Sign in to follow this  
Xudeedi

Desperate SSDF President Calls VOA Reporter Ali Xaraare a Clannist in Regards to Atam

Recommended Posts

Xudeedi   

Galgala Hala Weeraro Laascaanoodna Fadlan Nabad uga Baxa Mr Faroole

By xarago • August 2, 2010 • Post a comment

(MMN) Boosaaso: Madaxweynaha Maamul Goboleedka P/land Mr C/raxmaan Faroole ayaa marlabaad ku baaqay in dagaal lala galo Ciidamda Ilaalinte Deegaanka ee Galgala Ku sugan waxaanu hadalkaa habeenkii xalay ahaa ka jeediyay isagoo ka hadlaya xafladii lagu soo dhawaynayay aas aaskii p/land oo 12 jirsatay maalintii shalay ahayd

 

Waxaanu halkaa ka akhriyay khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa sida wax qabadka intuu xilka hayay xidhiidhka ka dhexeeya p/land iyo DKMS wuxuu kaloo aad usoo dhaweeyey heshiiska ay gaadheen Jabada UWSF iyo dowlada itoobiya waxa kale uu uu iftiimiyay inay yareeyen maraakiibtii laga soo afduubi jiray bada saldhigna u ahayd magaalada Eyl

 

Hadaba waxa iswaydiin leh maruu xalay Madaxweynuhu ka hadlay halka ay ka taagan yihiin haysashada laascaanood ayuu baaq nabadeed u diray Maamulak cusub ee la wareegay talada somaliland waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ““Laascaanood waa Puntland sinaba gorgortan loogama geli karo, waxaan ugu baaqayaa maamulka cusub in aanu marin wadadii kii hore ee uu ilaaliyo dersnimada iyo walaalnimada. ” ayuu yiri Dr.Faroole.

 

Hadaba waxa aynu wada ogsoonahay in Laascaanood ay ka taliyaan Somaliland. waxaanu sheegay inay Laascaanood P/land tahay si nabadana looga baxo waana mid uu mar walba ujeedo maamulka Xooga ku haysta Laascaanood laakiin dheg jalaq uma siiyaan codsiga yaree ka yimaada Faroole waxaan nabad ahayn oo uu laascaanood kaga saaraya ma sheegin Madaxweyne Faroole

 

Dhinaca kale waxa faroole ku baaqay in dagaal lala galo ciidamada ilaalinta deegaanka ee Galgala ku sugan waxaanu caalamka ugu baaqay ina laga caawiyo siduu dagaal ula gelilahaa ciidamaas waana mid anfariir ku riday shacabka reer P/alnd waxaana hadaladiisii xalay ka mid ahaa”waa in la iska qabto oo lala dagaalamo kuwa ku jira buuraha Galgala isaga oo ula jeeday Ciidamada ka amarqaata wadaadka la yiraahdo Shiikh Attom kuwaas oo dagaal toos ah dhexmaray iyaga iyo ciidanka Puntland,

 

Waxayse iswaydiintu tahay yaa mudan in lala dagaalamo ma Galgala mise Gobolka maqan ee Sool kaas oo ilaa hada cidaba iswaydiin maxayse daaran tahay qayla dhaanta soo noqnonaysa ee Faroole warbaahinta ka jeedinayo in dagaal wax lagu xaliyo iyadoo Isimadii Gobolka Haylaan u baqooleen siday u soo afjari lahaayeen shaqaaqadan ka taagan Galgala oo ah ta keliya ee lagu xalin karo waxaana halkaa ka cad in Faroole aanu doonayn in wadahadal wax lagu xaliyo xabad mooye waxaana dagaalkan daba ka riixaya qolada la baxday PIS oo aad moodidba inay taladii maamulka ay la wareegeen

 

Hadaba maxay tahay kaalinta kaga aadan Madaxda reer Maakhir ee ku jira Maamulka Faroole

 

1. Waa in ay la wareegaan qadiyada Galgala loona daba fadhiista wax alaale iyo wixii ku saabsan gobolka xurguftu ka taagan tahay ee Haylaan waana inay dhagaha u raaricayaan Madaxda reer Maakhir erayada ka soo yeeraya hogaamiyaha Atam

2. Waan in ay maamulka Faroole ku khasbaan in ciidamada laga kor qaadaa dadka birmagaynada ah

3. Waa in laga warsugo Isimada ku howlan sidii ay usoo afjari lahaayeen arinta Galgala iyadoon la carqaladaynayn nabadeynta ay wadaan odayaashu madaama xalay uu ku dhawaaqay in lala dagaalamo Ciidamada ku sugan Galgala Mr Faroole

4. Waa in madaxweyne ku xigeenka p/land aanu faraha la soo gelin qadiyada Galgala madaama gobolkii uu kasoo jeeday gacantiisla laga fara maroojiyay dibna aanu ugu noqon magaaladii laga qabsaday ee laascaanood kuna ekaadaa sidii uu u xoraysan lahaa gobolka uu ka yimi lagana joojiyaa dhaqdhaqaaqyada uu ka wado hada Boosaaso

5. Waa in la tirtiraa Hayada PISta oo mashruucan Dagaalka daba ka riixaysa Ciidamadeena lagu daraa kuwa daraawiishta p/land madaama ay yihiin ciidamo beeleed khaasa oo aan ka amar qaadan maamulka Faroole loogana arimiyo Qardho iyo Jabuuti

Hadii qodobadaas la raaco waxa soo af jarmaya mashaqada ka taagan Gobolka hadiise lagu adkaysto in dagaal wax lagu xaliyo waxa imanaysa in uu bur bur ku imandoono maamulka p/land ee shalayto 12 jirsaday waxaanu afka saarayaa wadadii khasaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this