Sign in to follow this  
Xudeedi

Chairman of Sudan’s Makhir Student Association held his last meeting before departure

Recommended Posts

Xudeedi   

Khartoum: Galabnimadii Jimcaha ee taariikhdu ku beegnayd 19-02-2010 ayaa ururka ardayda Gobolka Sanaag, waxa uu xaruntiisa ku qabtay xaflad lagu sagootinaayey Gudoomiyihii hore ee Ururka Mudane: Axmed Maxamuud Maxamed Geesood (Xamaada). Isaga oo safar ugu kicitimayey wadamada Uganda iyo Kenya, kadib markuu ka qalin jebiyay Jaamacadii uu ka waday dalkan Sudan.

 

Kulanka Xafladda oo uu xidhiidhiye ka ahaa C/qani Faarax Kaabe (profka) ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha Ururka iyo marti sharaf kale, aayadihii qur’aanka kadib waxaa kulanka furay Gudoomiyaha waqtigan xilka haya Mudane: Cali Xasan Ayaxle , waxana uu gudoomiyuhu shaaca ka qaaday Ujeedada kulankan, isagoo sheegay inuu yahay, sagootinta Masuulkii hore ee Uruka Mr: Xamaada.

 

“ walaalkeen Xamaada waxa uu ururka u qabtay guula waawayn oo la taaban karo sidaas darted waxa uu inaga mudanyahay inaan dareensiino guulihii uu soo hooyey intuu xilka hayay, waana shakhsiyad ina meteleysa meel kasta oo uu tago” sidaas waxaa yidhi Gudoomiye Cali Xasan Ayaxle.

 

 

Waxaa isagana goobta ku sugnaa Eng. Maxamed Axmed Cali Madaxa xafiiska Maakhir Development Group (M.D.G)

 

Kalmad lagu soo dhoweeyey Masuulka ayaa khibradiisa uga faa’iideeyey Ururka, isagoo tibaaxay in mar walba uu Ururka hiigsado himilooyin aad u sareeya, isku xidhkana uu ku dadaalo, maadaama buu yidhi Qurbe la joogo. Sidoo kale Ing-ku waxa hadalkiisa ku soo gunaanaday talooyin muhiim u ah Ururka iyo guud ahaanba Ardayda.

 

C/qani Faarax Kaabe ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxa arimaha bulshada: C/kariim C/raxmaan Jaamac (Wasiirka) , waxayna kalmadiisu gabi ahaanba ku saabsanayd ka warbixinta Gudoomiyihii hore ee Ururka isagoo tilmaamay inuu yahay qof mudan in loo qabto xafladan, isagoo cadeeyey inuu yahay nin jecel horumarinta Mandaqadda, C/kariim ayaa intaa raaciyay inuu mudo lasoo shaqeeyey Xamaada.

 

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay marti sharaftii kale ee ka soo qayb gashay kulanka waxaana afkooda ku hadlay Mudane: Muuse Axmed Ciise. Isagoo muujiyey sida uu ugu faraxsanyahay ka soo qayb galka kulankan, Muuse waxa uu u sheegay kasoo qayb galayaashii kulanka inay Saaxiibo yihiin Gudoomiyihii hore Uruka Ardayda Sanaag isagoo yidhi isku diyaarad baanu ku nimid Sudan, kadibna isku qol baanu degnay.

 

Kalmadihii la soo jeediyey ka sokow xubno ka mid ah Ururka ayaa soo bandhigay Barnaamijyo kala duwan kuwaas oo si wayn u soo jiitay kasoo qayb galayaashii xafladda

 

Gebagebadii kulankan ayaa ku soo dhamaaday si farxadi ka muuqato, iyadoo qof waliba si gaara uu gacan qaadayey Gudoomiyihii hore, isla mar ahaantaana si kooxo ah ay sawiro isaga qaadayeen….

 

Dhahar-Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Following the civil war, Sudan’s education ministry assisted Somali primary and Secondary schools through curriculum building, staff training, and other practices needed in order to maintain a viable education system. The curriculum in place for all of Sanaag’s 10 high schools is the same as the Sudanese and because of that a strong relationship emerged between the two communities.

 

There are over hundreds of students who were graduates of Al-Furqaan Primary School in Badhan who now study in Sudan’s higher education institutions. Every year, over 50 students are granted scholarships from the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this