Sign in to follow this  
QabiilDiid

Duke SEED, did you cry with Tigrean mothers last night?

Recommended Posts

Need more evidence, caution this may cause you heart attack. the prison in which your uncle the biggest camiil Somalis have ever seen is being kept (Baydhaba), will insha Allah be captured.

 

Maxkamadaha islaamka oo la wareegay Deegaanka Gasarta, kuna dhowaaday Baydhabo

 

War deg deg ah

 

Mogadishu 24, Dec.06 ( Sh.M.Network) –

 

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa la wareegay deegaanka Gasarta oo oo ku dhow Magaalada Baydhabo, ka dib dagaal qaraar oo halkaasi ay kula galeen ciidamada dowladda Ethiopia.

 

Taliyaha ciidamada maxkamadda islaamiga ee degmada Buur-hakaba C/laahi Geeddoow oo shabelle u waramaya ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay horey u dhaafeen deegaanka Daynuunaay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen deegaanka Gasarta oo ku dhow magaalada Baydhabo.

 

Waxa uu sheegay in ay ku gubeen dagaalkii maanta ilaa 4 taanki oo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia iyo ciidamo aad u fara badan oo uusan sheegin.

 

Mar wax laga weydiiyay qasaaraha dhankooda ayuu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo, balse waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in ciidamadooda ay guulo ka soo hoyaan dagaalada ka soconaya agagaarka magaalada Baydhabo.

 

Ma jiro warar ka madax banaan sheegashada Mas'uulkaan, laakiin wariyaha magaalada Baydhabo ee Shabelle waxa uu xaqiijiyay ian rasaasta fudud iyo kuwa culus si weyn saakay looga maqlayay magaalada Baydhabo.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baidoa.com oo ka qaxday Baydhabo wararkana ka soo tebisa Buurhakaba + Isgaarsiinta Baydhabo oo la jaray ka dib markii uu dagaalku soo gaaray Baydhabo-Qax ballaaran ayaa ka bilowday Baydhabo waxaana ku soo dhacaya duleedka Baydhabo madaafiic

December 24, 2006 at 10:10 am | In Uncategorized | 39 Comments

Is-gaarsiinta magaalada Baydhabo ayaa gebi ahaanba saaka waxaa jaray ciidamada Itoobiyaanka ka dib markii uu soo kululaaday dagaalka ay kula jiraan ciidamada Maxaakiimta Islaamiga oo dib loogu soo riixay afaafka laga soo galo Baydhabo oo ciidamada Maxakiimtu si wayn ugaga sooo durkeen Baydhabo aaga Dooynuunaay ayadoo aagga Iidaale oo maalmahan dagaallo culus ka socdeen uu maanta deganyahay. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa isugu ururay xero ciidan oo ay ku leeyihiin deegaanka Boonkaay oo ku yaalla Waqooyiga Baydhabo halkaaso dhaawaca Itoobiyaanka lagu ururinayo. Shacab badan oo deganaa Baydhabo oo ka cararaya dagaalka ayaa raxanraxan ayagoo u lugaynaya waxay ka qaxayaan magaalada Baydhabo oo si wayn looga maqlayo hugunka ka baxaya madaafiicda ay is waydaarsanayaan ciidamada Maxaakiimta iyo Itoobiyaanka. Dagaalka ayaa xoogiisa wuxuu ka socdaa inta u dhaxayasa deegaanka Maanyafuulka oo ku yaalla koontaroolka Baydhabo laga soo galo marka laga yimaado Muqdisho iyo deegaanka Gasarta iyo Wegera. Ka dib markii la xiray isgaarsiinta teleefonada Baydhabo oo loo adeegsado internteka ayaa Baidoa.com waxay si ku meel gaar ah wararka uga soo tebisaa degmada Buurhakaba ee gobolka Baay oo 60 km u jirta Baydhabo. Ka dib markii si wayn loogu soo jebiyay ciidamada Itoobiyaanka dagaalka ay ciidamada Maxaakiimtu kula galeen gobolka Baay oo si xun loogu laayay ayaa waxaa ay jareen isgaarsiinta Baydhabo waxayna dagaal dhawr jiho ah ka fureen gobollada Hiiraan iyo Mudug, gaar ahaan deegaanada Baandiiradleey iyo Jawiil oo dagaallo culus ay maanta ka qarxeen, waxayna markii ugu horraysay dayuuradaha cirka ee Itoobiya ay duqaynayaan magaalada Baladwayne waxaana muuqata in Itoobiyaanka ay dagaal buuxa ku soo qaadeen dhulka Soomaalida ayagoo doonaya in ay Soomaaliya u rogaan maxmiyad (protectorate) ay xukumaan kuwo Itoobiyaanka dabadhilif u ah oo danaheeda gurracan u adeega ama in ay Soomaaliya weligeeda dawlad la’aan ahaato.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalladii Bandiiradley iyo Jawiil.(Diyaarad lagu soo riday dagaalkii maanta)

 

3.29_helicopter_down%5B1%5D.jpg

 

Bandiiradley, Dec, 24, 06

 

Wararka ka imaanaya jiidda hore ee dagaalka uu ka socdo ee deegaannada Bandiiradley, iyo Jawiil ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Tikreega ahaa ee duulaanka ku soo qaaday deegaankaas lagu jabiyey oo khasaare ba’an loogu geystay.

