Sign in to follow this  
Castro

Ethiopians being fought in every alley in Muqdisho

Recommended Posts

^^^^LooooooooL..Leave the kid alone. He is very sincere in his remark.

 

Project TFG is disintegrating!!

 

 

Afhayeen u hadlay Madaxweyne Yuusf oo sheegay in Ra’iisal Wasaare Geeddi uu is-casilayo iyo Afhayeen u hadlay Ra’iisal Wasaaraha oo warkaas beeniyay

 

 

Axad, October 28, 2007(HOL): Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo lagu magacaabo C/risaaq Aadan Xasan oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Sharqul-Awsat ee ka soo baxa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in uu maanta Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu dib ugu laabanayo Magaalada Baydhabo, kadibna uu istiqaalad is-casilaad ah u gudbin doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Afhayeenka u hadlay Madaxweyne Yuusf Waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaare Geeddi uu la soo xiriiray madaxweynaha, isla markaana uu u sheegay in uu iska casilayo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.

 

Laakin Afhayeen u hadlay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo lagu magcaabo C/llaahi Muxyaddiin Codka ayaa beeniyay warkaas, wuxuuna farta ku fiiqay in uusan Ra’iisal Wasaare Geeddi is-casileynin, warkaasina uu yahay mid la been abuuray.

 

C/llaahi Codka waxaa uu sheegay in haddiiba ay jirto cid is-casileyso uu yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo uu sheegay in uu sharciga ku tuntay, isla markaana ay xaaladdiisa caafimaad tahay mid aan hagaagsaneyn.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo dhawaan wax laga weydiiyay in uu iska casilayo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ayaa sheegay in uu warkaas yahay mid ay faafiyeen Dad ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, wuxuuna si cad u sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu is-casilaad sameeyo.

 

Hadallada lidka isku ah ee ay sii daayeen Afhayeennada Madaxweyne C/llaahi Yuusf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxay sare u qaadeen Guuxa Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maanta si weyn u hadal haya hadallada lidka isku ah ee ay labada Afhayeen jeediyeen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu uga sii daray xaaladdii kufaa-kaca ahayd ee ay ku jireen Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna khilaafkooda uu sii nuxuusinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu tilmaami jiray mid tabar-yar ka hor Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena la rumeysan yahay in khilaafkooda uu dib u soo cusbooneysiiyay Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Very sad indeed.

 

I hope the TFG supporters, the loud ones AND the quiet ones, realise their support can no longer continue. Wrong is wrong.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this