Sign in to follow this  
Maaddeey

Xabashida oo mar kale soo gashay Buhodle Gawaari Xamuul ahna kexeysatay!

Recommended Posts

Maaddeey   

Ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kale gudaha u soo galay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Ceyn

Posted to the Web May 30, 14:20

 

 

Buuhoodle:-Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta mar kale waxa ay gaadiid badan ka kaxeysteen degmada Buuhoodle, iyadoo arintaasina ay xiisado abuurtay.

 

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa gaadiid gaaraya 17 oo wada badeeco kala duwan waxa ay ka wateen gudaha degmada Buuhoodle, waxaana arinkaas ka dhashay xiisado, iyadoo dadka magaalada ku nool ay aad uga caroodeen xadgudubka ciidamada Itoobiyaanka ah.

 

 

Gawaarida ay ciidamada Itoobiyaanka ah wateen ayaa waxa ay la aadeen dhinaca galbeedka degmada oo ah xuduuda, waxaana aan la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arintaan, iyadoo ay socotay waan waan looga hadlayey sidii aan mar kale loogu dagaalamai lahayn deegaanka.

 

 

Dhawaan ayey ahayd markii sidan oo kale xiisado ka dhashay hab dhaqanka ciidamada Itoobiya ay sababeen dagaalo kharaar oo dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamada Itoobiya, waxaana dagaaladaas ku dhintay dad badan oo isugu jiray ciidanka Itoobiya iyo dadka deegaanka Buuhoodle.

 

 

Majiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhanka dowlada Itoobiya, iyo talaabooyinka ay ciidankeedu qaadayaan, iyadoo dadka deegaanka ay arintani ku xirayaan doorashada Madaxtooyada Somaliland ee dhici doonto dhamaadka bisha ina soo aadan.

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

30 May, 2010, 17:10 GMT; 20:10 SGA

 

Baabuurtii Buuhoodle

 

Ciidamadii Etoobiya ee ku sugnaa agagaarka magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in ay xalay la guureen baabuur dad shicib ahi lahaa oo ay ku halkaas hore ugu qabteen.

 

Odayaal degaanka ah ayaa BBC u sheegay in dadku saaka ku soo tooseen iyadoo baabuurtii badankooda ay ciiamada Etoobiya dhinaca dalkooda u kaxaysteen.

 

Baabuurtaas oo todoba iyo toban ahayd ayaa la sheegay in kow iyo toban ka mid ah lala tegay inta kalena cilad awgeed ay u socon waayeen.

 

Waxa odaayasha manadaqadu sheegeen in baabuurtaas ay saarnaayeen badeecooyin kala gedisan iyo lacag naqdi ah oo ay leyihiin dadka reer Buuhoodle.

 

Arrintani waxay jebinaysa heshiis hore u dhex maray ciidamada Etoobiya iyo madaxda dhaqanka ee degaanka, oo ahaa in la isu celiyo hantidii lagu kala qabsaday dagaalkii dhowaan magaalada ka dhacay.

 

Dadka degaanka ayaa hore ciidamada Etoiobiya ugu celiyey wixii ay hayeen badankooda, sida askar iyo hub.

 

bbcsomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Ciil oo wayeey, talo xumaan cudur ka weynan e,

Soo ceshooy annoo lahey, col u kaxeeyeene,

Cabdul iyo waxaa igala tagay caabuqii wadaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this