Sign in to follow this  
Abwaan

Xil iyo jago qaran mise mid beeleed?

Recommended Posts

Abwaan   

Jen. Muumin Ibraahim ***** oo ka soo horjeestay magacaabistii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu sameeyay Ra'iisal Wasaare Geedi

 

Talaado, May 24, 2005(HOL)@15:00GMT: Jen. Muumin Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Beesha Bay/Bakool ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi waxaa uu ku sheegay in magacaabistii uu sameeyay Ra'iisal Wasaare Geedi ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ahayd mid aan cadaalad ahayn.

 

Jen. Muumin waxaa uu sheegay in jagadaas magacaabisteedu ay ahayd mid aan loo marin wadadii sax ahayd, wuxuuna ku dooday in ninka loo magacaabay xilkaas ee lagu magacaabo Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) uu ahaa nin aan aqoon u lahayn arrimaha Booliska, wuxuuna ahaa sida uu yiri nin Hangash ah oo aaney weliba darajadiisa gaarsiisneyn in uu hoggaamiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, inkastoo Cali Madoobe oo horay Korneel u ahaa loo dalacsiiyay Sareeye Guuto markii la magacaabay.

 

Jan. Muumin waxaa uu ku cel celiyay in ay xilkaasi xaq u leedahay Beesha Bay/Bakool oo sida uu yiri awood qeybsi ahaan u heleysa, inkastoo la sheegayo in Taliyaha cusub ee la magacaabay uu qudhiisa yahay nin ka soo jeeda beeshaasi hayeeshee uu Jen. Muumin rabay in isaga xilkaas loo magacaabo.

 

Magacaabistan Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xiisad ka dhex abuurtay Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirka Amniga Qaranka Md. Maxamed Qanyare Afrax oo xilkaas u magacaabay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, wuxuuna Ra'iisal wasaaruhu sheegay in uusan Wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa dikreeto ku magacaabi karin saraakiil dowladeed, kaliyana uu leeyahay soo jeedin, halka Maxamed Qanyare-na uu ku dooday in magacaabistan uu Ra'iisal Wasaaraha horay ugu fasaxay, iyadoo wasaaradda uu madaxda ka yahay ee Amniga Qaranka ay hoos yimaadaan afar waaxood oo ay ku jirto tan Taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

[ May 25, 2005, 04:13 AM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

maba la yaabeen haddii dhaleecayntu ku egtahay qofkaani xilkaan uma qalmo waayo uma lahan aqoon amaba dad u qalma ayaa ka badan laakiin Beesheennaa iska leh waa arrin la yaab leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this