Sign in to follow this  
Gabbal

Opposition Party Rejects Kahin As Somaliland President

Recommended Posts

Gabbal   

May 26, 2003

Posted to the web May 27, 2003

 

Nairobi

 

The main opposition party in the self-declared republic of Somaliland says it does not recognise the legitimacy of President Dahir Riyale Kahin, according to a statement issued by the party on Sunday.

 

A senior official of the Kulmiye (Solidarity) party told IRIN that it was prepared to talk to the ruling party, the Unity of Democrats Party (UDUB), "so long as they are not claiming to be the winners" of last month's elections.

 

Kahin of the UDUB, who had been the incumbent president, was confirmed as the winner of last month's disputed presidential election by the Somaliland High Court.

 

Kulmiye's presidential candidate, Ahmad Muhammad Silanyo - Kahin's main challenger, told IRIN at the time that his party "categorically rejected" the results of the 14 April election.

 

The Kulmiye senior official said the party "does not recognise UDUB as the winner of the elections. The court's ruling was not based on the facts, and is an injustice".

 

"In the national interest, we are calling on UDUB to come to the negotiating table without any preconditions, and as equals", he added. "Kulmiye will do everything in its power to safeguard the country's peace and stability."

 

Somaliland, a former British protectorate, declared independence from the rest of Somalia in 1991 after the collapse of the Siyad Barre government, but has not been internationally recognised.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Ka Nax oo nafta ha waayin

You try too hard HornAfrique,we don't need Swahili to mediate between us.

 

Madaxweyne Rayaale iyo Siilaanyo oo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ka ogolaaday Dhexdhexaadinta Khilaafka Labada dhinac

 

Hargeysa Jam)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa bilaaabay dedaal ay kaga hawlgalayaan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay natiijadii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee ka dhex oogmay xisbiyada UDUB iiyo KULMIYE, oo maalmahan dambe xiisadiidu sii kululaatay.

 

War-murtiyeed uu ururka SOLJA soo saaray xalay waxa ay ku sheegeen in labadii maalmood ee u dambeeyey ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, oo ay ka mid yihiin Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, iyo dhinaca hoggaanka UDUB oo ay la kulmeen madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, kuwaas oo ka codsaday inay labada dhinacba suurto geliyaan xaalad isu soo dhawaansho oo ka abuurmo jawi is faham oo lagu xalin karo mushkiladda taagan, iyo in labada dhinacba ay joojiyaan wixii dacaayado iyo yooyootan ah ee sii hurin kara khilaafka u dhexeeya labada dhinac oo u horseedi kara dalka nabad gelyo iyo burbur cawaaqib xumo keena.

 

SOLJA warmuriyeedka uu soo saaray waxa ay ku sheegeen in labada dhinac-ba codsiyadii ay u jeediyeen ay soo dhaweeyeen isla markaana ay ka ogolaadeen in ururka SOJA dhexdhexaadinta sii wada.

 

Warmurtiyeedka SOLJA soo saaray isaga oo faahfaahsan waxa uu qornaa sidan:

 

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) markii ay qiimayn ku sameeyeen marxaladda adag ee siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay xiligan, isla markaana ay derseen khilaafka iyo muranka siyaasadeed ee ka dhex oogan labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ee la xidhiidha ku dhawaaqistii natiijadii doorashadii Madaxtooyada, garwaaqsadeena inaanu shacbiga Somaliland xamil u lahayn khilaaf dambe oo siyaasadeed oo dalka ka dhaca, sidoo kalena ay u muuqatay inay arrimahani ku keeni karaan dalka burbur haddii ay sii socdaan, isla markaana ay cadaatay urur ahaan inuu cid kastaba uga faro dhuudhuuban yahay isu soo jiidka iyo dhexgalka, wuxuu isku xilsaaray inuu u hawl galo xalinta iyo turxaan bixinta khilaafkan siyaasadeed.

 

Ururka SOLJA isagoo ka duulaaya arrimahaas wuxuu ugu horayn la kulmay 27/5/03 madaxda sare ee xisbiga KULMIYE oo ay hormuud ka ahaayeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), mudane Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax oo ahaa murashaxiintii xisbiga KULMIYE ee jagada madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, waxaanu ka codsanay inay naga aqbalaan iyagoo eegaya maslaxada guud ee dalka iyo dadka Somaliland qodobadan:-

 

1. inay wax ka bedelaan qodobadii uu xambaarsanaa bayaankii ay soo saareen 24/05/2003, [ee ay ku cadeeyeen mawqifkooda ku waajahan go’aankii maxkamadda sare ka soo saartay natiijadii doorashada madaxtoyada]

 

2. inay ogolaadaan wada hadal bilaa shuruud ah oo ay la galaan dhinaca kale

 

2. in ay dhinacooda ka joojiyaan dacaayadaha warbaahinta laysugu gudbinayo ee sii hurin kara khilaafka. Kulankaa ka dib waxa aanu xarunta Madaxtooyada kula kulanay 28/5/2003 Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo M/weyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, iyagana sidoo kale waxaanu ka codsanay iyagoo eegaya danta guud ee dalka iyo dadka Somaliland in ay naga aqbalaan qodobada hoos ku qoran:-

 

1) inay ogolaadaan wadahadal bilaa shuruud ah oo ay la yeeshaan dhinaca kale.

 

2) In ay dhinacooda ka joojiyaan dacaayadaha warbaahinta laysugu gudbinayo, ee sii hurin kara khilaafka siyaasadeed ee taagan hadda.

