ah & rag jilibo gaar ah oo reer Waqooyi ah oo doondoonay in ay mashruuc ka dhigtaan qadiyada Waqooyi oo oo ay sida maqaaxida ugu shaqeystaan marka arrimahaasi baan qarxiyay, markaa baa la igu qabsaday dacwad la leeyahay waxaad ku marqaati furtay in TNG-du ka dambeyso dilalkii ka dhacay Waqooyi, marka hada taas bay wadaan, waxaana u sheegayaa in dacwad aanan uga baqeynin ee tuugada & wax isla qarsiga aanan weligey ka aamuseyn, Waqooyi waanu wada metelnaa oo ninka Koofureed-ba Waqooyi metela, waxa ummada laga qarinayee, merfishyada qaadka lala tagayee ayna wadaan 5 Jilib oo is baheysanaya anigu marna raali kama ihi.

 

 

SU. Muxuu ku saleysan yahay khilaafka u dhexeeya xildhibaanada beesha ***** ee ku jira baarlamaanka TNG-da.?

 

 

JA. Waxaa jirtay, meeshatan dadku waxey metelaan beelo, tusaale, Soomaaliya waxey u qeybsantaa Waqooyi & Koofur, hadana gobol walba dad baa ka yimaada oo qabaa’il baa dega, mushkiladan meesha taala waxaa weeyaan, TNG-du hadey tahay tayadii dadka & tii shacabka ma aheyn mid dhameystiran, waxaa had & jeer soo baxa shaqsiyaad doonaya in ay deegaanka keligood metelaan, shacabiyadana aan u sadqeynin, reerihiiyo dhana aan aheyn, waxey sameeyaan koox gaar ah oo reer Waqooyi ah ayaa wax aaney reer Waqooyi u dhameyn reer Koofurka kula gorgortamaya, mararka qaarna waxyaaba ay kula gorgortamayaan ayna la fulinayaan reer Koofurka waxey noqon karaan kuwa dhibaato u keeni karaya labada dhinac, hada anigu maalin dhoweyto waxaan dhaliilay dowladda KMG ah oo waxaan ku dhaliilay in cid gaar ah ay wax isla qarsaneyso, wax isla qarsi hadaad aragtana dulmi baa ka dambeeya, iminka Koofurta & Waqooyiga waxaa ay dadku amaanaan Waqooyiga, nabada jirtana waxaa weeye maamul qaab dulmi ku dhisan wax u maamulaya weeye, laaluushkii baa ka jira, waxaa ka jira qof la yiraa waxaas baa tiri oo ciidamo booliis & milateri loo adeegsado oo la soo xiro, maxkamadna la iska geeyo sida boqor Buurmadow oo kale, muxuu ku xiran yahay.?, wuxuu ku xiran yahay afkaarta uu aaminsan yahay darteed, waxaadna arkeysaa Xamar oo la leeyahay waa ay burbursan tahay in qof aanan loo xiran waxa uu aaminsan yahay oo askari shaarba dhaadheer & qoryo aanan lagu soo xireyn, marka anigu waxaan ka soo horjeedaa sideedaba dowlad dulmi salka ku haysa oo tii burburka keentay oo raadadkii gumeysigu keenay la mid ah.

 

 

SU. Xiritaanka boqor Buurmadow ee aad soo hadal qaaday, waxey sheegeen maamulka Somaliland in loo xiray isaga oo loo arkayay in uu caqabad ku yahay qadiyada Somaliland & gooni isu taageeda sida ay ku doodaan reer Waqooyigu, waxaana muuqata marka la isku fiiriyo Hargeysa & Muqdisho in Hargeysa tahay meel nabdoon oo nidaam & kala dambeyni ay ka jirto, marka ma la isku soo qaban karaa Muqdisho & Hargeysa .?

 

 

JA. Haa waa la isku soo qaban karaa, Xamar weli cadaalad darro cid adeegsaneysaanan ka dhicin, laakiin Waqooyiga waxaa ku adkaatay cid cadaalad darro adeegsaneysa oo Guurtidu kow ka tahay, marka Waqooyi calan dulmi ah baa ka taagan, kursi dulmi ah na waa uu ka jiraa, xukun dulmi ah oo askartii hangashta & ******ta aheyd ee shaaribaha dhaadheereyd baana ka armineysa, Koofur se weli kama dhismin, dadku iskood ha isku xumeeyeen balse dulmi dadku baraago inta ay ka buuxsadaan anaa kaa adag weli kama dhicin, teeda kale, waxaa ka jira Waqooyi dagaal siyaasi ah oo reer Waqooyiga laftoodu ay isku hayaan, maamulka Hargeysa ku sugan wuxuu la dagaaamayaa qeybta Bariga ee Somaliland, waxaas oo dhana waxaa ka dambeeya khilaafaad ilaa xilligii jabhadaha socday, waxaa tusaale kuugu filan, Buurmadow wuxuu degaa Bariga Somaliland, qadiyada Laascaanood Barigii bey saameyneysaa, marka wuxuu doonayaa Buurmadow doonayaa deegaanadii & dadkii Bariga la daganaa in aysan dhibaato ka dhex dhicin, maamulkuna waxaa weeyaan sida guddoomiyaha guurtida, madaxweynaha, ninka arrimaha gudaha ka haya xukuumada dhammaantood waa reer Galbeed, waxeyna degaan Hargeysa & Galbeedkeeda, marka dagaal Bari baa Hargeysa laga wadaa oo waxaa wada maamulka Riyaale oo reer Galbeed u badan, waxeyna doonayaan in ay shaqaaqooyin ka sameeyaan dhinaca Bariga ayna isku dhuftaan beelihii Bariga, wax nuucaas ah ayey wadaan, Buurmadowna wuxuu hortaagan yahay beelihii ***** & ****** ee deganaa Bari in ay isku dhacaan.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

"xildhibaanka ka mid ah xildhinaanada TNGga"

 

whats that suppose to be and what the heck is he suppose to do, i gues its another fool who put tittle on himself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

^^^^well i guess that is the messed up perogative of every warlord left over from siyaads era.....eh lest you did not get it that includes Riyoode.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Mobb_Deep:

It thought the "terrorist" were alleged to be from Puntland and were supported by Abdiqasim according to Somaliland media na'mean.

Mobb the article posted by Konweyn is from... Somaliland media . There are different versions given, you can either wait and see outcome or decide which one to believe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kowneyn   

Ayub:

 

The only other version I have seen is haatuf and I believe the english version is run by an individual by the name of Jamal Gaboobe a very biased hawkish editor and certainly willing to massage and spin instead of telling it like it is.

 

Mobb Deep:

 

The TNG official got it wrong, yes the Guurti, Saleeban Gaal and others with vested personal interest were an obstacle and did undermine the democratic rights of the people of Somaliland; But there is no such east-west divide in the way he describes. In fact, KULMIYE by far the most popular party unites east and west in almost equal proportions. There is however, a problematic constituency since the days of the SNM who have found an opportunity in Rayaale and who are continuing their evil work of destablization and subversion of Somaliland. I pray ALLAH will make them reap bitter harvest.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this