Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Further Breaking-News on the Failed Terrorist attack to assassinate President Yusuf!

Recommended Posts

Further Breaking-News on the Failed Terrorist attack to assassinate President Yusuf revealed assassins were from Moqadisho and they failed to accomplish their task and Mission to assassinate the President but further terrorist attacks are possible. Iam sure this is not the last attempt on the Presidents Life!!!

 

Lix Dhalinyaro ah oo doonayay innay qaraxyo ka sameeyaan magaalada Jawhar oo fashilmay kadib markii laga hortay, dhalinyarada ayaa laga soo abaabulay magaalada Muqdisho.

 

{Jawhar} Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal is qarxin ah gudaha magaalada Jowhar ee caasimada KMG-ah ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii loo dhaadhicayay xabsiga.

 

Maleeshiyaadkan ayaa markii baaritaan lagu sameeyay waxay qaarkood qirteen in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho.

 

Xariga nimankam ayaa ka dambeeyay kadib markii habeenimadii xalay aheyd lagu soo wargaliyay gudiga amaanka Gobolka Sh/dhexe, in ay meel magaalada ka baxsan ay ku sugan yihiin niman aan heybtooda lagaraneyn balse loo maleynayo, in ay falal is qarxin ah ka fulinayaan gudaha magaalada.

 

6da nin oo isla habeenimadiiba la bilaabay baadigoobkooda ayaa la waayey , balse ay suurto gashay in duhurnimadii saaka gacanta lagu soo dhigo ayagoo ku dhuumaaleysanayo duleedka magaalada.

 

Arintan markii ay soo baxday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Maamulka Sh/dhexe canaantay mid ka mid ah xoghaynta Madexweynaha oo la sheegay in isagu damiintay ragaas, markii ay magaalada soo galayeen.

 

Madexweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale si aad u canaantay ninkaasi oo kamid ah xogheynadiisa waxaana uu ku wargeliyay in uusan mardambe cidna u damiinan si ay u soo galaan magaalada Jowhar.

 

C/raxmaan Jaamac

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Didn't you previously open the same topic ...duh..!

Here is my response again..hope this time you will be able to clarify it.

 

Max’ed dheere oo dhar-baaxay mid ka mid ah Xogheynada C/laahi Yuusuf

 

 

Sida ay saaka sii deysay Idaacadda Horn Afrik ee fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaa xalay uu gacan ka hadal ku dhexmaray guriga uu magaalada Jowhar ka degan yahay madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed guddoomiyaha guddiga siyaasada gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere) & mid ka mid ah xogheynada madaxweynaha.

 

 

Idaacaddu waxey sheegtay in Max’ed dheere uu dharbaaxay ninka xogheynta u ah madaxweynaha, markii uu soo kala dhexgalay muran, wuxuuna amar ku bixiyey in xabsiga la dhigo, iyadoo markii dambe ay xaaladda ku soo baxeen xubno ka tirsan dowladda federaalka oo arrinta qaboojiyey, waxaana xalay laga dareemey guriga madaxweynuhu ka degan yahay Jowhar xaalad kacsanaan ah & hadal heynta arrinta ka dhex-dhacday Max’ed dheere & Xogheynta madaxweynaha.

 

 

Xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Jowhar ayaa si weyn u ammaanay xaaladda nabadgelyo ee ka jirta gobolka Sh/dhexe, inkastoo si weyn loogu dhaliilo in maleeshiyooyinka ka amar-qaada Max’ed dheer in ay geystaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka.

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia

 

 

The incident 'dhar-baxyada' has occured but the P/land Media has added a spin to the story in attempt to put lid to the reality since the stopry has already spread...I wonder how long the game can be played, I mean the 'spining'..!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Maxamed Dhere oo gacan ka hadal dhex maray shalay asaga iyo Bari Bari.

 

Warar aan dhawaan ka halnay magaalada Jowhar ayaa ku waramaya in gacan ka hadal uu dhex maray shalay Maxamed Dheere iyo afhayeenka madaxweyne Yuusuf oo lagu magacaabo Bari Bari.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii uu Maxamed Dheere si aflagaado ah ula hadlay Bari Bari goob ay ku sugnaayeen qaar ka tirsan labada gole ee dowladda.

 

 

Sidoo kale, waxaa dhawaan aflagaaddo xun dhex martay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga iyo rasísul wasaare Geeddi kadib markii uu Prof. Geeddi goob fagaara ah ka sheegay in uusan u aqoon saneyn masúulka gobolka Hiiraan cid aan ahayn ninkii uu dhawaan magacaabay ee lagu magacaabo Dabageed.

 

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

There we go again your source has actually betrayed you and is reporting now also the same story as other websitets do.

 

Maamulka Max’ed Dheere oo maanta sheegay inay qabteen 6 nin oo la tilmaamay inay doonayaan inay qarxiyaan magalada Jowhar

 

Moqadisho:-

 

Sida ay sheegtay idaacadda Shabeelle ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho maamulka Ma’xed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa maanta xabsiga u taxaabay 6 nin oo maamulkaasi sheegay inay ahaayeen kuwo doonayey inay qaraxyo ka geystaan magaalada Jowhar, waxaana raggaasi loo dhaadhiciyay xabsiga. iyadoo la tilmaamay inay ku jiraan xubno ka tirsan xogheynta madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in raggan la qabtay la sheegay in maalmo ka hor soo galeen Jowhar, lamana garanayo sababta rasmiga ee ay u yimaadeen halkaasi.

 

 

Dhinaca kale madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu canaan u jeediyay ninkii ka tirsanaa xogheyntiisa kuna canaantay inuusan damiinan karin qof soo galaya Jowhar, waxaana la sheegay ninkaasi inuu dharbaaxay Max’ed Dheere.

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan Dayniile, Mogadishu – Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Break.jpg

Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal is qarxin ah gudaha magaalada Jowhar ee caasimada KMG-ah ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii loo dhaadhicayay xabsiga.iyadoo ay sheegeen dhalinyaradaas in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho NN.GIF

 

 

maliishiyo101.jpg

 

 

Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal is qarxin ah gudaha magaalada Jowhar ee caasimada KMG-ah ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii loo dhaadhicayay xabsiga.

 

Maleeshiyaadkan ayaa markii baaritaan lagu sameeyay waxay qaarkood qirteen in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho.

 

Xariga nimankam ayaa ka dambeeyay kadib markii habeenimadii xalay aheyd lagu soo wargaliyay gudiga amaanka Gobolka Sh/dhexe, in ay meel magaalada ka baxsan ay ku sugan yihiin niman aan heybtooda lagaraneyn balse loo maleynayo, in ay falal is qarxin ah ka fulinayaan gudaha magaalada.

 

6da nin oo isla habeenimadiiba la bilaabay baadigoobkooda ayaa la waayey , balse ay suurto gashay in duhurnimadii saaka gacanta lagu soo dhigo ayagoo ku dhuumaaleysanayo duleedka magaalada.

 

Arintan markii ay soo baxday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Maamulka Sh/dhexe canaantay mid ka mid ah xoghaynta Madexweynaha oo la sheegay in isagu damiintay ragaas, markii ay magaalada soo galayeen.

 

Madexweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale si aad u canaantay ninkaasi oo kamid ah xogheynadiisa waxaana uu ku wargeliyay in uusan mardambe cidna u damiinan si ay u soo galaan magaalada Jowhar.

 

Wixii ku soo kordho Warkan kala soco Warsidaha idamaale.com

 

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

godegode_6@hotmail.com

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this