Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Sidee Udhacday Doodii Baarlamaanka ee maanta

Recommended Posts

Faahfaahin Kulankii Baarlamanka Maanta ee ku dhamaadey Gacan ka hadalka

 

Nairobi-17.March.2005

 

 

Fadhigii maanta ay ku yeesheen Hoolka shirarka ee Hotel-ka Grand Regency ee Magaalada Nairobi Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii uu xaley ku dhawaaqey Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan in Xildhibaanadu ay isku yimaadaan.

 

Kulankaas oo uu iclaamiyey Gudoomiyuhu in Xildhibaanadu ay kaga hadlayaan ama kaga doodayaan arinta Ciidamo ka socda Wadamada shisheeye la keeno Dalka Soomaaliya.

 

Kulankan uu xaley ku dhawaaqey Gudoomiyuha Baarlamanka inay yeelanayaan Xildhibaanada ayaa waxaa la sheegay in ay Xukuumadu codsatey in maalin dib loo dhigo ilaa iyo inta Xubnaha Baarlamanka iyo Wasiirada ee ka maqan Magaalada Nairobi ay soo laabanayaan.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay in uu diidey codsigii Xukuumada waxaana kulamo kala duwan oo ay yeesheen Madaxweynaha, Ra'isalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka iyo xubno kale ay ku soo dhamaadeen kuwa aan laga gaarin natiijo, waxayna ka dambeysay ka dib markii Shariif Xasan uu si rasmi ah u sheegay in Kulanka Baarlamanka uu dhacayo.

 

Saaka waaberigii ayaa waxaa Xildhibaanadu u soo kalaheen Hotel-ka Grand Regency halkaasi oo ay ahayd madal la isku balansadey si loogu kala baxo arinta dooda iyo muranka maalmahan keentey oo ahayd ciidamada shisheeye ee la doonayo in dalka la keeno.

 

Kulankan maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamanka ayaa wuxuu aad uga duwanaa kulamadii kale ee ay horey yeelan jireen waxaa aad loo adkeeyey amaanka goobtii Hotel-ka waxaa si wayn loo baarey Xildhibaanada Baarlamaanka iyo xubnihii kale ee fadhiga doonayey inay goob joog ka ahaadaan, xitaa gawaarida soo galeysay Hotel-ka ayaa waxay ahaayeen kuwa si weyn loo baarayey.

 

Waxyaabaha cajiibka leh ee kulankii maanta ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in Saxaafada si wayn loo kala saarey, iyadoo inta badan Suxufiyiinta lagu celiyey kadinka hore ee hoolkii uu ka socdey shirka, Wariyaasha Idaacada SBC ayaa waxay ka mid ahaayeen Tiro Suxufiyiin ah oo loo diidey inay galaan Gudaha taasi oo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa, balse aheyd Xadgudub lagu sameeyey Xoriyada Saxaafada iyo waliba Suxufiyiintaas oo mudo 3 sano ku dhaw wararka ka soo tabinayey Shirkii Soomaalida ee lagu dhisey DFKMG ah ee Soomaalida.

 

Kulankaas ayaa waxaa uu furmey saacadu markii ay aheyd 10:30 subaxnimo, waxaase intii uusan kulankaas bilaabin yimid goobtii shirka Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isalwasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geedi waxayna kulan kooban ku yeesheen goobtii iyadoo markiiba uu Madaxweynuhu ka tagey goobtii waxaase ku harey Cali Maxamed Geedi.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan ayaa wuxuu ku soo dhaweeyey Cod baahiyaha Ra'salwasaaraha Cali Maxamed Geedi si uu uga jeediyo khudbada uu ku soo tala galey, waxaana Cali Maxamed Geedi uu ku nuuxnuuxsadey in ay muhiim tahay in kulanku uu noqdo mid si saraaxad leh looga doodo Hindisaha Xukuumada ah ee in Baarlamanku cod u qaado ciidamada ka socda Wadamada Carabta iyo Afrikaanka ee la doonayo in la keeno Dalka. Cali Maxamed Geedi waxaa kale oo uu sheegay in xubnaha maanta goobta fadhiyaa inay gacanta ku hayaan masiirkii Umadda, isla markaana ay muhiim tahay inay si Dimuqraadiyad leh uga doodaan soo jeedinta Xukuumada.

