Sign in to follow this  
Liibaan

Baalaxooftada Warlord/Dhiigyacab Siilaanyo

Recommended Posts

Liibaan   

BAALAXOOFTADA GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

 

 

22/05/10

 

 

“AMA LA I DOOREY AMA DAADKU HA QAADO: WAA HEES WALWAALEDA XISBIGA KULMIYE EE OLOLAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA; WAA HADDII UMMADDA DALKA LIHI AQBASHO.”

 

Iyadoon ololihii doorashadii si rasmi ah weli loogu dhawaaqin ayaa durba madaxdii Xisbiga Kulmiye waxa ka soo yeedhaya hanjebaado aan hore looga baran. Cagajugleynta iyo handadaada Kulmiye waxay ku koobnaan jirtay kuna jihaysnayd xukuumadda dalka ka talisa waana arrin hore ruqsad loogu siiyey. Laga soo bilaabo bishii Abril, 2010, Waxa si isdabajoog ah uga soo burqanaya hawlwadeenada xisbigaba hanjebaado qaawan iyo dardaarwerin si gaar ah ugu wajahan ganacsato reer Somaliland iyo waxa lagu magacaabo xukuumad wakhtigeedii dhammaaday ama ku-meel gaadh ah ( Care-taker government/Transitional government). Waxa ugu dambeeyey wareysi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud siiyey Shebekedda warbaahinta ee hadhwanaagnews bishan May 14, 2010. Wareysiga Guddoomiyaha ayaa xambaarsanaa digniin culus oo kama dambeys ah oo uu u jeediyey ganacsade dalka u dhashay oo ku dedaalaya in maalkiisa gashado.

 

Waxa intaa dheer dhammaan mareegaha warbaahinta iyo Idaacadda Horyaal ee toos u hoos yimaada Xisbiga Kulmiye ayaa hawl maalmeedkoodii noqday ganacsade reer Jibouti ah oon dalka u dhalan ayaa huntidii qaranka si sharci darro ah u boobaya. Waa su’aale: Jinsiyadda Somaliland ma Xisbiga Kulmiye iyo inta taageerta aya bixisa? Aragtiyaha noocaas ah ee cid si gaar ah u takooraya ayaa kow ka ah xagjirnimada Xixbiga Kulmiye ku caanow maalaye dib isugu noqda oo hab dhaqankiina siyaasadeeda deg deg wax uga bedela, ummaddana soo hordhiga wax cuntama oon ka ahayn dagaal iyo xoog ayaanu wax ku muquunin.

 

QODOBKA 1: DIGNIINTA/HANJEBAADA GANACSATADA DALKA

 

Muwaadinka maalkiisii dalka kaga fulinaya mashaariic isgaadhsiineed oo casri ah waxa uu inaga mudanyahay hambalyo iyo bogaadin. Mashuurcan waxa la damacsanaa in la hirgeliyo sideetameeyadii xiligii Afweyne Somalia ka talinayey, hase ahaatee dowladdii soomaaliyeed ayaa toos isu hortaagtay markay shirkadihii mushruuca waday ay soo jeediyeen in halka geeska Afrika ugu habooni tahay Berbera. Sidaas ayu mashruucii ku hakaday. Dalka dhaliyadiisii waxa ragaadisey shaqo la’aan oo waa kuwaa maalin walba tahtiibaya ee badaha naftoodii ku biimeynaya. Sida warbaahinta dalku shaacisey mashruucan inta uu socdo waxa shaqo ka heli doona dad ku dhow 10,000 qof; marka mashruuc dhammadana dad aa u tiro badan ayaa shaqo joogta ah ka helidoona. Taasina waxay suurto gelindoontaa in dhalinyaradu dalka ku negaato.

 

Hadaba haddii muwaadin reer Somaliland ihi dib u soo nooleeyey mashruucan, hantidiisii gaar ka ahayd ku fulinayo, waxaan marnaba haboonayn in hiif, haaraan, iyo hanjebaad lagala hortago. Waxa kale oo xusid mudan in aanu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye xaq iyo awood midna u lahayn in uu yidhaa marka xisbigaygu talada dalka ku guuleysto, heshiisyada xukuumadda xilku ka dhammaaday la gasho ganacsatada caalamka iyo kuwa wadaniga ahba waxa noqondoonaan waxba kama jiraan (Null and void). Muwaadinka dalka maalgelinaya ma la weydiiyey in uu diyaar u yahay in uu heshiiska Golaha Wakiilada horgeynayo intaan weerarka dhinac walba laga ekeysiin?

