Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf on a state visit to Uganda..

Recommended Posts

Muqdisho:Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

14. maj 2007

 

AMuqdisho(AllPuntland)-Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxa ay maanta ka dhoofeen magaalada Muqdisho ee caasumada wadanka Soomaaliya.

 

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay ku sii jeedaan Wadanka Ugandha waxaana lasheegay in uu Casumaad ka helay madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni,waxaana ku waheliya madaxweynaha safarkiisa safiirka dawlada Soomaaliya ee imaaraatka carabta Axmed Maxamed Cigaal.

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa wadanka Ugandha ayaa waxaa lafilayaa in ay kawada hadlaan aramihii ugu danbeeyey ee Soomaaliya ka soo kordhay,gaar ahaan arimaha ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Ugandha ee AMISOM.

 

Madaxweynaha Uganda Uweri Musafini oo isagu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee ka dhabeeya ciidamo uu u soo diro Somalia ayaa la filayaa in isaga iyo Madaxweynaha dawlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed in ay ka wada hadlaan sidii amaan iyo nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa dalka Somalia.

 

Safarkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aaday,ayadoo Dawlada Soomaaliya ay lawareegtay guud ahaan Caasumada wadanka Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo u duulay Kampala

 

 

Jowhar 14, May.07 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Kampala ee dalka Uganda.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo socdaalkiisa uu ku wehliyay safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia, ayaa waxa uu ku baxay casuumad uu ka helay dhigiisa dalka Uganda Uveri Musafini.

 

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada xaajoodaan qodobo dhowr ah oo ku aadan arimaha Somalia gaar ahaan arimaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyo kuwa kale ee la filayo in ay yimaadaan Somalia.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa la qorsheynayaa in uu faahfaahin dheeraad ah ka siiyo dhiggiisa dalkaasi howlaha dowladdiisa ay ka wado magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia iyo ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Uganda Uweri Musafini oo isagu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee ka dhabeeya ciidamo uu u soo diro Somalia ayaa la filayaa in isaga iyo C/laahi Yuusuf ay ka wada hadlaan sidii amaan iyo nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa dalka Somalia.

 

Socdaalka Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ciidamada AMISOM ay ka wadaan howl-gallo baaxad leh oo ay ugu horreyso howsha miino baarista iyo dhinaca bani'aadnimada

 

Shabelle Media Network Sh/dhexe

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Duke:

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo u duulay Kampala

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada xaajoodaan qodobo dhowr ah oo ku aadan arimaha Somalia gaar ahaan arimaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyo kuwa kale ee la filayo in ay yimaadaan Somalia.

 

Great news Mr Duke I wish all the best for Elpersedenta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo u dhoofey Uganda

14 May 14, 2007 - 9:30:13 AM

 

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u duulay magaalada Kampala ee dalka Ugandha.

 

Madaxweynaha oo casuumaad ka helay Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyo sidii loo soo dhameystiri lahaa qeybaha kale ee harsan.

 

Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ciidamada AMISOM ay ka wadaan magaalada Muqdisho howlo hubka ay ku aruurinayaan, waxayna maanta qarxiyeen hub fara badan oo xaafaddaha Muqdisho ay ka soo aruuriyeen.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this