Intii markii uu jeediyey Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa hadalkii qaatey Shariif Xasan waxaana uu furey doodihii waxaa la siiyey Xildhiban kasta 3 daqiiqo oo uu ku soo bandhigayo waxa uu ka qabo fikrada Xukuumada ay soo jeedisay, Xildhibaanadii goobta ka hadley ayaa waxay siyaabo kala duwan uga hadleen amuurta Ciidamada iyadoo Xubnihii hadley ay si weyn ugu kala duwanayeen fikradaha ku aadan Ciidamada Safka hore oo xubnaha qaar ay si weyn uga soo horjeedeen in Ciidamadaas ay yimaadaan Dalka, halka Xubno kale ay sheegeen inaan lakala qaadin Ciidamada oo dalalka dariska ah aan laga abaal dhicin.

 

Khubadihi halkaasi laga jeediyey ayaa waxay inta badan ahaayeen kuwa qaarkood ay ka muuqatey nacayb kooxiba u qabtey kooxda kale ee fikradaha ay ku kala duwan yihiin ,waxaana jirey Xildhibaanada qaar oo ay ka muuqatey Khudbadoohoda hanjabaad iyo caro xoog leh.

 

Khubadihii maanta halkaasi laga jeediyey ayaa waxaa waxyaabihii aan ka qorney waxaa ka mid ahaa Xildhibaan soo jeediyey in shirkan maanta uu yahay kii ugu dambeeyey ee Xukuumadu ay yeelato oo ay halkaas ku burburi doonto wixii la soo wadey mudada labada sano ah waa hadii buu yiri uu Baarlamanku uu ansixiyo keenista Ciidamda, Xildhibaan kale oo ay fikirka ku kala duwanaayeen ayaa yiri" Kuwa diidan in dalka la keeno Ciidamo shisheeye waa kuwa xooga ku haysta dhul iyo beero aysan laheyn"

 

Mid kale oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hadley ayaa wuxuu isna yiri" Hadii dalka la keeno ciidamo ka socda Wadanka Itoobiya aniga ayaa is qarxinaya"

Xildhibaan kale oo firkad taas ka duwan qaba ayaa wuxuu yiri" Itoobiya waxay badbaadisey Asxaabtii Nabiga Nabad galyo iyo naxariis korkiisa EEBE ha yeelee, sidaasi darteed inay na badbaadiso ayaan doonayna "

 

Hadaladaas ka dib inta badan Xildhibaanadu uu midba jeediyey fikradihisa ayaa waxaa loo baxay xili qado iyo salaad ka dib waa la isku soo laabtey, waxaa sii bilowdey khudbadihii.

 

Goor casir liiqii ah ayaa la soo afmeeray khudbadihii waxaana hadalkii qaatey Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan wuxuu sheegay in ay dhamaadeen khudabadihii, isla markaana hada la galayo codeyntii wuxuu sheegay in codeyntu ay noqon doonto hab qarsoodi ah oo xildhibaan kasta uu codkiisa ku dhiibanayo si qarsoon.

 

Shariifka oo xiligaas is ag fadhiyeen Ra'isalwasaare Geedi ayaa wuxu ku dhaawaqey in loo codeyn doono in dalka la keeno Ciidamo ka socda Wadamada Carabta iyo Afrika iyadoo aysan ku jirin kuwa dariska la ah Soomaaliya waxaana la keenay waraaqo ay ku qoran yihiin arimhaas iyo laba sanduuq oo ay ku kala qoran yihiin Haa iyo Maya oo laga wado in cidii qabta in dalka la keeno Ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan kuwa dalalka dariska la keeno Dalka ay u codeeyaan Haa, halka kuwa kale ee diidan Ciidamada wadamada dariska ah ay ku codeeyaan Maya.