 

Ciidammada Tikreega ee duulaanka ku soo qaaday deegaannada Bandiiradley iyo Jawiil oo ilaa iyo hadda gacanta ku hayaan, waxay duqeyn xagga cirka ah u geysteen deegaannada Baladweyne, Jawiil iyo Bandiiradley, kaddib markii dagaalkii lugta looga awood badiyey.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka soo xiganay saraakiisha ciidanka Golaha Maxaakiimta Islaamka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ayaa waxay caddeynayaan in diyaarad dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ah ay ku soo rideen jiidda hore ee Bandiiradley.

 

Xiriir daqiiqado ka hor aan la sameynay barta hoggaaminta ciidammada Golaha Maxaakiimta Islaamka ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey in ciidammada Golaha Maxaakiimta Islaamka ay u dhaqaaqeen ilaa shan Kiiloomitir, jab iyo halaagna ay u geysteen ciidammada cadowga.

 

Sidoo kale Diyaaradaha Cadowga waxay duqeeyeen deegaannada Matabaan iyo Guri Ceel halkaas oo dad rayid ah ay ku laayeen, iyadoo tani ay caddeyn u tahay in ciidammada Tikreega uu ku soo tala galay in uu gumaado shacbiga Soomaaliyeed.

 

 

 

midowgamaxkamadaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kornel Tafase oo la sheegay in lagu dilay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Iidaale ee ay Maxkamaduhu la wareegeen.

 

Mogadishu , Axad, Dec. 24, 2006 Waagacusub.com

 

Koox Weriyayaal ah, ayaa shalay gaaray Deegaanka Iidaale ee duleedka Degmadda Diinsoor, si ay u soo xaqiijiyaan cidda gacanta ku haysa halkaasi, oo ay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku haardamayeen Ciiddamadda GMIS iyo kuwa DFKMGS oo taageero ka helayo Ciiddamadda Ethiopianka.

 

Kooxda Weriyayaasha oo ay Mas’uliyiin ka tirsan Waaxda Warfaafinta ee Golaha Maxjkamadaha Islaamka ka gelbiyeen Magaallada Muqdishu, ayaa si rasmi ahaan u xaqiijiyey inay Ciiddamadda GMIS gacanta ku hayaan Deegankaasi, waxayna Weriyayaasha soo arkeen maydadkii Labaatameeyo Askari oo Ethiopian ah oo labisnaa Tuutaha u gaarka ah Ciiddamadda Dowladda Ethiopianka.

 

Sidoo kale, Weriyayaashu, waxay soo sheegeen in la soo tusiyey maydad kale oo is dul-saarnaa, kuwaasi oo qaarkood la gawracay, kuwaasi oo la sheegay inusan damiirku ku siin karin inaad daawato.

 

Weriyayaasha Madaxa Bannaan ee shalay soo booqday Deegaanka Iidaale, waxay kaloo soo arkeen Waraaqihii Aqoonsiga ee Askarta Ethiopianka ee lagu dilay dagaalkaasi, Hubkii laga furtaay iyo dhowr Gaadiid oo lahaa Tarikadda Ethiopianka.

 

Dhinaca kale, Warar si xooggan la iskula dhex marayo Magaaladda Baydhabo iyo DeegaankaIidale, ayaa sheegayo in la dilay Taliyihii hogaaminayey Ciiddamadda Ethiopianka ee ka dagaalamayey Deegaanka Iidaale, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Kornel Tafase oo isagu ahaa Taliyihii Ciddankii Ethiopianka ee Isbahaysigii SNA ka soo saaray Magaalladda Baydhabo sannadkii 1995-kii.

 

Khubarradda Milliteriga ee ku sugan Geeska Afrika, ayaa sheegay hadii ay rumowdo dilka Kornel Tafase inay taasi dhabar-jab xooggan ku noqon doonto Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi oo aad ugu kalsoonaa Sarkaalkaasi oo ku xeel-dheeraa Kaartadda Dagaalka nooca Jabhadaynta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this