 

Waxaynu aragnaa durba Xaajigii oo seeftii xujaaj Ibn Yuusuf Al-Thaqafi galka saaray- Xujaaj wuxu badhasaab ka ahaa Ciraaq: Maalin Jimce ah ayuu masaajid khudbaddii jimcaha ka akhriyey , oo wuxu Yidhi :

 

“ Yaa ahlal Al-Ciraaq, yaa ahlul –Alnifaaq, wal kufr; innii araa ru’usan qad aynacad wa xaan waqtul qidaafihaa; la tacrifuunii mata addicu cimaamatii.”= “Reer Ciraaqoow inta gaalnimo iyo munaafaqadda ehelka u noqotaae; waxan arkaa madaxyo bislaaday oo waqtigii la goyn lahaa gaadhay; marka aan cumaamadda iska rogo ayeydun igaran.”

Hadalkaasi muxuu dadweynaha dareensiinayaa? Wuxu inna xasuusinayaa qudhaanjadii ka argagaxday ciidamadii Nebi Suleymaan. Suurada An-Naml waxa jira aayadahan:

 

“Wa xushira li-Suleymaana junuuduhu min-al Jinni wal Insi wad Dayri fa hum yuusacuun* Xattaa idaa attow cala waadi Namli qaalat namlatun: Yaa ayu hal namlu adkhuluu masaakinakum laa yaxdimanakum Suleymaanu wa Junuuduhu wa hum laa yashcuruun*”

 

Waxaweeye dadweynoow sida qudhaanjadaa ciidankii Nebi Suleymaan markay ka fajacaday tidhi: godka inagu hubsada ayaan ciidamada Nebi Suleymaan cidaadaha inaga dhigine. Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an in uu sida qudhaanjadaa dal iyo dadba dekan dekan kaga yeelo haddii sandule lagu dooranwaay. Doorashooyinkii lixdameeyadii ayaa waxa halhays u ahaa:

 

“AMA LA I DOOREY AMA DAADKU HA QAADO.”

 

“WAA HEES WALWAALEDA XISBIGA KULMIYE EE OLOLAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA; WAA HADDII UMMADDA DALKA LIHI AQBASHO.”

 

Iyadoo weli kursigan la isku maandhaafsanyahay jiro “Sidratal Muntaha” xaalkiisu waxa uu ku dambeyndoonan cidi ogayn, oo weliba uu gaadh dable ka hayo nin la yidhaa Dandaaf Golbakiyaan, xagee kalsoonida intan le’eg laga helay? Tan wax kale ayaa ka salag lehe bal ummadda reer Somaliland si aad ah ha u feejignaato.

 

 

Sideedaba waxa jirta marka nin siyaasi ihi doorasho u heensaysto waxa hubaal ah in uu ballanqaadyo farabadan hoos ahaan ula galo hadba cidda uu u arko in dhaqaale ka soo geleyo ee fududeyn karta hanashada mansabka uu ku taamayo. Waxa kale oo la ogsoonyahay in ganacsato badan Xisbiga Kulmiye toos u taageerto, waana u xor cidda ay hantidooda ku taageerayaan. Waxa iyana barbar taala in inta badan meelmarinta ballanqaadyada noocaas ihi noqdaan hal bacaad lagu lisay ama laf dhuun gashay oo lagu mergado, haddii Kulmiye ku guuleysto doorashada iyo haddii kaleba.

 

Sida ka dhadhamaysa cagajuglaynta Guddoomiyaha Xisbiga waxad mooda in mashruucan “Fiber-Optic” cid si gaar ah u taabanayo oo arrimo badan qarsooni jiraan oo xisbiga u qorsheysantahay in maamulka dhaqaalaha iyo hantida Qarankaba toos gacanta loogu geliyo ganacsatada sababtoo ah in muddo ahba waxa isasoo taraysa hadalhaynta arrimahan xoos ku xussan:

 

1) In dhammaan ilaha dhaqaalaha Qaranka sida Dekeda Berbera, Cashuuraha Beriga, Bangiyada, iyo dakhliga garoomada diyaaradaha lagu wareejiyo ganacsatada;

2) In baadhitaanka, soo saarista, maamulka, iyo dhoofinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka siday u dhanyihiin lagu wareejiyo ganacsatada;

3) In dhoofinta xoolaha nool la kooteeyo si tartan xalaal meesha uga baxo.