 

Arintaas uu soo jeediyey Shariif Xasan ayaa waxaa si wayn uga horyimid Ra'salwasaaraha wuxuuna sheegay in qorshihii uu la yimid uusan sidaasi ahayn, wuxuu sheegay in Baarlamanka ay u taal iyadoon la qaadin in Ciidamo ka socda Wadamada Carabta iyo Afrika la keeno wadanka iyo inay diidan gabi ahaanba. Laakin hadalkaasi Shariifka madaxa ayuu ka ruxey wuxuuna sheegay in sida uu isagu uu wado loo codeyn doono, sidaasna ay ku bilaabto codeyntii.

 

Markiiba waxaa bilowdey buuq iyo sawaxan waxaa meeshii ka dhacay guux iyo hadalo hoose, daqiiqdo gudahood ayaa waxaa la dardarey Sanaadiiqdii Cod bixinta waxaa bilowdey in kuleetiga la is qabsado, durbadiiba waxaa meeshii isku fara saarey laba Xildhibaan, waxaase amuurtii ay isku badashey gacan ka hadal saf iyo saf ah oo laba laba la isku qabsadey. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxay adeegsanayeen Ulo iyo Bakoorado halka kuwa kale ay Gacmahooda iyo Feerka maalayeen, waxba la iskuma harin, Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu isku dayey in uu ku hadlo Cod baahiye oo uu xaalada qaboojiyo laakin cidina dhag jalaq uma siin, oo waxaa qof kasta uu miciin bidey halkii uu tiigsan lahaa, walow Xildhibaanada qaar ay ahaayeen kuwa u muuqdey inayba doonayeen jimicsiga feerka oo ay Riingaha deg deg u tageen.

 

Goobta waxaa ku sugnaa Ciidamada amaanka ee Wadanka Kenya gaar ahaan kuwa si gaar ah u qaabilsanaa amaanka Ra'salwasaaraha iyo Gudoomiyaha, waxayna markiiba Ciidamada amaanku damiyeen leyrkii ka shidnaa Hoolkii ay ku shirayeen Xildhibaanada Baarlamanka oo iyagu si weyn feerku ugu dhex socdey, Leyrkii markii uu damey ayaa waxaa Xildhibaanadu bilaabeen inay xiisada qaboojiyaan. Kulankii ayaa waxaa uu ku soo dhamaadey feer iyo fara laab waxaana meeshii ku kala yaacey dadkii ku sugnaa goobta, iyadoo ay jireen Xildhibaanada qaar iyo Wasiirada oo dhiig ku daadanayey.

 

Dhaawac ayaa wuxuu soo gaarey tiro xubno Baarlamanka ah iyo Wasiirada, xubanaha dhaawacyadu soo gaareen ayaa waxaa ka mid ahaa C/laahi Geedi Shadoor, Xildhibaan Cabdiladiif, Xildhibaan Cabdi Kaafi, Wasiir Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmadheere), Macalin Jiis, Cali Baashi Xaaji, iyo xubno kale oo fara badan oo aynan helin magacyadooda .

 

Si kastaba ha ahaatee kulankii Baarlamanka ee maanta ayaa ku soo dhamaadey iyadoon wax natiijo ah ka soo bixin, kala fogaansho Xukuumada dhexdeeda, Dhaawac soo gaarey Xubnaha Wasiirada iyo Baarlamanka.

 

 

Afeef: waxaan saaxiibaayal warbixinta ku soo qaadaney waxyaabihii ugu waa weynaa inagoo qiimeynayna waqtoga ayaynu soo koobnay Qoraalka, waxaana ka gudubney khudbadihii maanta la jeediyey badankood sababo hadalo caadifad oo inta ka muuqdey.

 

Wariyaasha Idaacada SBC ee Nairobi Canab Mumtaaz, Keyse Caamir & Wariyaasha Xarunta SBC ee Boosaaso.

 

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this