Sign in to follow this  
Maaddeey

Wereiyaasha Radio Muqdishu 'TFG' oo Mushaar la'aan shaqadii la joojiyey.

Recommended Posts

Maaddeey   

Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo shaqadii joojiyay.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa maanta Shaqo joojin ku dhaqaaaqay Shaqaalaha Wasaarada Warfafinta Xukuumada KMG Soomaaliya iyadoona ay joogsadeen dhamaan howlihii warbaahineed ee ay heysay Wasaaradaasi Warfaafinta.

 

Sida Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya, waxaa maanta shaqo joojin sameeyay dhamana shaqaalaha wasaaradaasi kadib markii ay ka cowdeen mushaar la’aan soo wajahday mudo bilooyin ah.

 

Waxaa maanta istaagay howlihii warbaahinta ee Wasaaradaasi ay ka sii deyneysay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana la hakiyay wararkii lagu qorayay Wabseedka Radiomuqdisho.net, waxaaana shaqaalaha intooda badan ay ka cabanayaan mushaar la’aan mudo labo bilood ah heysata.

 

Radio Muqdisho ayaa maanta waxaa ka baxayay aayado qur’aan ah iyadoo taasi ay keentay in dadka reer Muqdisho ay su’aalo iska weydiiyaan, waxaana markii dambe qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradu ay cadeeyeen in ay howshoodii u joojiyeen mushaar la’aan heysata.

 

Shaqo joojintaani ay ku dhaqaaqeen shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukumada KMG Soomaaliya ayaa imaaneysa xili dhawaan Ra’iisul wasaare Sharma’arke Wasaaradaasi uu u magacaabay wasaaradaasi Wasiir cusub kaasi oo laga dhigay C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyadoo xilkaasina uu horay u hayay Sheekh Daahir Max’uud Geelle.

 

Wasaarada Warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa kor usoo kacday wixii ka dambeeyay dabayqaadii sanadkii la soo dhaafay ee 2009-ka xiligaasi oo dib u habeyn balaaran uu ku sameeyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Sheekh Daahir Max’uud Geelle oo garab ka helay xiligaasi inta badan wariyayaashii ugu magaca dheeree Muqdisho oo shaqaadooda hakiyay markii ay bateen dhibaatooyinka loo geysanayo Saxafiyiinta Muqdisho.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this