Sign in to follow this  
Siciid1986

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Fagaaraha Ceerigaabo Kala Hadlay Taageerayaashiisa

Recommended Posts

kulm-ceerig2.jpg

 

 

Ceerigaabo-(Berberanews)-19, May, 2010-Gudoomiyha xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye Axamed Maxmed Maxmuud (siilaanyo) ayaa kumanaan katirsan taageerayaasha xisbigaasi kala hadlay fagaaraha beerta xoriyada Nuura ee magaalada Ceerigaabo.

 

Guddoomiye Siilaanyo oo shalay fiidkii soo gaadhay magaalada, ayaa Waxa socdaalkiisa ku wheliya Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye kuxigeenka sadexaad C/raxmaan Tanyanle iyo Gudoomiyaha ololaha gobolada bari Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

 

Boqollaal dadweynaha reer Ceerigaabo ah oo ku gaashaaman calanka astaanta u ah iyo boodhadh ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ay ku taageersanyihii Axmed Siilaanyo oo ay garab socdaan raxan fardooley ah, ayaa saaka ku waaberiistay fagaaraha Beerta Xoriyadda.

 

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Siilaanyo oo dadweynaha halkaa kala hadlay, una mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyeen, ayaa sheegay in gobolka sanaag uu go’doon ka yahay gobolada kale ee Somaliland taasina ay sabab utahay xukuumada madaxweyne Rayaale oo ooku eedeeyey inay noqotay hoygii musuqmaasaqa iyo wax-isdaba marinta.

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in gobolka sanaag oo Ilaahay ku nimcaystay khayraad dabiiciya, isagoo ballanqaaday inuu sii kordhindoono horumarinta gobolka Sanaag.

 

Gudoomiyihii hore ee xisbiga UDUB ee dhawaan xilkaa iska casilay Cali Ismaaciil Barre (Cali Qasaaye) oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu si buuxda ugu biiray xisbiga KULMIYE islamarkaana xukuumada madaweyne Rayaale aanay dalka waxba uqaban loona baahan yahay isbedel deg deg ah.

 

Gudoomiyaha ololaha doorashada ee gobolada bari Dr-Maxmed Cabdi Gaboose oo isna halakaa kahadlaya ayaa sheegay in xibiga kulmiye taageeradii gobolada bari uu hantay siiba gobolka Sanaag dadweynaha ku nool gobolkaasi ay diyaar uyihiin inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.

 

Waxaa isna halakaa ka hadlay gudoomiyahA saddexaad ee xisbiga kulmiye C/raxmaan Maxamed Talyanle oo ku dheeraaday fadhiidnimada iyo wax qabad la'anta xukuumada.

 

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isguna dhankiisa si weyn uga hadlay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga oo uu sheegay inuu cadyahay islmarkaana uu yahay cadaalada xukuumadooduna xooga saarayso shaqaalaha dawlada iyo ciidamada

 

 

kulm-ceerig7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this