Sign in to follow this  
General Duke

Abdiqasin move angers Qaynyare, return of road block..

Recommended Posts

Malleeshiyo ka amarqaata Wasiirka Amniga Qaranka oo dib u soo celiyay isbaaro u taallay gudaha Magaalada Muqdisho

Posted to the Web Jan 01, 19:09

 

 

Muqdisho (PP) - Malleeshiyo taageersan Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa dib u soo celiyay isbaaro lacagaha baadda ah looga qaado gadaadiidka isticmaala isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Isbaaradaan oo la qaaday 7/6/2005 xilligaas oo ahayd xilli ay xubnihii dowladda Federaalka Soomaaliya ballan ku qaadeen inay maamul iyo kala dambeyn ka sameynayaan Gobolka Banaadir, waxaana isbaaradaan ay ahayd isbaaradii u horreysay ee laga qaado waddooyinka magaalada Muqdisho, inkastoo dib loo soo celiyay galabta iyadoo waddadaas ka maqnayd in ka badan 6-bilood, waxaana la sheegay in soo laabashada isbaaradaaan ay salka ku hayso khilaafka ba'an ee u dhexeeya wasiirrada hubeysan ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Markii la maqlay soo laabashada isbaaradaan ayaa dadweynaha Muqdisho waxay farta saareen wadnaha iyagoo ka cabsi qaban inay isbaaradaan dabada ku wadato dagaallo sokeeye oo mar kale ka curta magaalada Muqdsiho, waxaana dadweynaha Muqdisho ay ku tilmaameen soo laabashadeeda inay salka ku haysto caro uu ka carooday xubnaha kale Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afax wasiirrada kale ee hubeysan ee ay jaalka yihiin.

 

G/Sare Faarax Cabdulle Gacan (Faarax Garam-garam) oo ah taliyaha maleeshiyooyinka Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa caddeeyay soo celinta isbaaradii malleeshiyooyinkooda u oolli jirtay isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku sheegay soo labaashadeeda inay ka dambeysay kaddib markii Xubnaha Dowladda ee Muqdsiho ku sugan ay ku guuldarreysteen inay maamul loo dhan yahay u sameeyaan magaalada Muqdisho, wuxuuna Garam-garam sheegay inay iyaguna dib u soo ceshadeen isbaaradoodii, maadaama ay ku guuldarreysteen xubnana labada gole ee Muqdisho ku sugan maamul u sameynta Gobolka Banaadir waa sida uu hadalka u yiriye.

 

Darawallada Gaadiidka wada ee ka shaqeeya waddada wadnaha ayaa sheegay in galabta laga qaaday lacago gaaraya 30-50-kun oo Shillin Somali ah, loona sheegay in berri lacagahaan la gaarsiin doono in ka badan 100-kun oo Shillig Somali ah haddii ay dhiibi waayaanna loogu hanjabay in la dili doono, taasoo ay sheegeen darawallada inay tahay dhibaato hor leh oo la soo darsitay howl maalmeedkooda.

 

Dib u soo celinta Isbaaro horay loo qaaday ayaa siyaasiyiinta u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya waxay ku tilmaameen inay tahay arrin naxdin leh oo laga yaabo in mar kale ay dalka ka huriso dagaallo sokeeye, waxayna sheegeen in khilaafka wasiirrada hubeysan haddii uu bilaabay in dib loo soo celiyo isbaarooyinka ay dhibaato kale dadka u horseedi doonaan.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Sxb, with all honesty, take the follwing as a jest, but do you have Abdiqasin-phobia? I would think Qanyare is more angered by Suudi's move then anyone else's, yet you ignored the visible individual who has caught Qanyare's wrath and went after a man unheard and unseen in a long time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No jest, brother the group in Mogadishu or the government faction wanted to create an adminstration counter to Cade Gabow. Muse and Qaynyare agreed to divide the top post by their respective clans. As the game came to a close, Mr Abdiqasin jumps in with a new plan, lets hold elections and may the best man win. Qanayer jumps at this and says we agreed from before that the "natural" clans would run Banadir. He takes his candidate an boycots the "election" leaving Mr Abiqasins man to run alone, supported by Hor Afrik radio and the millitia of Inda cade and hence declared the new Governor of Banadir.

 

So Musa lost his clans claim to Banadir, Qaynayre lost out again and Abdiqasin got his man "elected". So now we have.

 

Horn, saint Abdiqasin has just made his biggest mistake. He splintered the faction he was fostering and Qaynyare as ever the reactionary reacts quicker than anyone else..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha xisbiga miudnimada jamhuuriga Cali Tima Jilic
“Haddii uusan C/Qaasim si daacadnimo ku jirto wax u heshiisiineynin in uu maanta arrimo qabiil soo dhexgalo aadbaan uga xunahay ,waana wax aan la maleysaneyninâ€

Jan 2,2006 Radiofreesomalia

 

Full post on abdiqasin

 

Horn saxib, maybe I am the only one going after the man who for a while has been "unheard orunseen"

 

HERE ARE OTHER INFO

Abdiqasins clan gets BANADIR

 

Tartankii doorashada Gudoomiyaha golaha degaanka gobolka Banadir oo uu ku guulay stay ninkii uu watay Cabdiqasim Salaad , MAxamed " TOTO"isagoo si aad usaraysa kaga guulaystay musharixiintii Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare,

Abdiqasins man wins one sided election

 

Opinion on Somaliweyn..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this