Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali National Security forces secure capital

Recommended Posts

Ciidamada Dawlada oo maanta hawlgal balaaran ka sameeyay xaafadda Dharkaynley iyo deegaano ku xeeran.

 

Saaka waaberigii ayay soo galeen xaafadda dharkaynley iyo deegaano ku xeeran ciidamo si aad ah ugu hubaysan Gaadiidka dagaalka oo ka tirsan Kuwa Dawlada Somaliya iyagoo halkaasi ka bilaabay hawlgalo baaxadle oo lagu baarayay guryaha iyo meheradaha intaba iyadoo hawlgalkaasi lagu soo qab qabtay dad kor udhaafaya 140 qof oo sida la sheegay lagu tuhmay inay qayb ka yihiin falal amaan daro oo ka dhacay degmadaasi.

 

Ciidamada Dawlada oo ku hubaysnaa tigniko kor udhaafaysa 80 gaari ayaa isku gadaamay Xaafadda Dharkaynley iyo deegaanada ku xeeran iyagoo dadka aan u kala aabayeelayn ee si siman baaritaan xoogan ugu samaynayay.

 

Waxaa ciidamado hawlgalkaasi ku qabqabteen dad gaaray 140 qof iyadoo lagu daabulay gaadiidka qafilan oo maxaabiista lagu qaado kuwaasoo horay ciidamadu u wateen dadkana lagu gurayay qofkii la qabto.

 

Ciidamada waxa horkacayay saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka banaadir iyadoo si aad ah loo baarayay guryaha deegaanka ah meelaha qaarna looba diiday inay dadku soo galaan hawlo baaritaan oo si xoogan loogu sameeyay awgood.

 

Dadkii la qabqabtay ayaa intoodii badnayd la sii daayay maanta duhurnimadii kadib markii la ogaaday inay yihiin dad shacab ah iyadoo laga reebay dad gaaraya 25 qof kuwaasoo looga shakiyay ku lug lahaanshaha falal amaandaro.

 

Majirin wax iska hor imaadyo ah oo lagala horyimid ciidamada amaanka iyadoo aysan jirin maalmahan wax rabshado ah oo ka dhacay Gobolka Banaadir sababo lagu macneeyay kooxihii qaran diidka oo ilkaha laga guray.

 

Dadka qaar ayaa qaba in khilaaf baahsan oo soo kala dhexgalay xubnihii ku bahoobay rabshadaha muqdisho ay sababtay in gabi ahaanba laga itaal roonaado kooxihii nabad diidka ayna intoodii hartay u firxadeen gobolada kale iyo dhulka baadiyaha ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Caasumada Soomaaliya oo degan ka dib markii ciidamadu gaareen guulo la taaban karo.

12. januar 2008

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa soo hagaageysa Maalmihii ugu danbeeyey ,ayadoo amaanka Magaaladu caadi yahay oo aysan hada ka jirin dagaalo iyo qaraxyo horey Magaalada looga bartey.

 

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaliya ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey Magaalada ka wadey howlgalo xoog leh oo amaanka Magaalada lugu xasilinayo ,ayagoo siweyn Magaalada ay wax tar ugu noqdeen howlgalladaasi.

 

Xoogaga dowlada Soomaaliya ayaa soo qabtey intii badneyd kooxihii Qaraxyada iyo dagaalada ka fulinayay Magaalada Muqdisho ,ayagoo markaasina hada ku haya Xabsiyada Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

 

Magaalada oo dhan wax rasaas ah kama dhicin 5-tii Maalmood iyo habeen ee lasoo dhaafay ,mana jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ka dhan nabadgalyada Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho ,inkastoo ay ciidamadu ku jiraan feeginaan dheeri ah.

 

Boolis fara badan iyo ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa si tarabtabar ah magaalada loo keenay Labadii Maalmood ee ugu danbeysay ,taasoo cabsi iyo wal wal ku abuurtay Kooxaha ka soo horjeeda nabadgalyada Soomaaliya.

 

Saraakiisha Milateriga iyo Booliska ayaa sheegay in ay xasilinayaan Magaalada ,lana mid dhigayaan Caasumadaha caalamka Aduunka ,isla markaasna hada ay bilaabeen adeegsiga xeelado wax looga qabanayo Nabad-diidayaasha.

 

"Waxa ay nala tahay amaanka Magaaladu waa sugan yahay ,waana wadi doonaa mana joojin doono soo celinta nabadgalyada Magaalo madaxda Soomaaliyeed ee Xamar ,ilamana ah in Magaalada amaankeeda layska daayo waayo ciidankeena waxaan ujoognaa una taaganahay nabad soo celinta Soomaaliya" Ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Taliyaasha ciidamada kala duwan ee Magaalada Muqdisho jooga ayaa maanta kulan leh ,kaasoo ay uga hadlayaan sidii amaanka Magaalada loo sii labo jibaari lahaa ,si loo gaaro guulo la taaban karo oo amaanka Magaalada ku saleysan.

 

Amaanku soo laabashada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay xili ay Madaxda dowlada Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqeen ,in sannadkan Cusub ee 2008-da Magaalada laga dhigayo nabad ayadoo dadaaal walba iyo dhaqaale walba dowladu ku bixineyso amaanka sidii loo soo celin lahaa Soomaaliya.

 

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada ayaa soo dhaweeyey nabadgalyada ,waxa ayna ka nasteen dagaalo iyo qaraxyo lala beegsanayay bilo ay dowladu gacanta ku heysay Magaalo Madaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ,waxa ayna soo xusuusteen bilo ay magaaladu nabad ahayd.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Booliska Oo Baaritaano Guri Guri Ah Ka Sameeyay Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho

Posted to the MOL January 12, 2008, 7:11 am

 

Ciidamada Booliska dowlada KMG ayaa maanta howlgalo baartitaano oo xoogan ka sameeyay degmada Dharkeyleey ee magaalada Muqdisho. Baaritaanada maanta oo aan horay looga sameeyn deegaanadasi ayaa ahaa kuwo Gur Guri loo sameeynayay .

 

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada booliska dad badan ay halkaasi ka qab qabteen oo ay ku jiraan dad si weyn looga yaqaan deegaanka. Ciidamada booliska ayaa lagu soo toosay iyaga oo isku fidiyay deegaanka Dharkeyleey waxaana la baarayay dadka socotada ah.

 

Lama soo sheegin wax hub ah oo ay ku heleen howlgalka oo ahaa mid si kedis ah ku dhacay , waxa uuna soo baxayaa xilli dhawaan baritaano laga sameeyay Xamar Weyne lagu helay hubka yo walxaha qarxa .

 

Howlgaladaani ayaa soo baxayaa xilli xaaladda magaalada ay ka yara degan tahay sidii hore oo ay yaraadeen qaraxyadii iyo iska hor imaadyadii ka dhacayay magaalada taasi oo ka dambeysay markii la waqiiqay awoodii kooxihii wax qarxinayay.

Wax war ah oo ka soo baxay taliska booliska ma jiraan waxaase horay u sheegeen in howl galada soconayaan .

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho oo xasiloon

12 Jan 12, 2008 - 5:18:17 AM

 

Magaalada Muqdisho oo ahayd meel looga bartay Qaraxyo iyo iska-horimaadyo u dhexeeya ciidamada DF, kuwa Itoobiya, Ciidamada AMISOM iyo kooxaha dagallada kala horjeeda ayaa habeennadii ugu dambeyay ahayd mid aad u daggan.

 

Degmooyinka inta badan ay ka dhicin jireen rabshadaha ee Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa ahaa goobihii ugu nabdoonaa habeennadii ugu dambeeyay, waxaana goobjoogayaal ku sugan xaafadahaas sheegeen inaysan jirin wax rasaas iyo madaafiic ah oo ka dhacday deegaannadooda.

 

Gawarida dadweynaha oo ahaa kuwo aad ugu yaraa deegannadas ayaa soo kordhaya, isla markaana maraya waddooyin aanay horay u mari jiray, iyadoo dadka deegaanadaasna ay soo dhaweeyeen nabadda bidhaantay.

 

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dambeysay inay hakad geliyaan kooxaha dagaallada ka horjeeda DF weerarradii gaadmada ahaa ee ay ku qaadi jireen saldhigga ciidamada DF iyo kuwa Itoobiya.

 

Dadka deegaanka Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynaya soo galeen xaafaddooda, taasoo ay sheegeen inay cabsi weyn ku beertay.

 

Qaar ka mid ah dadkaas oo ay GO la hadashay ayaa sheegay inaysan uga baran ciidamada Itoobiya inay gudaha u soo galaan xilliyada habeenkii xaafadddooda, balse ay tani layaab ku noqotay, iyadoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay dib saakay uga baxeen Xamar-jadiid.

 

Dhanka kale; weli waxaa xiran wadooyinkii ay ka socdeen howlgalladii ciidamada DF iyo kuwa Itoobiya ka sameeyeen Muqdisho dabayaqadii sannadkii hore, sida Waddada dheer ee wadnaha oo dhanka koonfured ka marta Suuqa Bakaraha, Waddada Sodonka oo dhanka Waqooyi ka marta Bakaaraha iyo waddada hormarta Tarabuunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Mogadishu is twice the size of Hargaysa-Burco-Berbera put together.

 

It was the city famous for its 100,000 armed individuals and thriving gun market.

 

Today its under the control of the TFG..

Thus we are securing it, piece by piece.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this