 

Arrimahan qaarkood ayaan sidoodaba u suurto geleyn. Maamulka iyo ururinta dakhliga Qaranka ayaan sinaba gacanta ugu geleyn ganacsatada dalka sababtoo ah waxa ka dhalan kara sebiga iyo dhallaankuba wey garan karaan; sidoo kale khayraadka dabiiciga ah ee ummadda Somaliland ka dhexeeya gacan ku hayntooda waxa mar walba iska leh xukuumadda inta la heleyo aqoontii iyo adduunkii hirgelin lahayd soosaarista khayraadka ku hoos jira beriga iyo badaba. Dhoofinta xoolaha nooli waa mid soo jireen waana laf dhabarta dhaqaalaha dalka; ganacsatada xoolaha nool ayaa iska lahayd suuq geynta iyo dhoofintaba; xukuumaduna waxay lahaan jirta dhowrista caafimaad qabka xoolaha. Sidaa darteed ayaanay caqli gal u ahayn in wax farogelin lagu sameeyo ganacsiga xoolaha nool.

 

QODOBKA 2: IYO DOWLADDA XILKEEDU DHAMMAADAY

 

 

Waxaynu had iyo jeer axsaabta mucaaridka ka maqalaa iyaga oo leh dowladdan mudadii xilkeedu dhammaaday heshiisyada ay cid la gashaa waxay noqondoonaan waxba kama jiraan marka aanu talada dalka qabano. Sida hadalka loo dhigayo iyo qaab-dhismeedka dowladnimo ee

Jamhuuriyadda Somaliland lagaga dhaqmo, sida Distoorka Qaranka ku cad ayaa ah laba arrimood oon marnaba la iswaafajin Karin.

 

Nidaamka barlamaaniga ah ee Wasiirka Koowaad awooda fulineed leeyahay, Madaxweynuhuna yahay mid awoodiisu Koobantahay, ayaa lagu dabaqaa weedhaha dowlad xilkeedii dhammaaday. Sida xildku kaga dhammaadaana waa ka dib marka ay kalsoonida barlamaanka cod ku weydo. Isla markaa ayaa lagu dhawaaqaa xiliga la qabanayo doorashada Wakiilada. Inta doorashada laga gaadhayo xukuumaddaa xilku ka dhammaaday wax heshiisyo cid lama geli karto; wax mashriic cusub ahna ma bilaabi karto. Su’aashu waxay tahay: Distoorka dalka Somaliland meelna ma kaga jirtaa wax lagu magacaabo Ra’iis-ul-Wasaare iyo wax la mid ihi? Jawaabta oo koobani waa maya. In kastoo barnaamijka Xisbiga Kulmiye ku jirto in nidaamka hadda aynu ku dhaqano uu wax ka bedelidoono hadduu talada dalka qabto, haddase sheekadaasi meesha ma taaloe wakhtigeeda ha sugu oo yaan laga hordicin.

 

Distoorka Somaliland waxa ay aad isugu dhowyihiin ka dowladda Maraykanka. Nidaam kaasina sida uu u dhigan yahay xukuumaddu marnaba kalsooni kuma weydo cod barlamaanku u qaado. Sidaa darted marka distoorkeena afti dadweyne lagu bedelo ayaa waxyaabaha hadda axsaabta mucaaridku ka hadlaysaa hirgelidoontaa; inta ka horeysa hadba xukuumadda dalka ka jirta heshiisyada ay gashaa waa sharci ilaa maalinta xukuumaddii bedeleysey xilka kala wareegeyso. Waxana shardi ah heshiisada laga ansixiyo Golaha Wakiilada.

 

Waxan ku soo gunaanadaya: Tacab bay dheh kol haddii maanta Somaliland marayso heer la yidhaa haddaan Xisbiga Kulmiye la dooran dal jirimaayo.

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this