Maaddeey Posted July 14, 2010 Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo shaqadii joojiyay. ย Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa maanta Shaqo joojin ku dhaqaaaqay Shaqaalaha Wasaarada Warfafinta Xukuumada KMG Soomaaliya iyadoona ay joogsadeen dhamaan howlihii warbaahineed ee ay heysay Wasaaradaasi Warfaafinta. ย Sida Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya, waxaa maanta shaqo joojin sameeyay dhamana shaqaalaha wasaaradaasi kadib markii ay ka cowdeen mushaar laโaan soo wajahday mudo bilooyin ah. ย Waxaa maanta istaagay howlihii warbaahinta ee Wasaaradaasi ay ka sii deyneysay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana la hakiyay wararkii lagu qorayay Wabseedka Radiomuqdisho.net, waxaaana shaqaalaha intooda badan ay ka cabanayaan mushaar laโaan mudo labo bilood ah heysata. ย Radio Muqdisho ayaa maanta waxaa ka baxayay aayado qurโaan ah iyadoo taasi ay keentay in dadka reer Muqdisho ay suโaalo iska weydiiyaan, waxaana markii dambe qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradu ay cadeeyeen in ay howshoodii u joojiyeen mushaar laโaan heysata. ย Shaqo joojintaani ay ku dhaqaaqeen shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukumada KMG Soomaaliya ayaa imaaneysa xili dhawaan Raโiisul wasaare Sharmaโarke Wasaaradaasi uu u magacaabay wasaaradaasi Wasiir cusub kaasi oo laga dhigay C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyadoo xilkaasina uu horay u hayay Sheekh Daahir Maxโuud Geelle. ย Wasaarada Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa kor usoo kacday wixii ka dambeeyay dabayqaadii sanadkii la soo dhaafay ee 2009-ka xiligaasi oo dib u habeyn balaaran uu ku sameeyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Sheekh Daahir Maxโuud Geelle oo garab ka helay xiligaasi inta badan wariyayaashii ugu magaca dheeree Muqdisho oo shaqaadooda hakiyay markii ay bateen dhibaatooyinka loo geysanayo Saxafiyiinta Muqdisho. ย Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. ย NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites