Sign in to follow this  
Jacaylbaro

RADIO MA QALLOOCSHE

Recommended Posts

Halkani waa Maqalloocshe idaacada codka Shankaroonta, akhyaartayada indhaha buurbuuranow ku soo dhowaada war deg-deg ah oo hadeer i-soo gaadhay, warkaas oo af-carbeedka lagu yidhaa khabar caajis,wuxuu sheegayaa Jamhuuriyadii Shankaroonland oo shaadhka laga bedelay, waxaanu u qornaa sidan:

 

“War-saxaafadeed:

Ku: ciday khusayso

Uj: wareegto madaxyuub

Og; war-moogayaasha.

 

Wargelin magacyada cusub, dhammaan dadweynaha cusub ee reer Shankaroon waxa lagu wargelinayaa in Jamhuuriyada Shankaroonland magacii laga bedelay oo maanta laga bilaabo loogu yeedhi doono Jamhuuriyada Muslimiinta Dimoqraadiga ee Shankaroonland, afka carabina waxa lagu odhan doonaa (Jamhuuriyatal Muslimiin wa-dimoqraadiya shankarooniya).

 

Maanta laga bilaabo shuruucda dalku waa shareecada islaamka oo lagu daray doorashooyinka dimoqraadiga ah.

 

Maanta laga bilaabo golaha baarlamaanku wuxuu noqonayaa golaha shuurada Shankaroonta, golaha guurtidu wuxuu noqonayaa golaha sheekhyada, golaha xukuumaduna fulinta.

Wixii maanta ka dambeeya madaxyuubka waxa loogu yeedhi doonaa Sheekh Daahir Rayaale, ku xigeenkana imam Axmed Yuusuf, gudoomiyaha baarlamaanka waxa loogu yeedhi doonaa Shariif C/raxmaan (Al-sheyb), gudoomiyaha guurtida waxa loo bixiyey Sheekh Suldaan Saleebaan Al-abyad.

 

Maanta laga bilaabo saddexda xisbi waxa magacyadooda loo bedelay sidan; UDUB, waxa loo bedelay Mixwarul Islaamiya, Kulmiye waxa loo bedelay oo magaciisu noqonayaa Xusbul Ishtimaac wa-itilaaful islaamiya, UCID xisbul maxaakim wa xaqadumul islaamiya. Magacyada gudoomiyayaasha waxa lagu darayaa Sheekh Axmed Maxamed Mujaahidiin iyo Mudiiro Maxaakim, Sheekh Faysal buni cali (Ibnu Dabci).

 

Maanta laga bilaabo magaalada Hargeysa waxa loo bixiyey Maka, Burcana Madiina, Ceerigaabo waxa loo bixiyey Qudus, Laascaanood waxa loo bedelay Dirciya, Saaxil sidiisa ayaa loo daayay, Awdal waxa loo bedelay Najad.

 

Dhammaan golaha wasiirada waxa loogu yeedhi doonaa Majlisul Hanuuniya wa- hidaa’iya.

Xuduuda shankaroontu waxay noqonayaan inta ay ku dhaqmaan Ido’-gorod-madaw.

Calanku waa kan haddeer,heesta qaranku waa koob iyo toban qulhuwale.

Dastuurka qaranku waa kani imika oo lagu daray qodobadan cusub, lagana reebay xeerka ciqaabta 60/69.

 

Iyo xeerka jinsiyada waxa lagu daray qof kasta oo sodonka jis ee qur’aanka korka ka hayaa waa reer Shankaroon, meeshuu doono ha ka yimaadee.

 

Qof kasta oo la yimaada qii’laaf diineed diinta islaamka waa kur-gooyo.

kitaab kasta oo aan ku aroorin afarta mad-habood ee imaamyadu dhigeen dalka waa ka dayro, waxaana loo aqoonsanaan doonaa fariiqo bidco ah.

 

Dhammaan muslimiinta shankaroon waxaa ka reeban direysyo iyo hab lebis oo gaar ah ama kooxi leedahay.

 

Xeerka lahaanshaha dhulka qofna ma yeelan karo dhul aan dhisme ka samaysnayn ama beer aan sarcanayn. cid aan dawlo ahayn oo dhul iibin kartaana ma jirto, magaca mulkiyadana waxaa lagu bedelay kiro dhul boqol sano, sharci hore, dhul lahaansho ah, waxba kama jiraan dhul-dhisan mooyaane waa dhul illaahay.

 

Doorashooyinku waxay u dhici doonaan sidoodii hore. Waxa kaliya oo lagu kordhiyey magacii madaxweyne la odhan jirey, waxa loo bedelay “Dameerka Qaranka”, gudoomiyayaasha xisbiyadana waxa loo bedelay “Dacawooyinka Qaranka”.

 

Waxa kale oo wareegtadani sheegaysaa in siyaasada xukuumadu islaamiga ah ee dimoqraadiga ah inay ciddii doonaysaa xidhiidh dhexmari karo. In aanay aqoonsi ka doonin alle mooyee aadame kale,haddii lala soo doonto waa inaanay aqbalin, waa in aan dalkani ku biirin ururada kala ah; IGAD, jaamacada carabta, afrika, eeshiya, yurub iyo ameerika toona, iyada oo wax ku soo biira mooyaane iyadu cidna kuma biirto, cida ay caawiso mooyaane, cidi ma caawiso cid ay wax barto mooye cidi wax ma barto, illaahay uun baa watta, dumarku xilalka way qaban karaan, laakiin waa wareegtadaasi, waana inay nin lahaadaan, waxay dhaqan geli doontaana marka ay baarlamaanka iyo golaha guurtidu isku raacaan madaxyuubkuna saxeexo, allena xukumo.

 

Siyaasada xukuumada waxa ku jirta in culimada masaajida tukinaysa imtixaan aqoon diineed ah laga qaado oo dadkan sheekhnimada iska sheeganaya darajadooda la ogaado. In la mideeyo manhajka ardayda iskuul iyo malcaamad ilaa jaamacad la isku toosiyo.

 

Dhegeystayaal maanta barnaamijkii waxaynu ku soo koobi doonaa wareegtadaas, waxa banaan in talo lagu daro iyo in wax ka bedel lagu sameeyo fadlan noo soo gudbi rayigaaga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this