 

Haddaba waxaanu aad ugu faraxsanahay ugana mahad celinaynaa labada dhinacba sidii sharafta lahayd ee ay u qiimeeyeen una aqbaleen mid walba qodobadiii aanu ka codsanay.

 

Sidaasi darteed xisbiga KULMIYE waxay noo balanqaadeen inay dib u sixid ku samaynayaan bayaankooda hore, Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu balanqaaday inuu diyaar u yahay wadahadal bilaa shuruud ah, waxaanu amar ku siiyay isla shalay warbaahinta dawladda inay joojiyaan dacaayadaha ku saabsan arrintan.

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) wuxuu ugu baaqayaa Saxaafada madaxa banaan ee Somaliland inay joojiyaan faafinta wax kasta oo sii hurin kara khilaafkaas.

 

Gebogebadii waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ka feejignaadaan kana fogaadaan wax kasta oo kala fogaynaya wada jirka iyo walaaltinimada shacbiga reer Somaliland.”

 

 

Axmed Siilaanyo oo Tafaasiil ka bixiyey bayaankii uu xisbigiisu hore u soo saaray.

 

Hargeysa..Somaliland. May 30th '03...SNN

...Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa soo saaray war cad oo uu ku faahfaahinayo, bayaan uu Axaddii la soo dhaafay ku caddeyeey mawqifka rasmiga ah ee uu ka taaganyahay go’aankii maxkamadda sare ee natiijadii doorashada madaxtooyada Somaliland iyo sidii loo heli lahaa xal lagu furdaamiyo murugga ka dhashay khilaafkii natiijada.

 

Bayaankaas oo uu KULMIYE, ku sheegay inaanu weli ku qanacsanayn natiijadii doorashada oo uu sheegay inay xaq darro ku go’aamisay maxkamadda sare isla markaana ay ku caddeeyeen in dhinacyadaa arrintu khusaysaa wada hadal isku soo fadhiistaan iyada oo aan dhinacna wax gaar ah sidan, ayaa waxa hadalada ku qornaa bayaankaas ka biyo diiday xukuumadda iyo xisbiga UDUB, iyo shirguddoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, kuwaas oo ku tilmaamay in bayaankaas KULMIYE, uu ka horyimid shuruucda dalka iyo hay’addah Distooriga ah ee Qaranka, isla markaana ay xuseen in mawqifka KULMIYE, u muuqdo ‘Somaliland ma jirto’.

 

sidaa daraadeedna, xukuumadda, xisbiga UDUB iyo dhinacyada kale ee ka biyo diiday bayaanka xambaarsanaa mawqifka xisbiga KULMIYE, waxa ay jawaabahooda gun dhiga uga dhigeen in xisbiga KULMIYE, uu ka noqdo mawqifkiisa uu ku diiday natiijadii doorashada oo uu ogolaado go’aankii maxkamadda sare ee natiijada doorashada aqoonsadana hay’adaha sharciga ee dalka ka jira, markaa ka dib uu iman karo wada hadal dhex mara xukuumadda.

 

Haddaba guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay soo saaray warcad oo uu ku faahfaahinayo mawqifka rasmiga ah ee xisbigiisa kaas oo uu ku sheegay in turjumaad khalad ah laga bixiyey bayaankii uu xisbigu hore ugu caddeeyey mawqifkiisa. “Dhawaan waxa ka soo baxay xisbiga KULMIYE, bayaan halka uu ka taaganyahay natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14 April 2003. Bayaankaas wuxuu ka waramayay sidii xisbiga KULMIYE u arkayay dhacdooyinkii doorashooyinka loo maamulay iyo qaabkii xukunka maxkamaddu u soo baxay.

 

Marka ugu horaysa waxaanu halkan ka cadaynaynaa shacbiga reer Somaliland inuu si hagar la’aan ah ugu soo baxay waajibaakdiisii doorashada waxaan jecelahay in halkan mahad naq aan uga soo jeediyo shacbiga Somaliland khaas ahaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE, u codeeyey. Bayaanka hore waxaanu ku cadaynay iyo hadalo badan oo ka horeeyeyba in aan marnaba lanaga filan Karin wax dhibaato u keenay dadka Somaliland, balse aanu nahay kuwo cid walba uga lexejeclo badan dalka jiritaankiisa iyo nabad gelyadiisa, horumarintiisa io wada jirkiisaba.

 

Waxaase jirta in qaabkii natiijada loogu dhawaaqay in aanaan ku qancin go’aankii maxkamaddaa aanaan u arkayn mid cadaalad ku fadhiya. Haddaba iyada oo ay sidaasi jirto ayaanu baaq soo saarnay, kaas oo muhiimadiisu ahayd iyada oo danta dalka la eegayo in wada hadal la iskugu yimaado si daawo loogu helo dhibaatooyinka arrintaa ku saabsan ee taagan.

 

Waxaa laga yaabaa in erayaasha qaarkood si kale loo fasiray balse, waxaanu cadaynaynaa in aanaan hay’adaha Qaranka ee Dastuuriga ah jiritaankooda sida Madaxtooyada, Goleyaasha, iyo Maxkamadda, aanaan diidanayn, balse waxqabadkooda wax ka sheegi karno. Waxaanu diyaar u nahay imikana dhinacayaga in wada hadal bilaa shuruud ah la iskugu yimaado anaga oo aqbalnay dhexdhexaadinta ay isku soo xilqaameen ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), culimada iyo Salaadiinta waanu uga mahad celinaynaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this